Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNAHA LUBNAAN OO KA HADLAY CIIDAMADA QM EE UNIFIL.

(SAWIRKA)-MW-JOSEPH CAWN.

(BEIRUT)-Intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay haweeneyda Congress-ka Mareykanka ah Darine Lahoud, Madaxweynaha dalka Lubnaan Joseph Cawn wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimada ey leedahay in la kordhiyo joogitaanka ciidamada UNIFIL ee Koonfurta ilaa inta laga fulinaayo Qaraarka tirsigiisu yahay 1701, kaaso dhammaystiran,waxaane ku jira ka bixitaanka Isra’iil ee dhulalka ey wali heysato, soo celinta Maxaabiista, iyo dhameystirka ciidamada Lubnaan ee la aqoonsan yahay in la geeyo xadka la aqoonsan yahay. Madaxweyne Cawn waxa uu carabka ku adkeeyay in Lubnaan ey sugayso jawaabta Isra’iil ee soo jeedinta uu soo bandhigay Ergayga Maraykanka Thomas Barrack iyo Ergaygii hore ee Morgan Ortagus, isaga oo carabka ku adkeeyay in Lubnaan aan si rasmi ah loogu wargelin mid ka mid ah warbixinnada warbaahinta ee la xiriira damaca Israa'iil ee ah iney aag ka caaggan ka samaysato koonfurta. Iyadoo howlgalka UNIFIL ee koonfurta Lubnaan uu ku egyahay dhamaadka bishaan, Madaxweyne Cawn ayaa carabka ku adkeeyay sida ey uga go’an tahay Lubnaan sii joogitaanka ciidamada Qaramada Midoobay ee Koonfurta. Intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay Taliyaha UNIFIL Maj.General Diodato Abagnara dhowr maalmood ka hor, Cawn xaqiijiyay iney Lubnaan ka go'an tahay sidii ey u sii joogi lahaayeen ciidamada caalamiga ah ee koonfurta muddada lagama maarmaanka ah si loo fuliyo Qaraarka 1701 in dhammaan qodobbada ey iyo in la dhamaystiro daabulida Ciidanka Lubnaan ilaa xadka caalamiga ah. Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay iskaashiga u dhexeeya ciidanka, UNIFIL, iyo dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka koonfurta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan Talaadadii. Mawqifkan ayaa yimid iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka dooday qaraar qabyo ah oo Faransiisku u soo gudbiyay si loogu kordhiyo muddada ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan koonfurta Lubnaan (UNIFIL) muddo hal sano ah, si loogu diyaargaroobo ka bixitaanka si tartiib tartiib ah. Halka Israa'iil iyo Maraykanku ey ka soo horjeedaan in la kordhiyo muddada ciidankan, kuwaasoo la geeyay koonfurta xadka Israa'iil iyo Lubnaan tan iyo 1978-dii. 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa iney u codeeyaan Qaraarka qabyada ah 25-ka Agoosto, ka hor inta uusan ku ekaan waqtiga UNIFIL dhamaadka bishan. Horaantii bishaan, dowladda Lubnaan ayaa ogolaatay in laga qaado hubka Ururka Xizbullah iyo in la geliyo gacanta dowladda. Tani waxay sidoo kale ku jirtaa qaraarka 1701, kaasoo la ansixiyay ka dib dagaalkii 2006 ee Isra’iil iyo Xizbollah. Qaraarka Qaramada Midoobay ee xilligaas ayaa sidoo kale qeexaya ka bixitaanka Xisbullah ee Koonfurta Wabiga AL-Leydhaani iyo soo afjarida joogitaanka hubeysan ee koonfurta dalka.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XARUNTA UN-KA EE TRIPOLI OO GENTAALO LAGU WEERARAY MAANTA.

(SAWIRKA)GAARI UN-KA LEEYAHAY.

(TRIPOLI)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee Liibiya ayaa sheegtay goor hore oo Jimce ah in ey fashilisay weerar gantaal oo lagu qaaday xarunta dhexe ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee magaalada caasimadda ah ee Tripoli. "isku day lagu doonayey in lagu beegsado Xarunta dhexe ee Howlgalka Qaramada Midoobay gantaal SPG ah waa la fashiliyay," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda. Guri ku yaalla degmada Jannuur ayaa lagu weeraray balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay. Maamulka ayaa sheegay in Gaari Toyota Camry ah oo siday labo gantaal oo dheeraad ah iyo qalab kale oo loo adeegsaday weerarka la qabtay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyay weerarka. Wasaaraddu waxay wacad ku martay "in aan loo dulqaadan doonin dambiilayaasha iyo kuwa sharci-darrada ah," iyadoo ku nuuxnuuxsatay sida ey uga go'an tahay xaqiijinta Ergada Caalamiga ah iyo Safaaradaha. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda Liibiya (UNSMIL) ayaa shirkadda baraha bulshada ee Mareykanka ee X ku xaqiijisay in gantaal lagu soo riday meel u dhow xarunteeda xilli ey warbixin siineysay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Hanna Tetteh Golaha Ammaanka, balse waxay sheegtay in wax khasaare ah uusan dhicin. Intii ey ku guda jirtay warbixinteeda, Tetteh waxa ey soo bandhigtay khariidad looga gol leeyahay in lagu soo dhiso dowlad mideysan Liibiya ka dib doorashooyinkii dowladaha hoose ee dhawaa, kuwaas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka maxalliga ah iyo soo afjarida xilliga KMG ah ee daba dheeraaday ee dalka. Liibiya waxay weli u kala qaybsan tahay laba maamul oo iska soo horjeeda: Dawladda Midnimada Qaran ee fadhigeedu yahay Tripoli ee uu hoggaamiyo Abdul Xamid Dbeybah, oo ka talisa galbeedka, iyo mid kale oo uu magacaabay Golaha Wakiillada 2022, oo uu hoggaamiyo Cusaama Xammad oo fadhigeedu yahay Bengaazi, oo maamusha bariga iyo inta badan koonfurta. Labada hogaamiye waxay soo dhaweeyeen khariidadda roadmap-ka, iyadoo Xammad uu soo saaray bayaan taageero ah, Dbeybahna wuxuu ku tilmaamay "tallaabo loo qaaday jihada saxda ah."

ISHA-ANADOLU.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

(SURIYA):-QARAX KA DHACAY BAR KOONTAROOL EY ASKARI KU DHIMATAY.

(SAWIRKA)-BOOLISKA SURIYA.

(ISTANBUL)- Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in Xubin ka tirsan ammaanka Suuriya lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo kooxda Argagixisada ah ee Daacish (ISIS) ey ku qaadeen bar koontarool oo ku taal Bariga Gobolka Deer Ez-Zoor Jimcaha maanta ah, sida ey sheegtay wakaaladda Wararka u faafisa dalka Suriya ee SANA. "Weerar ismiidaamin ah oo ey fuliyeen kooxda Argagixisada ah ee Daacish(ISIS) ayaa lagu beegsaday koontaroolka Siyaasiyeh ee magaalada Mayadiin," ayaa lagu yiri qoraalka wakaalada wararka. "Shaqsiyaadka ku sugnaa koontaroolka ayey u suurtagashay iney dilaan mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, halka midka labaadna uu is qarxiyay," ayey raacisay hadalkeeda. Ka dib, Wakaalada Wararka ayaa sheegtay in askari ka tirsan ciidamada Nabadsugidda Gudaha sidoo kale lagu dilay weerarka. Dowladda Suuriya ayaa tan iyo markii la afgambiyay nidaamka Bashaar AL-Asad 8-dii December 2024-kii, ka dib 24-sano oo ey dalka ka talinaysay, waxa ey sii xoojisay dadaallada lagu sugayo ammaanka.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO ISRA’IIL KU WEERARAY GENTAALLO.

(SAWIRKA)-GENTAAL.

(TEL AVIV)-Wararka ka imaanaayo Isra’iil ayaa sheegaayo in Ciidmadda Isra’iil ey sheegeen maanta oo Jimca ah iney ogaadeen inuu jiro Gentaal laga soo riday dalka Yeman,ka dib markii ey wada dhawaaqeen dhammaan qalbkii loogu talagalay sheegitaanka Gentaaladda soo gala hawada Isra’iil,waxaane dhawaqaasi laga maqlay meelo kala duwan,waxaane habka difaaca gentaaladda ee Isra’iil ey isku dayeen iney ka hortagaan. Bayaan ey soo saareen ciidmadda Isra’iil ayaa lagu sheegay “Ka dib digniino la sheegay in wax yar ka hor laga sameeyey degaano dhawr ah oo ku yaalo Isra’iil ayaa ahaa Gentaalo laga soo riday dalka Yeman”. Ciidamadda Isra’iil ayaa sheegay “Isku dayo ka hortag ah in la sameeyey natiijadana la baaraayo”,ciidamada ayaa intaas raaciyey “In la helay warbixino ku saabsan dhawr firir oo gentaalka ah iney ku soo dhaceen meelo ka mid ah bartamaha Isra’iil”,duqeymaha ayaa sabab u noqday in dhawaqa Gentaalada hawada laga maqlo meelo badan oo Isra’iil ah oo ey ku jirto caasimadda Tel Aviv. Dhinaca kale,Kanaalka 12-aad ee Isra’iil ayaa sheegay in masuuliyiinta ey xireen hawada garoonka Ben Gurior ee u dhaw caasimadda Tel Aviv ka dib markii la ogaaday inuu jiro Gentaal laga soo riday dalka Yeman. Adeega Ambalaask Isra’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tiro aan la cayimin oo da ah uu soo gaareen dhaawacyo fudud kuwaaso ka dhashay shilal dhacay xilli ey ku sii jeedeen godadkooda ey ka galaan Gentaaladda Yeman. Arrintaan ayaa ku soo beegantay saacado uun ka dib markii ciidamadda Isra’iil ey ku dhawaaqeen iney qabteen diyaarad aan duuliya leheyn lagana soo duuliyey dalka Yemen,taaso kicisay firimbiga hawada ee degaanadda ku dhegan Marinka Gaza. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa weeraro joogta ah ku qaado Isra’iil iyagoo adeegsanaay Gentaallo iyo diyaaradah aan duuliyaha lahayn, waxa eyna ku bartilmaamedsadaan Maraakiibta ey aaminsan yihiin iney ku sii jeedaan amaba iney ku xiran yihiin Israa’iil. Isra’iil ayaa jawaab ka bixisay weerarada Xuutiyiinta waxa eyna duqeeymo ka geysatay dhulka ey ka taliyaan Xuutiyiinta Yeman.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

(YEMEN):-WIIL 11-JIR AH OO HOOYADIIS KU DILAY DEGMADA AL-DHAALAC.

