TAAGEERAYAASHA URURKA XIZBULLAH OO ISUGU SOO BAXAY BANAANBAXYO,SABABTA?
(SAWIRKA)-TAAGEERAYAASHA URURKA XIZBULLAH.
(BEIRUT)-Dhawaaqa hanjabaada ah ee uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururka Xizbullah Naciim Qaasim,ayaa waxaa hanjabaadiisa ka mid ahayd dagaal sokeeye haddii la taabto hubkiisa, ayaa waxay sii kordhisay guuxaya ka jira waddooyinka dalka Lubnaan, baraha bulshada, iyo warbaahinta Maxaliga ah. Iyadoo jawaabaha rasmiga ah iyo kuwa Siyaasadeed ey ka soo baxeen Raysal Wasaare Nawaf Salam Wasiiro, Wakiilo, iyo Siyaasiyiin tiro badan, ayaa sidoo kale su'aalo la iska weydiinayay Doorashooyinka Xisbiga iyo tallaabooyinka uu qaadi karo.
“MA LAHA AWOOD”:
Dhanka kale, Xisbiga Xoogagga Lubnaan ayaa u sheegay Tv-ga AL-Carabiya “ineysan jirin cabsi laga qabo hanjabaadaha Xisbullah sababtoo ah ma laha awood ey wax ku sameyn karaan." Waxa uu sidoo kale tixgeliyey in Xisbigu "uusan awoodin in uu ka jawaabo duqeymaha Isra’iil mana awoodi doono inuu u hanjabo Lubnaan." Mar uu ka hadlayay Cali Larinjani, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka dalka Iraan, booqashadii Lubnaan ka hor khudbaddii Qaasim, wuxuu sheegay in Larinjani uu la yaabay isku duubnida mowqifka Lubnaan ee faragelinta shisheeye iyo hubka Xisbullah. Dhankiisa, Siyaasiga horena u ahaa Xildhibaan Fares Saciid waxa uu u arkayey kor u kaca Xisbullah iney tahay "buunbuun", oo macnaheedu yahay buuq aan waxba tarayn. Waxa uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xusay in haddii Xisbigu ku abaabulo taageerayaashiisa waddooyinka, waddo kale, oo ka kooban inta badan Lubnaan, ey sidoo kale abaabuli doonto.
“DHIBAATADA KU JIRTA”:
Dhanka kale, Cali AL-Amiin oo falanqeeya Arrimaha Siyaasadda ayaa wareysi uu siiyay shabakadda Wararka ee Tv-ga AL-Carabiya waxa uu ku sheegay in xisbiga ey soo wajahday xaalad cakiran oo ka dhalatay ka guurista Xisbigii milateriga oo u guuray Xisbi Siyaasadeed, inkastoo uu sheegay in lagu heshiiyay heshiis xabbad joojin ah oo si cad u qeexaya arrinta xakameynta hubka iyo arrimo kale. Dadka kale ee u dhuun daloola arrimahan ayaa aaminsan in xisbigu uu ka noqon karo afarta Wasiir ee ku xiran isaga iyo Ururka Amal, isla markaana uu carqaladeeyo shaqada baarlamaanka oo uu ku leeyahay cudud weyn oo ey xulafada yihiin, taasoo jawaab u ah go’aanka hub ka dhigista. Waxa kale oo laga yaabaa inuu doonayo inuu qas iyo qalalaase ka dhex abuuro isaga oo taageerayaashiisa waddooyinka isugu soo ururiya una muuqda mid hubaysan si uu u faafiyo jawi cabsi-gelin ah oo uu ciidanka iskaga hor-yimaado. Laakiin iskahorimaad kasta oo gudaha ah wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa nabadda rayidka wuxuuna u jeedin lahaa aqlabiyadda Lubnaan isaga ka soo horjeeda, gaar ahaan haddii uu ka hortago ciidanka. Xaaladdan oo kale, David Wood, oo ah cilmi-baare Lubnaan ah oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah, ayaa yiri, "Waxaan u maleynayaa in Xizbullah uu rabo inuu yareyo suurtagalnimada iney soo gasho iska horimaad ciidamada intii suurtagal ah, sababtoo ah wuxuu ogyahay in dalka oo dhan uu ka soo horjeedo, marka laga reebo taageerayaashiisa, taasina waxay noqon doontaa masiibo dhab ah oo muuqaalkeeda ah," sida laga soo xigtay Agence France-Presse.
DAGAAL BA’AN:
Intaa waxaa dheer, Xizbullah waxay kordhin kartaa weeraradeeda ka dhanka ah Israa'iil mar kale. Si kastaba ha ahaatee, ku lug lahaanshaha dagaal kasta waxa ey sidoo kale noqon doontaa mid ba'an sababtoo ah ma laha khad sahay ah, iyada oo wax badan ku lumisay burburkii taliskii hore ee Suuriya iyo saameynta ey ku leedahay sirdoonkeeda iyo awoodeeda saadka, sida uu qabo falanqeeye militari Riad Kahwaji. Dhanka kale, Nicholas Blanford, oo ah cilmi-baare ka tirsan Golaha Atlantic Council, ayaa saadaaliyay in Xisbullah ey u badan tahay inay "isku dayi doonto inuu helo waqti" xilliyada soo socda, sababtoo ah "ma dhici doonto iney ogolaato in si buuxda hubka looga dhigo," gaar ahaan marka la eego weerarrada Isra’iil ee socda iyo guul-darrooyinka ciidamada Isra’iil iney ka baxaan buuraha koonfurta Lubnaan Khamiista.
MUUQAALKA UGU NIYADSAN:
Muuqaalka ugu niyadsan ayaa laga yaabaa inuu noqdo in Xisbullah ey aakhirka ogolaato iney hubka ka dhigto oo ey gasho dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed, si la mid ah wixii ey maleeshiyooyin kale sameeyeen intii uu socday dagaalka sokeeye. Qiyaastii laba toddobaad ka hor, dawladda Lubnaan waxay ansixisay in hubka lagu xaddido dawladda, waxayna u xilsaartay ciidanka iney dejiyaan qorshe lagu wareejinayo hubka Xisbullah, oo la soo gudbin doono dhammaadka bishan, lana dhaqangelinayo dhammaadka sannadka (2025). Xizbollah ayaa diiday go’aankaas, waxayna sheegtay iney u aragto “mid aan jirin”. Waxay ku nuuxnuuxsatay ineysan ka hari doonin hubkeeda, eyna u diyaar garoobeen iska hor imaad iyo dagaalo fool-ka fool ah. Dhinaca kale, taageerayaasha Ururka Xizbullah ayaa dhoor maalmood oo kala duwan waxa ey socod ku marayeen goobo kala duwan, kuwaasoo ey ku cambaareeyeen Go’aanka Xukuumadda iyo taageeridda Xisbiga.
ISHA-AL-CARABIYA.