MAAMULKA G/ABYAN OO SOO QABTAY SHABAKADA TAHRIIBISA MUHAAJIRIINTA AFRIKAANKA AH.

(SAWIRKA)-SHABAKADA TAHRIIBKA YEMEN.

(YEMEN)-Hoggaanka Amniga Gobolka Abyan ee dalka Yemen ayaa baahiyay qeyb ka mid ah Qiraalka dhowr xubnood oo ka tirsan shabakadaha tahriibinta Muhaajiriinta Afrikaanka ah, kuwaasoo lagu soo qabtay Howlgal Ballaaran oo dhanka ammaanka ah. Agaasinka ayaa ku nuux-nuuxsaday in daabacaadda Qiraalkan looga golleeyahay in lagu wargeliyo shacabka dadaallada socda ee lagula dagaallamayo dhaqdhaqaaqyada tahriibka ee ka socda Gobolka. Baaritaanadii ugu horeeyay waxay daaha ka qaadeen Qiraal faahfaahsan oo ku saabsan nooca Hawlgalada Shabakadaha iyo doorarka xubnahooda. Eedeysanaha lagu magacaabo Axmed Cabdow Axmed (30 jir, kana soo jeeda magaalada Shuqrah) ayaa ku micneeyay inuu adeegga saadka u fidiyay Shabakadda, oo ey ka mid yihiin iibsashada qalabka ama bixinta Injineerada, isagoo ku beddelay lacago uu u soo marin jiray dhex dhexaadiyeyaal ku kala sugan Goboladda Sacda ilaa Abyan. Sida lagu sheegay warbixin ey daabacday Waaxda Amniga oo ey soo xigatay AL-Masdar Online, Eedeysane kale oo lagu magacaabo Cawad Maxamed Salem (wuxuu ku dhashay Shuqra, waxa uuna ku jiraa sannadkii labaad ee Dugsiga Dhexe), waxa uu qirtay inuu ku lug lahaa Tahriibinta Doonyaha, isagoo xusay in lacagaha uu qaato ey u soo marsiiyaan Shirkado Sarifle oo caan ah oo ka tirsan Dhex-dhexaadinta Sanca iyo Sacdah. Dhanka kale, Eedeysanaha, Adel AL-Caruuni (oo ku jira Labaatan jir, kana soo jeeda Shuqra), ayaa sheegay inuu dhawaan ku soo biiray Shabakadda isaga oo u sii maraya mid ka mid ah Eheladiisa, isla markaana uu qabtay hawl uu ku raacay Tahriibayaasha inta ey dhaq-dhaqaaqa ku guda jireen, si ey u sugaan Ammaanka Waddooyinka Tahriibta, halka Eedeysane, Naasir C/llaahi (oo Shuqra ka yimid, oo aan waxba baran), uu qirtay inuu ka mid ahaa Dirawalkii waday Doomaha Tahriibayaasha keena dhulka Yemen,waxaane la siin jiray lacag yar. Intii uu socday baaritaanka, Eedaysanayaasha ayaa tilmaamay in Hoggaanka shabakadda iyo la socodka howlaha tahriibinta uu hoggaamiyo Saleh Hadi Xarmal oo jooga Sacada, Cusmaan AL-Mushiir, iyo Majid AL-Shayba. Waxa ey cadeeyeen in shaqsiyaadkaasi ey hogaamiyaan howlaha ugu muhiimsan ee Shabakada isla markaana ey hagaan dhaq dhaqaaqyada shaqsiyaadka xiriirka la leh. Taliska Nabad Suggida Abyan ayaa xaqiijiyay in wali ey socdaan baaritaano lagu hayo Maxaabiista harsan, iyadoo ujeedadu tahay in lasoo bandhigo waxyaabaha harsan ee ku xiran Shabakadahan iyo dhinacyadii ka dambeeyay. Waaxdu waxay ku nuux-nuuxsatay in ololaheedu ey sii wadi doonaan baacsiga kuwa ku lugta leh kiisaska tahriibinta iyo yaraynta khataraha amni iyo bini'aadantinimo. Agaasimaha Amniga Abyan Sareeye Guuto Cali Naasir Abuu Mashcal AL-Kaazimi ayaa qoraal uu horey u duubay ku xaqiijiyey in ololaha amnigu uu ka bilowday Zinjibar oo uu ku fidiyey dhanka xeebta ilaa degmada Axwar, iyadoo la gaarey deegaanka AL-Maxfad oo ah goobtii ugu dambeysay ee laga tahriibo ee Gobolkaasi, taasoo natiijo la taaban karo laga gaaray soo qabashada mukhalasiin waa weyn. Abuu Mashcal AL-Kaazimi ayaa ku macneeyay in xaqiiqooyinka iyo baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday dhinacyada ku lugta leh iyo kuwa ka dambeeya oo ey ka mid yihiin kooxo Siyaasadeed oo ka soo horjeeda maamul Goboleedyada Koofurta iyo deegaanada laga xoreeyay, kuwaasi oo ku howlan sidii ey lacago fara badan ugu shuban lahaayeen Ganacsiyo iyo Sariflayaal ku xiran xarumo dibadda ah.

XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.

Previous
Previous

G/MEHRAH EE YEMEN OO LAGU XIRAY GUDOOMIYAHA JAALIYADDA ITOOBIYA,SABABTA?

Next
Next

TAAGEERAYAASHA URURKA XIZBULLAH OO ISUGU SOO BAXAY BANAANBAXYO,SABABTA?