(SAWIRKA)-QORIGA AK47.

(YEMEN)-Hooyo u dhalatay dalka Yemen ayaa lagu dilay rasaas uu ku furay canug ey iyada dhashay, shilkan ayaa ka dhacay Gobolka Dhaalac ee Koonfurta dalka Yeman. Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in haweeney da’deeda lagu qiyaasay 30 jir uu wiilkeeda oo 11 jir ah ku dilay rasaas kasoo dhacda AK47. Xarunta Warbaahinta Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in haweeney 35 jir ah la dilay ka dib markii lagu toogtay dhacdo la xiriirta hub oo ka dhacday Gobolka AL-Dhaalec. Xaruntu waxa ey ka soo xigatay booliiska in mid ka mid ah wiilasha dhibbanaha ah oo 11 jir ah uu ku ciyaarayay Qoriga is-difaaca ah, ka dib markii rasaas lagu furay, ey hooyadii caloosha kaga dhacday, taas oo sababtay in isla markiiba u geeriyooto. Booliisku waxa ey intaa ku dareen in dhacdooyinkan oo kale ey inta badan soo noqnoqdaan sababo la xiriira dayacaad iyo in hubka laga tago meel ey carruurtu gaari karaan, taasoo inta badan keenta in la dhibaateeyo caruurta ama xubin qoyska ka tirsan. Natiijadii fowdadii amni iyo hubkii oo batay oo ey ku jiraan colaado soo jiitamayay in ka badan 10 sano, waxaa gobollada kala duwan ee dalka Yemen ka dhacay dhacdooyin la mid ah sannadihii u dambeeyay, kuwaas oo galaaftay tobaneeyo qof.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA IYO ISRA’IIL OO DIB U KULMI DOONO BISHA SOO SOCOTO EE SEBTEMBAR.

(SAWIRKA)XADKA SURIYA IYO ISRA’IIL.

(DAMASCUS)-Ilo-wareedyo sare oo Suuriyaan ah ayaa u sheegay wargeyska The Independent Arabia si gaar ah in Suuriya iyo Israa’iil ey u kala saxiixan doonaan heshiis dhinaca Ammaanka ah oo uu Maraykanku kafaalo qaaday taariikhdu markeey tahay 25-ka September/25-ka. Ilo wareedyada ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Suuriya Ahmad AL-Sharac uu khudbad ka jeedin doono New York ka hor inta aan la saxiixin heshiiska, taasoo qeyb ka ah ka qeyb galka shirarka golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Tel Aviv iyo Dimishiq ma saxiixi doonaan heshiis nabadeed oo dhameystiran mustaqbalka dhow, waxaana heshiiska uu ku koobnaan doonaa oo kaliya Arrimaha Amniga si loo qaboojiyo xiisadda labada dal. Ilaha ayaa Tv-ga AL-Carabiya Arbacadii shalay sheegay in Suuriya iyo Israa'iil ey ku heshiiyeen qiyaastii 80% qodobbada, taas oo muujinaysa in Dimishiq iyo Tel Aviv ey ku heshiiyeen iney sii wadaan wadahadalkooda Amniga ee Baku iyo Paris. Isla ilo wareedyo ayaa sharaxay in qabanqaabada ammaanka ee koonfurta Suuriya ey ku dhowdahay in la dhammaystiro. Wakaalladda Wararka Carabta ee Syria (SANA) ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Ascad AL-Sheybaani uu Talaadadii la kulmay Wafdi ka socday Isra’iil. Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in wada-hadallada diiradda lagu saaray "dejinta xiisadda iyo faragelin la'aanta Arrimaha Gudaha ee Suuriya, gaarista isfaham taageeraya xasilloonida gobolka, iyo la socoshada xabbad-joojinta gobolka Sweyda." Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dib u howlgelinta heshiiskii 1974-tii ee lagu kala saarayay Israa’iil iyo Suuriya, kaas oo lagu sameeyay aag dhowr ah oo hoos yimaada Qaramada Midoobay ee buuraha Golan. Maalmo ka hor, Madaxweynaha Suuriya, Axmad AL-Sharac ayaa sheegay in dagaalka lagu doonayo in lagu mideeyo dalkiisa sannado badan oo dagaal ah "waa inaan lagu dagaalamin dhiig daata iyo awood ciidan," isagoo diiday qayb kasta oo uu Israa'iil ku eedeeyay iney faragelin ku hayso koonfurta. Intii lagu guda jiray kulan wada hadal ah oo uu la yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Idlib oo ey ka soo qeyb galeen Wasiirro iyo Siyaasiyiin, lagana sii daayay telefishinka Qaranka habeenkii Sabtida, ayuu yiri “Waan ku ridnay taliska dagaalka lagu xoreynayo Suuriya, waxaana weli noo harsan dagaal kale oo lagu mideynayo Suuriya, mana aha in lagu dagaalamo dhiig iyo cudud ciidan. Waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo hab lagu fahmo ka dib sannado badan oo dagaal lagu daalay. "Ma arko wax khatar ah oo ku saabsan kala qaybinta Suuriya," Sharac ayaa sharaxay. "Tani waa wax aan macquul ahayn." Waxa uu sii raaciyay, "Xisbiyada qaar ayaa isku dayaya iney xoog ka helaan awood gobol, haddii ey ahaan lahayd Israa'iil ama mid kale. Tani waa mid aad u adag oo aan la shaqayn karin," isaga oo tixraacaya dalabaadka Druze ee Sweyda qaarkood ee faragelinta Isra’iil.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LUBNAAN OO HUBKA DHIGIS KU SAMEYSAY URUR REER FALASTIIN AH.

(SAWIRKA)-HUBKA FALASTIIN.

