ISRA’IIL MAKU GUULEYSAN DOONTAA INEY DADKA REER FALASTIIN DEJISO K/SUUDAAN?

(SAWIRKA)-WASIIR ISRA’IIL AH IYO MW-KIIR.

(SOUTH SUDAN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in Xukuumadda Isra’iil ey gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah u diri doonto dalka Koonfurta Suudaan. "Israa'iil waxa ey gargaar bini'aadantinimo oo deg deg ah siin doontaa dadka ugu nugul" ee ku nool Koonfurta Suudaan si wax looga qabto "Cudurka Daacuunka iyo baahidda ba’a," ayaa lagu yiri bayaan. Wasaaraddu waxay sharaxday in gargaarka uu ka koobnaan doono “Sahayda Caafimaadka, Qalabka lagu nadiifiyo Biyaha, Galoofyada iyo waji-xirka, iyo Xirmooyinka nadaafadda gaarka ah ee ka hortagga Daacuunka,” marka lagu daro “Xirmooyinka Cuntada”. Tani waxay imaanaysaa iyadoo Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu sheegay inuu u ogolaan doono dadka reer Gaza haddii ey doonaya iney ka cararaan dagaalka ka socda Marinka iney isaga baxaan Marinka Gaza,isagoo ku nuux-nuuxsaday in dowladdiisu ey wadahadallo kula jirto dalal dhowr ah "kuwaas oo noqon kara kuwa martigeliya dadka reer Gaza." Warar ey heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Koonfurta Suudaan ey ka mid tahay dalalka ey Israa’iil ka fikirayso iney u soo wareejiso Falastiiniyiinta, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu barakiciyo dadka deggan marinka Qaza. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Juba ayaa War-saxaafadeed ey horay u soo saartay ku beenisay wararkaas, waxayna ku nuuxnuuxsatay in eedeymahaas ey yihiin "mid aan sal lahayn." Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Israa’iil Sharon Haskel ayaa todobaadkii hore booqasho ku tagtay magaalada Juba, waxayna la kulantay Madaxweyne Salva Kiir. Ku dhawaaqista Isra’iil ee ah iney gargaar u dirayso Koonfurta Suudaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Marinka Gaza ey ka jirto xaalad bini'aadantinimo oo aad u daran oo ey sabab u tahay dagaalka socda in ka badan 22 bilood. Israa'iil ayaa wajaheysa dhaleeceyn sii kordheysa oo caalami ah oo ku saabsan dhibaatada bini'aadantinimo ee Marinka Gaza, iyadoo la xaddiday gelitaanka gargaarka bini'aadantinimo iyo yaraanta biyaha, cuntada, iyo shidaalka, iyo digniinaha Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha caalamiga ah ee khatarta macluusha. Isniintii, Amnesty International waxay ku eedaysay Israa'iil iney waddo "siyaasad gaajo oo ula kac ah" oo ka jirta marinka Gaza ee la go'doomiyay iyo kuwa burburay. Koonfurta Suudaan ayaa ka go'day Suudaan sannadkii 2011-kii, waxaana hareeyay xasillooni-darro ka dhalatay dagaal sokeeye oo u dhexeeyay taageerayaasha Madaxweyne Salva Kiir iyo kuwa ey isku hayaan xukunka sida Ku-xigeenkiisa, Riek Machar, intii u dhexeysay 2013 iyo 2018. Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 400,000 oo qof iyo barakaca afar milyan.

XIGASHO AL-CARABIYA.

Previous
Previous

URURKA XAMAAS OO AQBALAY INUU DIB UGU LAABTO WADA HADALADA ISRA’IIL.

Next
Next

FALAAGADA RSF OO DUQEYSAY XERYO QAXOOTI OO KU YAAL EL-FASHER.