G/MEHRAH EE YEMEN OO LAGU XIRAY GUDOOMIYAHA JAALIYADDA ITOOBIYA,SABABTA?

(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA JAALIYADDA ITOOBIYA.

(YEMEN)-Ciidamada amaanka ee Gobolka AL Mehrah ayaa Sabtida maanta ah sheegay in xabsiga loo taxaabay Madaxii Jaaliyadda dalka Itoobiya ee Gobolkaasi ka dib markii uu cadeeyey inuu ku lug leeyahay Hogaaminta mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee tahriibayaasha sharci darrada ah uga tahriibiya dalka Yemen, una gudba Saldanada Cumaan. Waaxda amniga ee AL Mehrah ayaa hadal kooban oo ey soo saartay ku sheegtay in ciidamada amaanka ee degmada Shaxan ey dharbaaxo culus ku dhufteen Shabakadaha dadka tahriibiya, ka dib markii la xiray (H.KH.N.) oo ah Madaxa bulshada Itoobiya ee Gobolka. Xarigga ayaa daba socday baaritaanno ballaaran oo lagu caddeeyay inuu ku lug leeyahay Hoggaaminta mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee tahriibka ku hawlan. War saxaafadeedka ayaa soo xigtay Rashiid AL-Salaaxi, oo ah Agaasime Ku Xigeenka Amniga iyo Agaasimaha Dembi Baarista ee Agaasinka ayaa sheegay in xariga uu daba socday muddo bilo ah oo ey kormeerayeen goobaha iyo sirdoonnada. Eedeysanaha ayaa ka faa’ideysan jiray xilka uu u hayo bulshada si uu u fududeeyo howlaha tahriibka iyo lacagaha baadda ah ee uu dadka tahriibka ah ka qaato, isagoo qaarkood ugu hanjabay inuu u sheegaayo Hayadaha Amniga si uu dadkaasi uga qaato lacago baada ah. AL-Salaaxi waxa uu xaqiijiyay in baaritaanadu ey caddeeyeen xaqiiqooyin badan oo muujinaya ku lug lahaanshaha Eedaysanaha (abaabulka iyo hogaaminta isku xirka tahriibinta muhaajiriinta, ka faa’iidaysiga jagadiisa Madaxa bulshada Itoobiya si uu u gaaro faa’iidooyin aan sharci ahayn, khatar galinta nolosha muhaajiriinta iyada oo loo marayo waddooyin tahriib ah oo aan badbaado lahayn, ku xad-gudbida shuruucda socdaalka ee dalka iyo tan caalamiga ah, iyo helitaanka baahida tahriibka). Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Booliska ee Shaxan ayaa tilmaamay "in Eedaysanuhu uu hadda xiran yahay inta baaritaanku socdo, ilaa inta uu u gudbinayo, iyo tuhmanayaasha kale, Xafiiska Xeer Ilaalinta si looga qaado tallaabo sharci ah oo lagama maarmaan ah." Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Gobolka Abyan lagu xiray xubno ka tirsan unugyo isku mid ah oo tahriibayaal Afrikaan ah u tahriibin jiray dalka Yemen oo ey ku jiraan Ajaanib. Unugyadan ayaa si firfircoon uga shaqeeya tahriibinta tahriibayaasha Afrikaanka ah oo ey badda ku geeyaan xeebaha koonfureed ee Yemen, ka dibne waxay ka soo qaadaan halkaas waxa eyna geeyaan xuduudka waqooyi ee Sucuudiga. Agaasimaha Amniga Cadan ayaa horey bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey in xogta ey heleen Hay’adaha Ammaanku ey tilmaamayaan in xarunta lagu maamulo Howlaha tahriibinta Muhaajiriinta Afrikaanka ah laga maamulo Gobolka Sacda oo ah xarunta ugu weyn ee maleeshiyada ey ku leeyihiin Waqooyiga Yeman.

XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.

Previous
Previous

MW-JOSEPH CAWN OO KA HADLAY XIRIIRKA LUBNAAN IYO SACUUDIGA.

Next
Next

MAAMULKA G/ABYAN OO SOO QABTAY SHABAKADA TAHRIIBISA MUHAAJIRIINTA AFRIKAANKA AH.