(BEIRUT)-Ciidamada Lubnaan ayaa gelinkii dambe ee Khamiista maanta ah gudaha u galay Xerada Qaxootiga ee Burj AL-Barajneh ee duleedka Koonfureed ee Beyrut, waxayna bilaabeen ururinta hubkii ugu horeeyay ee la isoo dhiibay, taasoo qayb ka ah tillaabooyin ey dowladdu ku doonayso iney hubka uga dhigto kooxaha Falastiiniyiinta. Wareejinta hubka ayaa qeyb ka ah hub ka dhigis ballaaran oo daba socota go’aanka dowladda Lubnaan, oo lagu dhawaaqay 5-tii Agoosto, si loo xaddido haysashada hubka oo keliya gobolka. Waxa kale oo uu daba socdaa kulan hore oo dhex maray Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn iyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, oo May 21-keedii lagu qabtay Beyrut.  Raysal Wasaare Nawaf Salaam ayaa soo dhoweeyay billowga hannaankan, isagoo sheegay in markii ugu horeysay ee hubka Falastiin lagu wareejiyay ciidamada Lubnaan ey muujineyso tallaabo muhiim ah. Dufcooyin dheeri ah ayaa laga wareejin doonaa toddobaadyada soo socda Burj AL-Barajneh iyo Xerooyinka kale, ayuu raaciyay.  Ramez Dimashqyeh, oo ah Madaxa guddiga wadahadalka ee dowladda Lubnaan iyo Falastiin, ayaa ku tilmaamay howlgalka mid "wareejin ku saleysan liisaska ey horay u sii diyaariyeen Ciidanka Lubnaan oo kaashanaya ciidamada Falastiiniyiinta ee ku sugan xerada." Waxa uu u sheegay warbaahinta: “Ciidanka Lubnaan waxa ey diyaariyeen liisaska hubka yaalla xerada, gaar ahaan hubka culculus, hawlgalku waxa uu u dhici doonaa weji, mana dhammaan doono hal maalin.” Dimashqyeh ayaa sheegay in "hubka lagu wareejinayo (ciidamada) aanu ahayn hub cusub oo la soo galiyay xeryaha, balse waxa uu yaalay xerada muddo dheer." Markii hubka la wareejinayay, dhaqdhaqaaqayaasha Xisbullah ayaa baraha bulshada ku faafiyay sheegashooyin sheegaya in hubka iska dhiibay xerada Burj AL-Barajneh "uu lahaa mid ka soo goostay dhaqdhaqaaqa Fatax oo la keenay xerada laba maalmood ka hor." Guutada Injineerinka ee Ciidanka Lubnaan ayaa hubkii baaray ka hor intaysan soo saarin. Ka hor inta aan la wareejin, shaqaalaha ciidamada ayaa u sheegay saxafiyiinta isugu soo baxay albaabka xerada iney ka baxaan aagga. Dimashqyeh ayaa sheegay in hubkan ey gacanta ku dhigi doonaan ciidamada Lubnaan, iyadoo howlgalladan ey ugu dambeyn gaarayaan xeryo kale. Lubnaan waxay martigelisaa 12 Xero Qaxooti oo Falastiiniyiin ah, oo ku baahsan Beyrut iyo agagaarkeeda Koonfureed, Bekaa, Waqooyiga, iyo Koonfurta. Kan ugu weyn waa Ceyn AL-Xilweh, oo ku taal gobolka Siidoon. Waagii hore, Ciidanka Lubnaan waxa ey iska ilaalin jireen iney galaan Xeryaha Falastiin, taas beddelkeeda waxa ey inta badan la macaamilaan guddiyo ey samaysteen hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta. Sarkaal Falastiini ah ayaa ku tilmaamay "fikrado kala duwan" oo ka dhex jira ciidamada Falastiiniyiinta ee ku sugan xerooyinka ku saabsan dhiibista hubka, iyadoo kooxaha xulafada la ah Xizbullah ey ka soo horjeedaan wareejinta. Gasaan Ayuub, oo xubin ka ah hoggaanka Xisbiga Shacabka Falastiiniyiinta ee Lubnaan, ayaa u sheegay warbahinta: "Tani macnaheedu ma aha in dhammaan kooxaha Falastiiniyiintu aanay danaynaynin iney isfaham la gaaraan dawladda Lubnaan.  Thomas Barrack, Ergeyga Mareykanka ee Lubnaan iyo Suuriya, ayaa ammaanay wareejinta hubka Falastiiniyiinta habeenimadii Khamiista, isagoo ku tilmaamay "cabbir geesinimo leh iyo tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday midnimada iyo xasilloonida." Habeen hore, Sirdoonka Ciidanka Lubnaan, ayaa hawlgal amni oo lala beegsaday gudaha Hotel Phenicia Intercontinental Hotel ee Beyrut, waxa ey ku xireen Shadi Maxamud Mustafa AL-Far, oo ahaa sarkaalkii hore ee Fatax ee Xerada Burj AL-Barajneh. In kasta oo eysan weli caddayn in hawlgalku uu la xiriiro hubka la soo dhiibay Khamiista, haddana ilo dhinaca ammaanka ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in AL-Far laga eryay Ururka Fatax in ka badan laba bilood ka hor, ka dib markii uu ku xad-gudbay go'aannada Ururka ee dhaqdhaqaaqa. Ilaha ammaanka ee Lubnaan ayaa xaqiijiyay in AL-Far "ey ku daba jiraan dhowr waaran oo Maxkamadeed oo Lubnaan ah." Ilaha siyaasadeed ee Falastiiniyiinta, oo diiday in magaciisa la sheego, ayaa ku tilmaamay wareejinta hubka ee Xerada Burj AL-Barajneh "tallaabo loo qaaday jihada saxda ah."  Isha ayaa intaa ku dartay: "Waxaa loo baahan yahay in la burburiyo shabakadaha soo ifbaxay in ka badan 50 sano, isku dhafka hubka iyo ka Ganacsiga Maandooriyaha, iyo ku lug lahaanshaha hawlgallada waa-weyn ee musuqmaasuqa."  Wareejinta hubka ee xerada ayaa timid laba maalmood ka dib markii wafdi ka socda guddiga xiriirka Falastiiniyiinta ee dhinaca Lubnaan, oo uu ku jiro Yaasir Cabbaas, ey wada-hadallo ku yeesheen Lubnaan go'aan-qaadayaal, oo ey ku jiraan saraakiil siyaasadeed iyo saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Lubnaan, sida ey sheegtay Falastiin. "Kulanka ugu caansan wafdiga wuxuu ahaa afhayeenka baarlamaanka Lubnaan Nabih Berri, oo ah xulafada Xizbullah, kaas oo ka gorgortamaya magaca Xisbiga iyo dhinaca Mareykanka ee ku saabsan hirgelinta heshiiska xabbad joojinta," ayaa lagu yiri warka.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO KA HADASHAY WADA HADALADDA XAMAAS IYO ISRAA’IIL.

(SAWIRKA)-CABDUL-CAADHI.

(CAIRO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar Dr. Badar Cabdul -caadhi ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga faa’ideysto fursada hadda jirta ee ey Xamaas aqbashay soo jeedinta Mareykanka ee ah in loo gudbo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka xaq darada ah ee Israa’iil ey ku hayso Marinka Gaza, kaasoo socday ku dhawaad labo sano. Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga faa’iidaysto xabbad joojinta lixdanka maalmood ah ee la soo jeediyay si looga wada xaajoodo joojinta dagaalka iyo in dhidibbada loo aaso sidii xal waara loogu heli lahaa arrinta Falastiin. Tani waxay ku soo beegantay xilli uu telefoonka kula xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Arbacada maanta ah Steve Witkoff, Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, taasoo qayb ka ahayd xiriirkooda joogtada ah si ey wax uga qabtaan isbeddellada gobolka, gaar ahaan xaaladda masiibada ah ee Marinka Gaza iyo horumarka la xiriira arrinta Nukliyeerka ee Iran. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Tamim Khallaf, ayaa sheegay in Cabdul-caadhiti uu dib u eegis ku sameeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee wada xaajoodyadii xabad joojinta ee Gaza, intii lagu guda jiray baaqa, gaar ahaan ka dib markii Xamaas ey aqbashay soo jeedintii uu horay u soo jeediyay ergayga Mareykanka. Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay jawaabta Isra’iil ee soo jeedinta iyo dhaqan gelinta si wax looga qabto dhibaatooyinka hadda jira, loo ilaaliyo nolosha Maxaabiista, loo yareeyo dhibaatada Falastiiniyiinta ee Gaza, iyo in la hubiyo qulqulka gargaarka ee tiro ku filan si loo daboolo baahiyaha dadka Falastiiniyiinta, kuwaasoo lagu hayo siyaasad nidaamsan oo gaajo ah.

BARNAAMIJKA NUKLIYEERKA IRAAN:

Dhanka barnaamijka Nukliyeerka Iran, Cabdul-caadhi wuxuu ku celiyay mowqifka Masar ee ku baaqaya in xiisadda Bariga Dhexe la dejiyo iyo maqnaanshaha xal militari oo arrintan iyo dhibaatooyinka kale ee gobolka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay xiriirka Masar ee socda si ey ugu soo laabtaan wadada wada xaajoodka, si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasiloonida gobolka iyo caalamka oo la xoojiyay. Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado shaqada wadajirka ah ee u dhaxeysa Masar iyo Mareykanka si loo gaaro amniga, nabadda, iyo xasilloonida Bariga Dhexe, taasoo muujineysa aragtida Madaxweyne Trump ee ku aaddan nabad ku soo dabaalidda gobolka iyo caalamka, lagana shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa tobanaan sano oo colaado ah oo u dhexeeyo Falastiiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

ISHA-ALQAHIRA NEWS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUURIYA IYO ISRA’IIL OO HESHIIS KA GAARAY XAALADDA SWEYDA.

(SAWIRKA)-SWEYDA.

(PARIS)-Ilo wareedyo AL-Carabiya ah ayaa Arbacada maanta ah sheegay in Suuriya iyo Israa'iil ey ku heshiiyeen qiyaastii 80% qodobbada, taasoo muujinaysa in Dimishiq iyo Tel Aviv ey ku heshiiyeen iney sii wadaan wadahadalkooda Amniga ee Baku iyo Paris. Isla ilo wareedyo ayaa sharaxay in qabanqaabada ammaanka ee Koonfurta Suuriya ey ku dhowdahay in la dhammaystiro. Waxa ey sidoo kale xustay in ergayga Mareykanka Tom Barrack uu ka codsaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya Ascad AL-Sheybani in uu u caddeeyo muuqaallada muujinaya xadgudubyada ka dhanka ah Druze ee Sweyda. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in hoggaamiyaha ruuxiga ah ee beesha Druze ee Israa’iil , Muwaffaq Tarif, uu ugu baaqay hoggaamiyaha caanka ah ee Druze ee Suuriya, Xikmat AL-Hijri, inuu ka shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa Dimishiq.

KULAN KA DHACAY PARIS:

Arrintan ayaa timid ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, Ascad AL-Sheybani uu magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska kula kulmay wafdi ka socday Israa’iil, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Koonfurta Suuriya iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida Gobolka. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in la xoojiyo dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda, lagana fogaado faragelinta Arrimaha Gudaha ee Suuriya. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la taageero isfahamka ka qayb qaadanaya xasilinta xaaladda iyo la socodka xabbad joojinta ee Gobolka AL-Suwayda. Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in dib loo hawlgeliyo heshiiskii 1974kii ee ku saabsanaa kala qaadista ciidamada. Wadahadalladan ayaa loo maray dhexdhexaadin Maraykan ah, taasoo qayb ka ah dadaallada diblumaasiyadeed ee loogu talagalay ilaalinta Amniga iyo xasilloonida Suuriya iyo ilaalinta Madaxbannaanida dhulkeeda, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Suuriya ee SANA. 13-kii Luulyo, Sweyda waxa ey goob joog ka ahayd iska hor imaad toddobaad socday oo u dhaxeeyay dagaalyahanada Druze iyo qabiilada Bedwiyiin. Ciidamada Ammaanka Dowladda Suuriya ayaa soo kala dhexgalay labada dhinac, si ey u hakiyaan dagaalka. Marka loo eego qiyaasaha Qaramada Midoobay, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa ku barakacay colaadda. Laakiin tan iyo 19-kii Luulyo, gobolka ayaa goob joog ka ahaa xabbad-joojin. Maalmo ka hor, Madaxweynaha Suuriya, Axmad AL-Sharac, wuxuu carrabka ku adkeeyay midnimada dhulka Suuriya, isagoo xusay in "dhinacyada qaarkood ey taageero ka raadinayaan Israa'iil, laakiin ma awoodi doonaan iney gaaraan hadafkooda," isaga oo tixraacaya qaar ka mid ah baaqyo ey soo saareen Hogaamiyeyaasha Druze ee Sweyda.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIDAAMKA DALBASHADA FIISAHA CUMRADA EE NUSUK OO MAANTA FURMAY.

