MW-JOSEPH CAWN OO KA HADLAY XIRIIRKA LUBNAAN IYO SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA LUBNAAN.
(BEIRUT)-Madaxweynaha Lubnaan, Joseph cawn ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay AL-Carabiya ku sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Raysal Wasaare Maxamed Bin Salmaan uu doonayo inuu nabad ku soo dabbaalo Gobolka, isagoo xusay in Sacuudiga uu gacan ka geystay soo afjaridda mad madowga ka taagan Lubnaan. Waxa kale oo uu xusay in Sucuudigu uu door ka qaatay sidii loo soo dhawayn lahaa farqiga u dhexeeya Suuriya iyo Lubnaan ee dhinaca ammaanka,kaasoo uu ugu dambeeyay shirkii ammaanka ee Riyadh ka dhacay laba toddobaad ka hor. Horaantii, Riyad waxay isugu keentay wafdi Suuriyaan ah iyo wafdi ka socda Lubnaan oo kulan ku yeeshay magaalada Jiddah ee Galbeedka Sacuudiga. Wadahadalkooda ayaa looga hadlay is dhaafsiga xogta amniga ee labada dal, iyo sidoo kale kor u qaadista isku xirka Amniga iyo Calaamadeynta Xuduudaha. Dhanka kale, Joseph Cawn ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyay ku xaqiijiyay in Beyruut eysan waxba u dhimi doonin xiriirka ey la leedahay Riyadh, isaga oo ku macneeyay in xididdada xiriirkan uu soo billowday xilligii uu noolaa boqorkii dhintay ee Abdulaziz bin Abdul Rahman. Dhanka kale waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu hadda horyaalo ey ka mid yihiin sidii uu dalka Lubnaan uga gaari lahaa horumar amni, xasilooni iyo mid dhaqaale, isagoo dhanka kale soo dhaweeyay cid kasta oo doonaysa iney caawiso Lubnaan iyadoo aan la faragelin Arrimaheeda Gudaha. Madaxweynaha Lubnaan ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dalkiisa uu si cad u diidayo dib u dajinta Falastiiniyiinta ee Lubnaan, isagoo sheegay in dagaalka Gobolka iyo tixgelinta Falastiin ey dib u dhigtay hub ka dhigista xeryaha. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in go’aanka hub ka dhigista xeryaha ey qaateen maamulka Falastiin.
ISHA-AL-CARABIYA.