DALALKA URDUN IYO LUBNAAN OO KA WADA HADLAY XAALADDA GOBOLKA.
(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAYASHA URDUN IYO LUBNAAN.
(AMMAN)-Raysal Wasaaraha dalka Urdun Jacfar Xasan iyo dhiggiisa Lubnaan Nawaf Salam ayaa wadahadal ku yeeshay magaalada caasimadda ah ee Cammaan maanta oo Talaado ah, iyadoo labada dhinac ey hoosta ka xariiqeen diidmada siyaasadda Israa’iil ee Gaza, waxayna ku baaqeen in la xoojiyo dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka ka socda dhulka go’doonsan ee Falastiin. RW-Xasan waxa uu sheegay in xaqiiqada ka jirta dhulka “Eysan ka tarjumayn dhalanteedka waxa loogu yeero Israa’iil-weyn, balse ey tahay mid ka baxsan, Israa’iil oo go’doonsan oo go’doonsan gobol ahaan iyo caalami ahaanba, taasoo ey sabab u tahay siyaasaddeeda Arxan-darrada ah iyo Xag-jirnimada,” ayaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee dalka Urdun. Waxa uu sidoo kale ka digay isku dayga lagu doonayo in lagu sii dheereeyo khilaafka iyada oo lagu marmarsiyoonayo aragtiyo noocaas ah, isagoo ku nuuxnuuxsaday in xasuuqa ka dhacaya Gaza iyo Daanta Galbeed "aan la cafin doonin dadyowga gobolka iyo adduunka." Waxa uu ku celceliyay in Urdun ey cambaaraynayso qabsashada Israa’iil ee dhulka Lubnaan, isaga oo ku booriyay in si buuxda loo dhaqan geliyo heshiiska xabad joojinta, isla markaana si deg deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah Lubnaan. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in dalka Urdun ey taageerto Madaxbannaanida, Xasilloonida, iyo Hay'adaha Lubnaan, iyadoo la raacayo awaamiirta Boqor Cabdallaha 2-aad. Dhanka Falastiin, RW-Xasan wuxuu ku baaqay in la furo dhammaan marinnada Gaza si loogu oggolaado gargaarka bini'aadannimo inuu gaaro dadka rayidka ah, isaga oo si sharci ah iyo damiir ahaanba Israa'iil mas'uul ka ah burburka dadaallada gargaarka ee gobolka. Waxa uu sidoo kale xusay sida ey uga go'an tahay Urdun ee ku saabsan casriyeynta hoyga iyada oo la taageerayo Lubnaan iyo Suuriya si loo xoojiyo Madax-bannaanida, xoojinta Hay'adaha, iyo xoojinta adkeysiga gudaha. Intii lagu guda jiray wareeggii labaad ee wadahadalka qado uu sameeyay RW-Xasan, labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in dib la isugu keeno guddiga sare ee wadajirka ah ee Urdun iyo Lubnaan ka dib ku dhawaad toban sano uu baaba’asanaay. Dalalku waxay diiradda saari doonaa kor u qaadista iskaashiga Ganacsiga, Gaadiidka, iyo Tamarta. RW-Salam waxa uu muujiyay sida ey Lubnaan uga mahadcelinayso taageerada joogtada ah ee Urdun ee uu hoggaamiyo Boqor Cabdallah, isaga oo ku tilmaamay mawaaqifta Cammaan mid “taariikh iyo istiraatijiyadeed,” ayey sheegtay JNA. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada codka Urdun uu u leeyahay golayaasha heer gobol iyo heer caalami, wuxuuna dib u xaqiijiyay ka go’naanta Lubnaan ee Hindisaha Nabada Carabta iyo xal laba dowladood ah oo ah wadada kaliya ee lagu xalin karo qadiyada Falastiin. Horaantii Talaadadii, Boqor Cabdallah waxa uu la kulmay Salaam, oo uu ku wehliyo Dhaxal sugaha, Hussein bin Abdullah. Boqorka ayaa xaqiijiyay in Urdun ey si buuxda u garab taagan tahay Lubnaan si ey u ilaaliso amnigeeda iyo Madax banaanideeda, waxa uuna carabka ku dhuftay muhiimada ey leedahay in la ballaariyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday isbedelada ka socda dalka Siiriya, iyadoo Boqorka uu ku celceliyay in Urdun ey taageereyso dadaalada Syria ee lagu ilaalinayo Xasiloonida, Madaxbanaanideeda, iyo badqabka muwaadiniinteeda. Dhanka Gaza, Boqor Cabdallah ayaa mar kale ku baaqay xabbad joojin deg deg ah iyo kordhinta gargaarka si loo yareeyo musiibada bini'aadantinimo. Waxa uu dib u xaqiijiyay diidmada Urdun ee diidmada Isra’iil isku dayga ey ku balaariso maamulka Daanta Galbeed iyo guud ahaan gobolka.
ISHA-AN.