(SAWIRKA)-KACBADA.

(RIYADH)-Wararka ka imaanaayo dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa sheegaayo in Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ey Arbacada maanta ah billowday adeegga “Nusuk Cumrah”, tallaabadan oo ah mid tayo leh oo u sahlaysa kuwa Cumreysanayo ee dibadda ka imaanaya iney si toos ah u dalbadaan Fiisaha Cumrada iyo adeegyada buugaagta ee la xiriira safarkooda, iyadoo aan loo baahnayn cid dhex dhexaad ah. Adeegga waxaa laga heli karaa barta "https://umrah.nusuk.sa/", sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda. Adeegga Cumrada ee Nusk Cumrada ayaa ah ikhtiyaar cusub oo loogu talagalay dadka doonaya iney kasoo gutaan cumrada dibadda Boqortooyada, marka lagu daro xulashooyinka kale sida wakiillada u qalma ee dalka xajka, kuwaas oo laga heli karo goobta Nusk Cumrada. Adeegga cusub wuxuu u oggolaanayaa isticmaaleyaasha iney ka doortaan xirmo isku dhafan ama adeegyo gooni-gooni ah, oo ey ku jiraan Fiisaha, hoyga, gaadiidka, dalxiisyada tayeynta, iyo adeegyada taageerada, iyadoo awood u leh iney u habeeyaan baakadaha hadba rabitaankooda iyo rabitaankooda. Tan waxaa lagu gaaraa iyada oo loo marayo is-dhexgal isticmaale oo casri ah kaasoo taageera toddobo luqadood oo la dhexgaliyo nidaamyada dawladda ee khuseeya, hubinta midaysan oo khibrad dhijitaal ah oo aan xiriir lahayn. Adeeggu wuxuu bixiyaa doorashooyin lacag-bixineed oo badan oo ku habboon qaybo kala duwan, taasoo u oggolaanaysa xujaajta iney dhammaystiraan dhammaan habraacyada si elektaroonig ah, laga bilaabo codsi ilaa helitaanka Fiisaha gelitaanka. Waxa kale oo ey bixisaa baakado iyo adeegyo kala duwan oo kala duwan si ey u daboolaan baahiyo kala duwan iyo rabitaanno kala duwan, hubinta khibrad la'aan iyo kobcin. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa xaqiijisay in daahfurka adeegga “Nusuk Cumrah” uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo hiigsiga 2030-ka ee Boqortooyada Sacuudiga, taasoo ey ka mid tahay martigelinta tirada ugu badan ee Muslimiinta, si fudud oo fudud ey ku gutaan waajibaadka Xajka iyo Cumrada, iyo bixinta adeegyo tayo sare leh oo kor u qaadaya khibradda Xujaayda ee Boqortooyada Sacuudiga.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALALKA URDUN IYO LUBNAAN OO KA WADA HADLAY XAALADDA GOBOLKA.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAYASHA URDUN IYO LUBNAAN.

(AMMAN)-Raysal Wasaaraha dalka Urdun Jacfar Xasan iyo dhiggiisa Lubnaan Nawaf Salam ayaa wadahadal ku yeeshay magaalada caasimadda ah ee Cammaan maanta oo Talaado ah, iyadoo labada dhinac ey hoosta ka xariiqeen diidmada siyaasadda Israa’iil ee Gaza, waxayna ku baaqeen in la xoojiyo dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka ka socda dhulka go’doonsan ee Falastiin. RW-Xasan waxa uu sheegay in xaqiiqada ka jirta dhulka “Eysan ka tarjumayn dhalanteedka waxa loogu yeero Israa’iil-weyn, balse ey tahay mid ka baxsan, Israa’iil oo go’doonsan oo go’doonsan gobol ahaan iyo caalami ahaanba, taasoo ey sabab u tahay siyaasaddeeda Arxan-darrada ah iyo Xag-jirnimada,” ayaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee dalka Urdun. Waxa uu sidoo kale ka digay isku dayga lagu doonayo in lagu sii dheereeyo khilaafka iyada oo lagu marmarsiyoonayo aragtiyo noocaas ah, isagoo ku nuuxnuuxsaday in xasuuqa ka dhacaya Gaza iyo Daanta Galbeed "aan la cafin doonin dadyowga gobolka iyo adduunka." Waxa uu ku celceliyay in Urdun ey cambaaraynayso qabsashada Israa’iil ee dhulka Lubnaan, isaga oo ku booriyay in si buuxda loo dhaqan geliyo heshiiska xabad joojinta, isla markaana si deg deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah Lubnaan. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in dalka Urdun ey taageerto Madaxbannaanida, Xasilloonida, iyo Hay'adaha Lubnaan, iyadoo la raacayo awaamiirta Boqor Cabdallaha 2-aad. Dhanka Falastiin, RW-Xasan wuxuu ku baaqay in la furo dhammaan marinnada Gaza si loogu oggolaado gargaarka bini'aadannimo inuu gaaro dadka rayidka ah, isaga oo si sharci ah iyo damiir ahaanba Israa'iil mas'uul ka ah burburka dadaallada gargaarka ee gobolka. Waxa uu sidoo kale xusay sida ey uga go'an tahay Urdun ee ku saabsan casriyeynta hoyga iyada oo la taageerayo Lubnaan iyo Suuriya si loo xoojiyo Madax-bannaanida, xoojinta Hay'adaha, iyo xoojinta adkeysiga gudaha. Intii lagu guda jiray wareeggii labaad ee wadahadalka qado uu sameeyay RW-Xasan, labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in dib la isugu keeno guddiga sare ee wadajirka ah ee Urdun iyo Lubnaan ka dib ku dhawaad ​​toban sano uu baaba’asanaay. Dalalku waxay diiradda saari doonaa kor u qaadista iskaashiga Ganacsiga, Gaadiidka, iyo Tamarta. RW-Salam waxa uu muujiyay sida ey Lubnaan uga mahadcelinayso taageerada joogtada ah ee Urdun ee uu hoggaamiyo Boqor Cabdallah, isaga oo ku tilmaamay mawaaqifta Cammaan mid “taariikh iyo istiraatijiyadeed,” ayey sheegtay JNA. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada codka Urdun uu u leeyahay golayaasha heer gobol iyo heer caalami, wuxuuna dib u xaqiijiyay ka go’naanta Lubnaan ee Hindisaha Nabada Carabta iyo xal laba dowladood ah oo ah wadada kaliya ee lagu xalin karo qadiyada Falastiin. Horaantii Talaadadii, Boqor Cabdallah waxa uu la kulmay Salaam, oo uu ku wehliyo Dhaxal sugaha, Hussein bin Abdullah. Boqorka ayaa xaqiijiyay in Urdun ey si buuxda u garab taagan tahay Lubnaan si ey u ilaaliso amnigeeda iyo Madax banaanideeda, waxa uuna carabka ku dhuftay muhiimada ey leedahay in la ballaariyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday isbedelada ka socda dalka Siiriya, iyadoo Boqorka uu ku celceliyay in Urdun ey taageereyso dadaalada Syria ee lagu ilaalinayo Xasiloonida, Madaxbanaanideeda, iyo badqabka muwaadiniinteeda. Dhanka Gaza, Boqor Cabdallah ayaa mar kale ku baaqay xabbad joojin deg deg ah iyo kordhinta gargaarka si loo yareeyo musiibada bini'aadantinimo. Waxa uu dib u xaqiijiyay diidmada Urdun ee diidmada Isra’iil isku dayga ey ku balaariso maamulka Daanta Galbeed iyo guud ahaan gobolka.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XAMAAS OO AQBALAY INUU DIB UGU LAABTO WADA HADALADA ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-TAAGEERAYAASHA URUKA XAMAAS.

