YEMEN OO QABATAY MILKIILIHII SHABAKADA TAHRIIBISA DADKA AFRIKAAN AH.

(SAWIRKA)-MILKIILAHA SHABAKADA TAHRIIBISA DADKA U SOCDO YEMEN.

(YEMEN)-Hawlgal tayo leh oo uu kormeerayey Agaasimaha Amniga ee Gobolka Abyan Sareeya Guuto Cali Naasir Buzayd, ayaa ciidamada ammaanku u suurtagashay iney soo qabtaan mid ka mid ah tuhmanayaasha Caalamiga ah ee ugu khatarta badan ee la raadinaayey, tuhmanahaan ayaa loo heystaa inuu lahaa tahriibinta dadka sharci darrada ah, ka Ganacsiga dadka iyo waxyaabaha kontarabaanka ah. Eedeysanaha oo heysta dhalasho Ajnabi ah, magaciisana loo soo gaabiyo(SSD) ayaa ah Mulkiilaha iyo Maareeyaha Sare ee Xafiiska Caalamiga ah oo ku takhasusay howlaha Tahriibka, waxaana magaciisa lala xiriirinayaa maamulka Shabakadaha Xudduudaha isaga gudba ee Tahriibayaasha Afrikaanka ah isaga kala gudbiya Xeebaha dalka Yemen. Laamaha ammaanka ayaa ku tilmaamay in Eedeysanaha la qabtay markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Cadan Arbacadii 13-kii Ogoosto, iyadoo ey daba socotay dabagal iyo dabagal xoogan oo dhanka ammaanka ah, taasi oo qeyb ka aheyd olole ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayay Shabakadaha wax Tahriibiya ee Abyan, taasoo keentay in la xiro qaar ka mid ah Madaxda shabakadaha. Baaritaanadii ugu horeeyay ee la sameeyay ayaa lagu sheegay in Eedeysanaha uu qorsheynayay inuu shir kula yeesho Xeebta Degmada Axwar tiro Mukhalasiin ah, si uu ugu diyaar garoobo inuu u soo dhaqaaqo caasimadda Sanca, ka hor inta aan la xirin oo qorshihiisa uu fashilmin. Ciidamada amaanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu dhabar jab weyn ku yahay Shabakadaha dambiilayaasha ah ee isaga kala goosha Xudduudaha isla markaana uu muujinayo heerka u diyaarsanaanta iyo feejignaanta amniga ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo amniga maamulka Gobolka loogana hortago dhagarta halista ku ah Xasiloonideeda. Ciidamada amaanka ee Gobolka Abyan ayaa hogaaminayay dadaalo xoogan oo lagula dagaalamayo ka Ganacsiga dadka oo ey ku lug leeyihiin tahriibayaasha Afrikaanka ah ee galay Gobolka Abyan tan iyo markii tobanaan qof ey ku dhinteen doon ku degtay Xeebaha Yemen todobaadyo ka hor. Ciidamada ammaanka ee Gobolka Abyan ayaa la wareegay dhowr goobood oo ey ku noolaayeen dad Afrikaan ah oo si sharci darro ah ku soo galay dalkaasi. Deegaanadan ayaa ku teedsan jiidda Xeebta Bari ee Gobolka.

ISHA-ALAYYAM.

Previous
Previous

TAAGEERAYAASHA URURKA XIZBULLAH OO ISUGU SOO BAXAY BANAANBAXYO,SABABTA?

Next
Next

120-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO SI NABAD AH KU GAARAY DALKA YEMEN.