URURKA XAMAAS OO AQBALAY INUU DIB UGU LAABTO WADA HADALADA ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-TAAGEERAYAASHA URUKA XAMAAS.

(CAIRO)-Ururka dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku wargeliyey dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar iney ansixiyaan Hindisahooda cusub ee Xabbad-joojinta Israa'iil ee marinka Gaza, sida ey ilo-wareedyo Xarakadda Xamaas ka tirsan u sheegeen Tv-ga AL-Carabiya maanta oo Isniin ah. Isla macnaha guud, ilo ka tirsan dhaqdhaqaaqa, oo ka hadlaya xaalad aan la magacaabin, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Presse: "Xamas waxay u gudbisay Jawaabteeda dhexdhexaadiyeyaasha, iyada oo sheegaysa heshiiskeeda, oo ey weheliyaan kooxaha (Falastiiniyiinta), soo jeedinta cusub ee xabbad joojinta, iyada oo aan codsanin wax isbeddel ah." Illo ka tirsan kooxaha Falastiiniyiinta ayaa dhankiisa yiri: "Xamas waxay aqbashay soo jeedinta la soo bandhigay iyadoo aan wax laga bedelin." Sarkaal Falastiini ah ayaa horay u sheegay in dhexdhexaadiyayaashu ey soo jeediyeen xabbad joojin 60 maalmood ah oo ey ku jirto in Maxaabiista lagu sii daayo laba qaybood. Ka dib, isla sarkaal Falastiini ah ayaa Wakaaladda Wararka ee France-Presse u xaqiijiyay in Xamaas ey soo gudbisay jawaabteeda ey ku aqbashay soo jeedinta. Waxa uu sharaxay: " Dhexdhexaadiyayaashu waxay ku dhawaaqi doonaan heshiis waxayna cayimi doonaan taariikhda dib loo bilaabayo wada xaajoodka." Waxa uu tilmaamay in "dhexdhexaadiyayaashu ey dammaanad siiyeen Xamaas iyo garabyada si ey u fuliyaan heshiiska, iyagoo ballan qaaday iney dib u bilaabayaan wada-xaajoodka si xal waara looga gaaro" dagaalka socda 22 bilood. Dhanka kale, ilo Masaari ah oo xog ogaal ah ayaa ku dhawaaqay in "dhexdhexaadiyayaashii, Masar iyo Qatar, ey gaareen guul ey ku cadaadiyeen Xamaas iney aqbasho soo jeedinta isku dhow ee ka timid ergeyga Maraykanka Steve Witkoff, kaasoo dhinaca Isra’iil ey horey u ogolaatay." Waxa uu sheegay in "dhexdhexaadiyayaashu ey awoodeen iney gaaraan natiijadan inkasta oo ey dhawaanahan dhaceen dhacdooyin iyo horumarro tilmaamaya iney sii kordhayaan," isagoo sharraxay in tallaabadani ey dhabaha u xaarayso in la gaaro heshiis dhameystiran oo loo maro habka ugu wanaagsan, iyada oo aan khatar gelin nolosha Maxaabiista la xiray iyada oo loo marayo hawlgallo ciidan oo dheeraad ah. Waxa uu intaa ku daray in "aqbalitaankan uu ka fogaan doono dhacdooyinka ka sii dari doona xaaladda bini'aadantinimo ee dadka deggan Marinka Gaza, kuwaasoo markii horeba si weyn u dhibaataysnaa." Isha ayaa sharraxday in "soo jeedinta ey ka mid tahay waddo loo maro heshiis dhammaystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka, oo ey ku jiraan joojinta ku-meel-gaarka ah ee hawlgallada militari, inta lagu gudajiro taas oo ciidamada Israa'iil ey dib u dejin doonaan khadadka ey ku jiraan soo jeedinta Witkoff, iyo gelitaanka deg degga ah ee gargaarka bani'aadamnimada si loo daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee dadka deggan Marinka." Waxa uu intaa ku daray in "inta lagu guda jiro muddadan, tiro Maxaabiis Falastiiniyiin ah lagu beddeli doono kala bar tirada la haystayaasha Israa'iil ee lagu haysto marinka Gaza." Waxa uu shaaca ka qaaday in "tallaabadani ey bilow u noqon doonto wadada xal buuxa loo gaari karo" isagoo ku dhawaaqay in Xamaas ey ogolaatay soo jeedinta Masar iyo Qatar ey soo bandhigeen, tanina ey tahay doorashada ugu wanaagsan ee la heli karo si dadka degan Marinka Qaza looga ilaaliyo xiisada militari oo ey dowlada Isra’iil ogolaatay ayna damacsan tahay iney bilowdo. Waxa uu carabka ku adkeeyay in "soo jeedinta ey ku jirto waddo loo maro heshiis dhameystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka, iyo in si ku meel gaar ah loo joojiyo howlgallada militari muddo 60 maalmood ah, muddadaas oo ciidamada Israa'iil ey dib u howlgelin doonaan si ey u oggolaadaan gelitaanka gargaarka bini'aadantinimo. Inta lagu jiro muddadan, tiro Maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa lagu beddeli doonaa kala bar tirada Maxaabiista Isra’iil ee lagu hayo Marinka Gaza." Taas bedelkeeda, sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in Tel Aviv eysan weli helin jawaabta Xamaas ee soo jeedinta. Dhinaca kale, ilo xog ogaal ah ayaa Yv-ga AL-Carabiya u sheegay in “Masar iyo Qatar ey ku casuumi doonaan ergayga Maraykanka Steve Witkoff Qaahira si uu u dhamaystiro heshiiska Gaza”. Dhankiisa, Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil Itamar Ben-Gvir ayaa uga digay Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu aqbalo “heshiis qabyo ah”, isagoo yiri, “Ma lihid wax amar ah oo aad ku tagto heshiis qabyo ah adigoon ka adkaan Xamaas, haddii Netanyahu uu tanaasulo oo uu joojiyo dagaalka, wuxuu lumin doonaa fursad weyn. Dhankooda, Qoysaska Maxaabiista Isra’iil ayaa ku nuuxnuuxsaday, warqad ey u direen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, baahida loo qabo heshiis dhammaystiran.

ISHA-AL-CARABIYA.

Next
Next

ISRA’IIL MAKU GUULEYSAN DOONTAA INEY DADKA REER FALASTIIN DEJISO K/SUUDAAN?