(CAIRO)-Ururka dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku wargeliyey dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar iney ansixiyaan Hindisahooda cusub ee Xabbad-joojinta Israa'iil ee marinka Gaza, sida ey ilo-wareedyo Xarakadda Xamaas ka tirsan u sheegeen Tv-ga AL-Carabiya maanta oo Isniin ah. Isla macnaha guud, ilo ka tirsan dhaqdhaqaaqa, oo ka hadlaya xaalad aan la magacaabin, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Presse: "Xamas waxay u gudbisay Jawaabteeda dhexdhexaadiyeyaasha, iyada oo sheegaysa heshiiskeeda, oo ey weheliyaan kooxaha (Falastiiniyiinta), soo jeedinta cusub ee xabbad joojinta, iyada oo aan codsanin wax isbeddel ah." Illo ka tirsan kooxaha Falastiiniyiinta ayaa dhankiisa yiri: "Xamas waxay aqbashay soo jeedinta la soo bandhigay iyadoo aan wax laga bedelin." Sarkaal Falastiini ah ayaa horay u sheegay in dhexdhexaadiyayaashu ey soo jeediyeen xabbad joojin 60 maalmood ah oo ey ku jirto in Maxaabiista lagu sii daayo laba qaybood. Ka dib, isla sarkaal Falastiini ah ayaa Wakaaladda Wararka ee France-Presse u xaqiijiyay in Xamaas ey soo gudbisay jawaabteeda ey ku aqbashay soo jeedinta. Waxa uu sharaxay: " Dhexdhexaadiyayaashu waxay ku dhawaaqi doonaan heshiis waxayna cayimi doonaan taariikhda dib loo bilaabayo wada xaajoodka." Waxa uu tilmaamay in "dhexdhexaadiyayaashu ey dammaanad siiyeen Xamaas iyo garabyada si ey u fuliyaan heshiiska, iyagoo ballan qaaday iney dib u bilaabayaan wada-xaajoodka si xal waara looga gaaro" dagaalka socda 22 bilood. Dhanka kale, ilo Masaari ah oo xog ogaal ah ayaa ku dhawaaqay in "dhexdhexaadiyayaashii, Masar iyo Qatar, ey gaareen guul ey ku cadaadiyeen Xamaas iney aqbasho soo jeedinta isku dhow ee ka timid ergeyga Maraykanka Steve Witkoff, kaasoo dhinaca Isra’iil ey horey u ogolaatay." Waxa uu sheegay in "dhexdhexaadiyayaashu ey awoodeen iney gaaraan natiijadan inkasta oo ey dhawaanahan dhaceen dhacdooyin iyo horumarro tilmaamaya iney sii kordhayaan," isagoo sharraxay in tallaabadani ey dhabaha u xaarayso in la gaaro heshiis dhameystiran oo loo maro habka ugu wanaagsan, iyada oo aan khatar gelin nolosha Maxaabiista la xiray iyada oo loo marayo hawlgallo ciidan oo dheeraad ah. Waxa uu intaa ku daray in "aqbalitaankan uu ka fogaan doono dhacdooyinka ka sii dari doona xaaladda bini'aadantinimo ee dadka deggan Marinka Gaza, kuwaasoo markii horeba si weyn u dhibaataysnaa." Isha ayaa sharraxday in "soo jeedinta ey ka mid tahay waddo loo maro heshiis dhammaystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka, oo ey ku jiraan joojinta ku-meel-gaarka ah ee hawlgallada militari, inta lagu gudajiro taas oo ciidamada Israa'iil ey dib u dejin doonaan khadadka ey ku jiraan soo jeedinta Witkoff, iyo gelitaanka deg degga ah ee gargaarka bani'aadamnimada si loo daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee dadka deggan Marinka." Waxa uu intaa ku daray in "inta lagu guda jiro muddadan, tiro Maxaabiis Falastiiniyiin ah lagu beddeli doono kala bar tirada la haystayaasha Israa'iil ee lagu haysto marinka Gaza." Waxa uu shaaca ka qaaday in "tallaabadani ey bilow u noqon doonto wadada xal buuxa loo gaari karo" isagoo ku dhawaaqay in Xamaas ey ogolaatay soo jeedinta Masar iyo Qatar ey soo bandhigeen, tanina ey tahay doorashada ugu wanaagsan ee la heli karo si dadka degan Marinka Qaza looga ilaaliyo xiisada militari oo ey dowlada Isra’iil ogolaatay ayna damacsan tahay iney bilowdo. Waxa uu carabka ku adkeeyay in "soo jeedinta ey ku jirto waddo loo maro heshiis dhameystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka, iyo in si ku meel gaar ah loo joojiyo howlgallada militari muddo 60 maalmood ah, muddadaas oo ciidamada Israa'iil ey dib u howlgelin doonaan si ey u oggolaadaan gelitaanka gargaarka bini'aadantinimo. Inta lagu jiro muddadan, tiro Maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa lagu beddeli doonaa kala bar tirada Maxaabiista Isra’iil ee lagu hayo Marinka Gaza." Taas bedelkeeda, sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in Tel Aviv eysan weli helin jawaabta Xamaas ee soo jeedinta. Dhinaca kale, ilo xog ogaal ah ayaa Yv-ga AL-Carabiya u sheegay in “Masar iyo Qatar ey ku casuumi doonaan ergayga Maraykanka Steve Witkoff Qaahira si uu u dhamaystiro heshiiska Gaza”. Dhankiisa, Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil Itamar Ben-Gvir ayaa uga digay Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu aqbalo “heshiis qabyo ah”, isagoo yiri, “Ma lihid wax amar ah oo aad ku tagto heshiis qabyo ah adigoon ka adkaan Xamaas, haddii Netanyahu uu tanaasulo oo uu joojiyo dagaalka, wuxuu lumin doonaa fursad weyn. Dhankooda, Qoysaska Maxaabiista Isra’iil ayaa ku nuuxnuuxsaday, warqad ey u direen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, baahida loo qabo heshiis dhammaystiran.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL MAKU GUULEYSAN DOONTAA INEY DADKA REER FALASTIIN DEJISO K/SUUDAAN?

(SAWIRKA)-WASIIR ISRA’IIL AH IYO MW-KIIR.

(SOUTH SUDAN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in Xukuumadda Isra’iil ey gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah u diri doonto dalka Koonfurta Suudaan. "Israa'iil waxa ey gargaar bini'aadantinimo oo deg deg ah siin doontaa dadka ugu nugul" ee ku nool Koonfurta Suudaan si wax looga qabto "Cudurka Daacuunka iyo baahidda ba’a," ayaa lagu yiri bayaan. Wasaaraddu waxay sharaxday in gargaarka uu ka koobnaan doono “Sahayda Caafimaadka, Qalabka lagu nadiifiyo Biyaha, Galoofyada iyo waji-xirka, iyo Xirmooyinka nadaafadda gaarka ah ee ka hortagga Daacuunka,” marka lagu daro “Xirmooyinka Cuntada”. Tani waxay imaanaysaa iyadoo Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu sheegay inuu u ogolaan doono dadka reer Gaza haddii ey doonaya iney ka cararaan dagaalka ka socda Marinka iney isaga baxaan Marinka Gaza,isagoo ku nuux-nuuxsaday in dowladdiisu ey wadahadallo kula jirto dalal dhowr ah "kuwaas oo noqon kara kuwa martigeliya dadka reer Gaza." Warar ey heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Koonfurta Suudaan ey ka mid tahay dalalka ey Israa’iil ka fikirayso iney u soo wareejiso Falastiiniyiinta, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu barakiciyo dadka deggan marinka Qaza. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Juba ayaa War-saxaafadeed ey horay u soo saartay ku beenisay wararkaas, waxayna ku nuuxnuuxsatay in eedeymahaas ey yihiin "mid aan sal lahayn." Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Israa’iil Sharon Haskel ayaa todobaadkii hore booqasho ku tagtay magaalada Juba, waxayna la kulantay Madaxweyne Salva Kiir. Ku dhawaaqista Isra’iil ee ah iney gargaar u dirayso Koonfurta Suudaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Marinka Gaza ey ka jirto xaalad bini'aadantinimo oo aad u daran oo ey sabab u tahay dagaalka socda in ka badan 22 bilood. Israa'iil ayaa wajaheysa dhaleeceyn sii kordheysa oo caalami ah oo ku saabsan dhibaatada bini'aadantinimo ee Marinka Gaza, iyadoo la xaddiday gelitaanka gargaarka bini'aadantinimo iyo yaraanta biyaha, cuntada, iyo shidaalka, iyo digniinaha Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha caalamiga ah ee khatarta macluusha. Isniintii, Amnesty International waxay ku eedaysay Israa'iil iney waddo "siyaasad gaajo oo ula kac ah" oo ka jirta marinka Gaza ee la go'doomiyay iyo kuwa burburay. Koonfurta Suudaan ayaa ka go'day Suudaan sannadkii 2011-kii, waxaana hareeyay xasillooni-darro ka dhalatay dagaal sokeeye oo u dhexeeyay taageerayaasha Madaxweyne Salva Kiir iyo kuwa ey isku hayaan xukunka sida Ku-xigeenkiisa, Riek Machar, intii u dhexeysay 2013 iyo 2018. Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 400,000 oo qof iyo barakaca afar milyan.

XIGASHO AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FALAAGADA RSF OO DUQEYSAY XERYO QAXOOTI OO KU YAAL EL-FASHER.

(SAWIRKA)-CIIDANKA SUDAN.

(PORT SUDAN)-Ciidamada milatariga Suudaan ayaa duqeeyay Waqooyiga Darfur ee caasimadda go’doonsan ee EL-Fasher Sabtidii, halkaasoo ey ku dileen ugu yaraan 17-qof oo rayid ah 25 kalena way ku dhaawacmeen, sida ey sheegeen ilo caafimaad. Isagoo si qarsoodi ah u hadlay sababo dhinaca ammaanka ah, ayaa ilo-wareedka ku sugan Isbitaalka Ceel-fasheer wuxuu sheegay in lambarradan ey yihiin oo keliya kuwa gaaray Isbitaalka, iyagoo intaas ku daray in kuwo kale ey aaseen qoysaskooda, ayna awoodin iney helaan goobo caafimaad, sababo la xiriira caqabado dhanka ammaanka ah oo taagan. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore, EL-Fasher waxa ey go’doomiyeen Ciidamada Taageerada Deg dega ah, kuwaasoo la dagaallamaya ciidammada Suudaan tan iyo Abriil 2023. Sida laga soo xigtay guddiga iska caabinta maxalliga ah mid ka mid ah boqollaal kooxood oo mutadawiciin ah oo diiwaangeliyay gabood-fallada intii lagu jiray iskahorimaadka weerarku wuxuu ku lug lahaa madaafiic culus oo ey RSF ku garaacday xaafado badan oo la deggan yahay. Duqeymahan ayaa billowday subaxnimadii hore ee Sabtidii, waxaana ey si wanaagsan u socdeen illaa galabnimadii, guddiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarka uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhacay magaalada, kaasoo dhaliyay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray hanti iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dhawr kiilo mitir dhanka Waqooyi, ayaa sidoo kale kooxaha hubaysan waxay duqeeyeen xerada barakicinta ee Abu Shook, halkaasoo ey ku dileen dhowr qof oo rayid ah, oo uu ku jiro hogaamiye beeleed, halka ey ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof, sida laga soo xigtay qolka gurmadka deg dega ah ee xerada, kaasoo isku dubariday gargaarka jiidda hore intii uu socday dagaalka. Ka dib guuldaradii RSF ee caasimadda Suudaan, Khartuum, u geysatay ciidanka bishii Maarso, EL-Fasher iyo xeryo barakac oo ku dhow ayaa lala beegsaday weeraro hor leh. Bishii Abriil, weerar weyn oo ey RSF ku qaadday xerada Zamzam ee u dhow ayaa barakiciyey tobanaan kun, kuwaas oo intooda badan magangalyo ka helay EL-Fasher. Dagaallada ayaa sidoo kale sii xoogeystay gobolka ey deriska yihiin ee Kordofan, iyadoo Hay'adda Socdaalka Caalamiga ah ey sheegtay in ku dhawaad 3,000 oo qof ey ka barakaceen magaalada Kadugli ee Koonfurta Kordofan shan maalmood oo keliya usbuucii hore sababo la xiriira rabshadaha socda. Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo jabhada RSF ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun, waxaana barakiciyay malaayiin qof, waxaana uu dhaliyay waxa ay QM ugu yeertay barakaca iyo gaajo heer caalami ah. Colaadda ayaa si wax ku ool ah u kala qaybisay dalka, iyadoo ciidamadu ey ka taliyaan waqooyiga, Bari iyo Bartamaha halka RSF ey haysato inta badan Darfur iyo qaybo ka mid ah Koonfurta. Sannadkii hore, saddex xero oo ku dhow EL-Fasher ayaa lagaga dhawaaqay iney ka jirto macaluul, oo ey ku jiraan Abu Shook iyo Zamzam. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dhibaatadu ey ku fidi doonto magaalada lafteeda bisha Meey, inkastoo xog la'aan ey ilaa hadda ka hortagtay in si rasmi ah loogu dhawaaqo macaluul. Bishan, Barnaamijka Cunnada Adduunka waxa ey sheegtay in kumannaan qoys oo ku go'doonsan EL-Fasher ey "khatar ugu jiraan macaluul."
Sida laga soo xigtay WFP, qiimaha cuntooyinka daruuriga ah sida hadhuudhka iyo sareenka oo loo isticmaalo samaynta rootiga fidsan iyo boorashka ayaa ilaa 460 boqolkiiba ka sarreeya EL-Fasher marka loo eego qaybaha kale ee Suudaan. Suuqyada iyo xarumaha caafimaadka ayaa la weeraray, halka madbakhda bulshada ee markii hore quudin jiray qoysaska barakacay ey inta badan xirmeen sahay la'aan, ayay hay'addu ku dartay. Ku dhawaad 40 boqolkiiba carruurta ka yar shanta sano ee ku nool EL-Fasher ayaa hadda la il daran nafaqo-xumo aad u daran, iyadoo 11 boqolkiiba ey la il daran yihiin nafaqo-xumo aad u daran, sida lagu sheegay tirooyinka Qaramada Midoobay. Nafaqo-xumo ayaa durbadiiba galaaftay nolosha 63 qof oo u badan haween iyo carruur hal toddobaad gudaheed EL-Fasher, sarkaal sare oo caafimaad ayaa sheegay usbuucii hore. Jikada bulshada ugu weyn ee magaalada, qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in carruurta iyo haweenka imaanaya ey muujinayaan calaamado cad oo nafaqo darro ah, oo ey ku jiraan caloosha oo barara iyo indhaha oo go'ay. Dhibaatada bini'aadantinimo waxaa u sii dheer cudurka daacuunka oo ka dilaacay xeryo barakac oo buux dhaafiyay. Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, ama MSF, ayaa Khamiistii sheegtay in Suudaan uu ka jiro cudurka daacuunka ee ugu xumaa muddo sanado ah, kaas oo ey sii huriyeen colaadaha socda. Sanadkii la soo dhaafay, ku dhawaad 100,000 oo cudurro daacuun ah ayaa la diiwaangeliyay, taasoo keentay in ka badan 2,400 oo dhimasho ah. Xuddunta hadda ka dillaacday waxay ku taal Tawila, oo qiyaastii 70 kiiloomitir galbeed ka xigta EL-Fasher. MSF waxa ey sheegtay in daacuunku uu ugu yaraan 40 qof ku dilay Gobolka Darfur ee dalka Suudaan hal toddobaad gudihiis.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MW-JOSEPH CAWN OO KA HADLAY XIRIIRKA LUBNAAN IYO SACUUDIGA.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA LUBNAAN.

(BEIRUT)-Madaxweynaha Lubnaan, Joseph cawn ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay AL-Carabiya ku sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Raysal Wasaare Maxamed Bin Salmaan uu doonayo inuu nabad ku soo dabbaalo Gobolka, isagoo xusay in Sacuudiga uu gacan ka geystay soo afjaridda mad madowga ka taagan Lubnaan. Waxa kale oo uu xusay in Sucuudigu uu door ka qaatay sidii loo soo dhawayn lahaa farqiga u dhexeeya Suuriya iyo Lubnaan ee dhinaca ammaanka,kaasoo uu ugu dambeeyay shirkii ammaanka ee Riyadh ka dhacay laba toddobaad ka hor. Horaantii, Riyad waxay isugu keentay wafdi Suuriyaan ah iyo wafdi ka socda Lubnaan oo kulan ku yeeshay magaalada Jiddah ee Galbeedka Sacuudiga. Wadahadalkooda ayaa looga hadlay is dhaafsiga xogta amniga ee labada dal, iyo sidoo kale kor u qaadista isku xirka Amniga iyo Calaamadeynta Xuduudaha. Dhanka kale, Joseph Cawn ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyay ku xaqiijiyay in Beyruut eysan waxba u dhimi doonin xiriirka ey la leedahay Riyadh, isaga oo ku macneeyay in xididdada xiriirkan uu soo billowday xilligii uu noolaa boqorkii dhintay ee Abdulaziz bin Abdul Rahman. Dhanka kale waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu hadda horyaalo ey ka mid yihiin sidii uu dalka Lubnaan uga gaari lahaa horumar amni, xasilooni iyo mid dhaqaale, isagoo dhanka kale soo dhaweeyay cid kasta oo doonaysa iney caawiso Lubnaan iyadoo aan la faragelin Arrimaheeda Gudaha. Madaxweynaha Lubnaan ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dalkiisa uu si cad u diidayo dib u dajinta Falastiiniyiinta ee Lubnaan, isagoo sheegay in dagaalka Gobolka iyo tixgelinta Falastiin ey dib u dhigtay hub ka dhigista xeryaha. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in go’aanka hub ka dhigista xeryaha ey qaateen maamulka Falastiin.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

G/MEHRAH EE YEMEN OO LAGU XIRAY GUDOOMIYAHA JAALIYADDA ITOOBIYA,SABABTA?

(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA JAALIYADDA ITOOBIYA.

(YEMEN)-Ciidamada amaanka ee Gobolka AL Mehrah ayaa Sabtida maanta ah sheegay in xabsiga loo taxaabay Madaxii Jaaliyadda dalka Itoobiya ee Gobolkaasi ka dib markii uu cadeeyey inuu ku lug leeyahay Hogaaminta mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee tahriibayaasha sharci darrada ah uga tahriibiya dalka Yemen, una gudba Saldanada Cumaan. Waaxda amniga ee AL Mehrah ayaa hadal kooban oo ey soo saartay ku sheegtay in ciidamada amaanka ee degmada Shaxan ey dharbaaxo culus ku dhufteen Shabakadaha dadka tahriibiya, ka dib markii la xiray (H.KH.N.) oo ah Madaxa bulshada Itoobiya ee Gobolka. Xarigga ayaa daba socday baaritaanno ballaaran oo lagu caddeeyay inuu ku lug leeyahay Hoggaaminta mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee tahriibka ku hawlan. War saxaafadeedka ayaa soo xigtay Rashiid AL-Salaaxi, oo ah Agaasime Ku Xigeenka Amniga iyo Agaasimaha Dembi Baarista ee Agaasinka ayaa sheegay in xariga uu daba socday muddo bilo ah oo ey kormeerayeen goobaha iyo sirdoonnada. Eedeysanaha ayaa ka faa’ideysan jiray xilka uu u hayo bulshada si uu u fududeeyo howlaha tahriibka iyo lacagaha baadda ah ee uu dadka tahriibka ah ka qaato, isagoo qaarkood ugu hanjabay inuu u sheegaayo Hayadaha Amniga si uu dadkaasi uga qaato lacago baada ah. AL-Salaaxi waxa uu xaqiijiyay in baaritaanadu ey caddeeyeen xaqiiqooyin badan oo muujinaya ku lug lahaanshaha Eedaysanaha (abaabulka iyo hogaaminta isku xirka tahriibinta muhaajiriinta, ka faa’iidaysiga jagadiisa Madaxa bulshada Itoobiya si uu u gaaro faa’iidooyin aan sharci ahayn, khatar galinta nolosha muhaajiriinta iyada oo loo marayo waddooyin tahriib ah oo aan badbaado lahayn, ku xad-gudbida shuruucda socdaalka ee dalka iyo tan caalamiga ah, iyo helitaanka baahida tahriibka). Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Booliska ee Shaxan ayaa tilmaamay "in Eedaysanuhu uu hadda xiran yahay inta baaritaanku socdo, ilaa inta uu u gudbinayo, iyo tuhmanayaasha kale, Xafiiska Xeer Ilaalinta si looga qaado tallaabo sharci ah oo lagama maarmaan ah." Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Gobolka Abyan lagu xiray xubno ka tirsan unugyo isku mid ah oo tahriibayaal Afrikaan ah u tahriibin jiray dalka Yemen oo ey ku jiraan Ajaanib. Unugyadan ayaa si firfircoon uga shaqeeya tahriibinta tahriibayaasha Afrikaanka ah oo ey badda ku geeyaan xeebaha koonfureed ee Yemen, ka dibne waxay ka soo qaadaan halkaas waxa eyna geeyaan xuduudka waqooyi ee Sucuudiga. Agaasimaha Amniga Cadan ayaa horey bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey in xogta ey heleen Hay’adaha Ammaanku ey tilmaamayaan in xarunta lagu maamulo Howlaha tahriibinta Muhaajiriinta Afrikaanka ah laga maamulo Gobolka Sacda oo ah xarunta ugu weyn ee maleeshiyada ey ku leeyihiin Waqooyiga Yeman.

XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAAMULKA G/ABYAN OO SOO QABTAY SHABAKADA TAHRIIBISA MUHAAJIRIINTA AFRIKAANKA AH.

(SAWIRKA)-SHABAKADA TAHRIIBKA YEMEN.

(YEMEN)-Hoggaanka Amniga Gobolka Abyan ee dalka Yemen ayaa baahiyay qeyb ka mid ah Qiraalka dhowr xubnood oo ka tirsan shabakadaha tahriibinta Muhaajiriinta Afrikaanka ah, kuwaasoo lagu soo qabtay Howlgal Ballaaran oo dhanka ammaanka ah. Agaasinka ayaa ku nuux-nuuxsaday in daabacaadda Qiraalkan looga golleeyahay in lagu wargeliyo shacabka dadaallada socda ee lagula dagaallamayo dhaqdhaqaaqyada tahriibka ee ka socda Gobolka. Baaritaanadii ugu horeeyay waxay daaha ka qaadeen Qiraal faahfaahsan oo ku saabsan nooca Hawlgalada Shabakadaha iyo doorarka xubnahooda. Eedeysanaha lagu magacaabo Axmed Cabdow Axmed (30 jir, kana soo jeeda magaalada Shuqrah) ayaa ku micneeyay inuu adeegga saadka u fidiyay Shabakadda, oo ey ka mid yihiin iibsashada qalabka ama bixinta Injineerada, isagoo ku beddelay lacago uu u soo marin jiray dhex dhexaadiyeyaal ku kala sugan Goboladda Sacda ilaa Abyan. Sida lagu sheegay warbixin ey daabacday Waaxda Amniga oo ey soo xigatay AL-Masdar Online, Eedeysane kale oo lagu magacaabo Cawad Maxamed Salem (wuxuu ku dhashay Shuqra, waxa uuna ku jiraa sannadkii labaad ee Dugsiga Dhexe), waxa uu qirtay inuu ku lug lahaa Tahriibinta Doonyaha, isagoo xusay in lacagaha uu qaato ey u soo marsiiyaan Shirkado Sarifle oo caan ah oo ka tirsan Dhex-dhexaadinta Sanca iyo Sacdah. Dhanka kale, Eedeysanaha, Adel AL-Caruuni (oo ku jira Labaatan jir, kana soo jeeda Shuqra), ayaa sheegay inuu dhawaan ku soo biiray Shabakadda isaga oo u sii maraya mid ka mid ah Eheladiisa, isla markaana uu qabtay hawl uu ku raacay Tahriibayaasha inta ey dhaq-dhaqaaqa ku guda jireen, si ey u sugaan Ammaanka Waddooyinka Tahriibta, halka Eedeysane, Naasir C/llaahi (oo Shuqra ka yimid, oo aan waxba baran), uu qirtay inuu ka mid ahaa Dirawalkii waday Doomaha Tahriibayaasha keena dhulka Yemen,waxaane la siin jiray lacag yar. Intii uu socday baaritaanka, Eedaysanayaasha ayaa tilmaamay in Hoggaanka shabakadda iyo la socodka howlaha tahriibinta uu hoggaamiyo Saleh Hadi Xarmal oo jooga Sacada, Cusmaan AL-Mushiir, iyo Majid AL-Shayba. Waxa ey cadeeyeen in shaqsiyaadkaasi ey hogaamiyaan howlaha ugu muhiimsan ee Shabakada isla markaana ey hagaan dhaq dhaqaaqyada shaqsiyaadka xiriirka la leh. Taliska Nabad Suggida Abyan ayaa xaqiijiyay in wali ey socdaan baaritaano lagu hayo Maxaabiista harsan, iyadoo ujeedadu tahay in lasoo bandhigo waxyaabaha harsan ee ku xiran Shabakadahan iyo dhinacyadii ka dambeeyay. Waaxdu waxay ku nuux-nuuxsatay in ololaheedu ey sii wadi doonaan baacsiga kuwa ku lugta leh kiisaska tahriibinta iyo yaraynta khataraha amni iyo bini'aadantinimo. Agaasimaha Amniga Abyan Sareeye Guuto Cali Naasir Abuu Mashcal AL-Kaazimi ayaa qoraal uu horey u duubay ku xaqiijiyey in ololaha amnigu uu ka bilowday Zinjibar oo uu ku fidiyey dhanka xeebta ilaa degmada Axwar, iyadoo la gaarey deegaanka AL-Maxfad oo ah goobtii ugu dambeysay ee laga tahriibo ee Gobolkaasi, taasoo natiijo la taaban karo laga gaaray soo qabashada mukhalasiin waa weyn. Abuu Mashcal AL-Kaazimi ayaa ku macneeyay in xaqiiqooyinka iyo baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday dhinacyada ku lugta leh iyo kuwa ka dambeeya oo ey ka mid yihiin kooxo Siyaasadeed oo ka soo horjeeda maamul Goboleedyada Koofurta iyo deegaanada laga xoreeyay, kuwaasi oo ku howlan sidii ey lacago fara badan ugu shuban lahaayeen Ganacsiyo iyo Sariflayaal ku xiran xarumo dibadda ah.

XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAAGEERAYAASHA URURKA XIZBULLAH OO ISUGU SOO BAXAY BANAANBAXYO,SABABTA?

(SAWIRKA)-TAAGEERAYAASHA URURKA XIZBULLAH.

(BEIRUT)-Dhawaaqa hanjabaada ah ee uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururka Xizbullah Naciim Qaasim,ayaa waxaa hanjabaadiisa ka mid ahayd dagaal sokeeye haddii la taabto hubkiisa, ayaa waxay sii kordhisay guuxaya ka jira waddooyinka dalka Lubnaan, baraha bulshada, iyo warbaahinta Maxaliga ah. Iyadoo jawaabaha rasmiga ah iyo kuwa Siyaasadeed ey ka soo baxeen Raysal Wasaare Nawaf Salam Wasiiro, Wakiilo, iyo Siyaasiyiin tiro badan, ayaa sidoo kale su'aalo la iska weydiinayay Doorashooyinka Xisbiga iyo tallaabooyinka uu qaadi karo.

“MA LAHA AWOOD”:

Dhanka kale, Xisbiga Xoogagga Lubnaan ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya “ineysan jirin cabsi laga qabo hanjabaadaha Xisbullah sababtoo ah ma laha awood ey wax ku sameyn karaan." Waxa uu sidoo kale tixgeliyey in Xisbigu "uusan awoodin in uu ka jawaabo duqeymaha Isra’iil mana awoodi doono inuu u hanjabo Lubnaan." Mar uu ka hadlayay Cali Larinjani, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka dalka Iraan, booqashadii Lubnaan ka hor khudbaddii Qaasim, wuxuu sheegay in Larinjani uu la yaabay isku duubnida mowqifka Lubnaan ee faragelinta shisheeye iyo hubka Xisbullah.  Dhankiisa, Siyaasiga horena u ahaa Xildhibaan Fares Saciid waxa uu u arkayey kor u kaca Xisbullah iney tahay "buunbuun", oo macnaheedu yahay buuq aan waxba tarayn. Waxa uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xusay in haddii Xisbigu ku abaabulo taageerayaashiisa waddooyinka, waddo kale, oo ka kooban inta badan Lubnaan, ey sidoo kale abaabuli doonto.

“DHIBAATADA KU JIRTA”:

Dhanka kale, Cali AL-Amiin oo falanqeeya Arrimaha Siyaasadda ayaa wareysi uu siiyay shabakadda Wararka ee Tv-ga AL-Carabiya waxa uu ku sheegay in xisbiga ey soo wajahday xaalad cakiran oo ka dhalatay ka guurista Xisbigii milateriga oo u guuray Xisbi Siyaasadeed, inkastoo uu sheegay in lagu heshiiyay heshiis xabbad joojin ah oo si cad u qeexaya arrinta xakameynta hubka iyo arrimo kale. Dadka kale ee u dhuun daloola arrimahan ayaa aaminsan in xisbigu uu ka noqon karo afarta Wasiir ee ku xiran isaga iyo Ururka Amal, isla markaana uu carqaladeeyo shaqada baarlamaanka oo uu ku leeyahay cudud weyn oo ey xulafada yihiin, taasoo jawaab u ah go’aanka hub ka dhigista. Waxa kale oo laga yaabaa inuu doonayo inuu qas iyo qalalaase ka dhex abuuro isaga oo taageerayaashiisa waddooyinka isugu soo ururiya una muuqda mid hubaysan si uu u faafiyo jawi cabsi-gelin ah oo uu ciidanka iskaga hor-yimaado. Laakiin iskahorimaad kasta oo gudaha ah wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa nabadda rayidka wuxuuna u jeedin lahaa aqlabiyadda Lubnaan isaga ka soo horjeeda, gaar ahaan haddii uu ka hortago ciidanka. Xaaladdan oo kale, David Wood, oo ah cilmi-baare Lubnaan ah oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah, ayaa yiri, "Waxaan u maleynayaa in Xizbullah uu rabo inuu yareyo suurtagalnimada iney soo gasho iska horimaad ciidamada intii suurtagal ah, sababtoo ah wuxuu ogyahay in dalka oo dhan uu ka soo horjeedo, marka laga reebo taageerayaashiisa, taasina waxay noqon doontaa masiibo dhab ah oo muuqaalkeeda ah," sida laga soo xigtay Agence France-Presse.

DAGAAL BA’AN:

Intaa waxaa dheer, Xizbullah waxay kordhin kartaa weeraradeeda ka dhanka ah Israa'iil mar kale. Si kastaba ha ahaatee, ku lug lahaanshaha dagaal kasta waxa ey sidoo kale noqon doontaa mid ba'an sababtoo ah ma laha khad sahay ah, iyada oo wax badan ku lumisay burburkii taliskii hore ee Suuriya iyo saameynta ey ku leedahay sirdoonkeeda iyo awoodeeda saadka, sida uu qabo falanqeeye militari Riad Kahwaji. Dhanka kale, Nicholas Blanford, oo ah cilmi-baare ka tirsan Golaha Atlantic Council, ayaa saadaaliyay in Xisbullah ey u badan tahay inay "isku dayi doonto inuu helo waqti" xilliyada soo socda, sababtoo ah "ma dhici doonto iney ogolaato in si buuxda hubka looga dhigo," gaar ahaan marka la eego weerarrada Isra’iil ee socda iyo guul-darrooyinka ciidamada Isra’iil iney ka baxaan buuraha koonfurta Lubnaan Khamiista.

MUUQAALKA UGU NIYADSAN:

Muuqaalka ugu niyadsan ayaa laga yaabaa inuu noqdo in Xisbullah ey aakhirka ogolaato iney hubka ka dhigto oo ey gasho dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed, si la mid ah wixii ey maleeshiyooyin kale sameeyeen intii uu socday dagaalka sokeeye. Qiyaastii laba toddobaad ka hor, dawladda Lubnaan waxay ansixisay in hubka lagu xaddido dawladda, waxayna u xilsaartay ciidanka iney dejiyaan qorshe lagu wareejinayo hubka Xisbullah, oo la soo gudbin doono dhammaadka bishan, lana dhaqangelinayo dhammaadka sannadka (2025). Xizbollah ayaa diiday go’aankaas, waxayna sheegtay iney u aragto “mid aan jirin”. Waxay ku nuuxnuuxsatay ineysan ka hari doonin hubkeeda, eyna u diyaar garoobeen iska hor imaad iyo dagaalo fool-ka fool ah. Dhinaca kale, taageerayaasha Ururka Xizbullah ayaa dhoor maalmood oo kala duwan waxa ey socod ku marayeen goobo kala duwan, kuwaasoo ey ku cambaareeyeen Go’aanka Xukuumadda iyo taageeridda Xisbiga.

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMEN OO QABATAY MILKIILIHII SHABAKADA TAHRIIBISA DADKA AFRIKAAN AH.

(SAWIRKA)-MILKIILAHA SHABAKADA TAHRIIBISA DADKA U SOCDO YEMEN.

(YEMEN)-Hawlgal tayo leh oo uu kormeerayey Agaasimaha Amniga ee Gobolka Abyan Sareeya Guuto Cali Naasir Buzayd, ayaa ciidamada ammaanku u suurtagashay iney soo qabtaan mid ka mid ah tuhmanayaasha Caalamiga ah ee ugu khatarta badan ee la raadinaayey, tuhmanahaan ayaa loo heystaa inuu lahaa tahriibinta dadka sharci darrada ah, ka Ganacsiga dadka iyo waxyaabaha kontarabaanka ah. Eedeysanaha oo heysta dhalasho Ajnabi ah, magaciisana loo soo gaabiyo(SSD) ayaa ah Mulkiilaha iyo Maareeyaha Sare ee Xafiiska Caalamiga ah oo ku takhasusay howlaha Tahriibka, waxaana magaciisa lala xiriirinayaa maamulka Shabakadaha Xudduudaha isaga gudba ee Tahriibayaasha Afrikaanka ah isaga kala gudbiya Xeebaha dalka Yemen. Laamaha ammaanka ayaa ku tilmaamay in Eedeysanaha la qabtay markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Cadan Arbacadii 13-kii Ogoosto, iyadoo ey daba socotay dabagal iyo dabagal xoogan oo dhanka ammaanka ah, taasi oo qeyb ka aheyd olole ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayay Shabakadaha wax Tahriibiya ee Abyan, taasoo keentay in la xiro qaar ka mid ah Madaxda shabakadaha. Baaritaanadii ugu horeeyay ee la sameeyay ayaa lagu sheegay in Eedeysanaha uu qorsheynayay inuu shir kula yeesho Xeebta Degmada Axwar tiro Mukhalasiin ah, si uu ugu diyaar garoobo inuu u soo dhaqaaqo caasimadda Sanca, ka hor inta aan la xirin oo qorshihiisa uu fashilmin. Ciidamada amaanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu dhabar jab weyn ku yahay Shabakadaha dambiilayaasha ah ee isaga kala goosha Xudduudaha isla markaana uu muujinayo heerka u diyaarsanaanta iyo feejignaanta amniga ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo amniga maamulka Gobolka loogana hortago dhagarta halista ku ah Xasiloonideeda. Ciidamada amaanka ee Gobolka Abyan ayaa hogaaminayay dadaalo xoogan oo lagula dagaalamayo ka Ganacsiga dadka oo ey ku lug leeyihiin tahriibayaasha Afrikaanka ah ee galay Gobolka Abyan tan iyo markii tobanaan qof ey ku dhinteen doon ku degtay Xeebaha Yemen todobaadyo ka hor. Ciidamada ammaanka ee Gobolka Abyan ayaa la wareegay dhowr goobood oo ey ku noolaayeen dad Afrikaan ah oo si sharci darro ah ku soo galay dalkaasi. Deegaanadan ayaa ku teedsan jiidda Xeebta Bari ee Gobolka.

ISHA-ALAYYAM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

120-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO SI NABAD AH KU GAARAY DALKA YEMEN.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH.

(YEMEN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Booliska Gobolka Shabwa uu sheegay in Doon siday dad tahriibayaal ah oo ku dhawaad gaaraayo ilaa 120 tahriibayaal Afrikaan ah ey si nabad ah ku soo gaartay Xeebta Carqah ee degmada Radhuum ee Goboolka Shabwa,taasoo muujineysa mowjado cusub oo tahriibayaal ah oo soo gaaray Xeebaha Yemen. Booliisku ayaa sheegay in dhammaan dadka tahriibayaasha ah ee cusub ey yihiin Rag dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya, isagoo xusay in la qaadayo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si wax looga qabto isku dayga soo dhex-galka iyo yaraynta khataraha Amni iyo saamaynta xasilloonida Gobolka. Bilihii la soo dhaafay, Xeebaha Gobolka Shabwa waxaa ku soo noqnoqday mowjado Tahriibayaal ah aan caadi ahayn oo ka imanaya Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaas oo la sii marinayo shabakadaha Tahriibinta dhinaca badda.  Muhaajiriinta aan sharciga ahayn ayaa inta badan isticmaala Doomo yar-yar oo aad u jilicsan iyagoo isku dayaya iney gaaraan Xeebaha dalka Yemen ka hor inta eysan u sii gudbin Wadamada Khaliijka sida dalka Boqortooyadda Sacuudiga Gobolka Shabwa waa mid ka mid ah maamul Goboleedyada ugu waa-weyn ee mara marinnada tahriibka badda sababo la xiriira deegaan ahaan iyo xeebteeda ku teedsan badda Carabta, taasoo ka dhigaysa xudunta isu socodka dadka iyo Ganacsiga sharci darrada ah.

ISHA-XARAF28.

Read More