120-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO SI NABAD AH KU GAARAY DALKA YEMEN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH.
(YEMEN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Booliska Gobolka Shabwa uu sheegay in Doon siday dad tahriibayaal ah oo ku dhawaad gaaraayo ilaa 120 tahriibayaal Afrikaan ah ey si nabad ah ku soo gaartay Xeebta Carqah ee degmada Radhuum ee Goboolka Shabwa,taasoo muujineysa mowjado cusub oo tahriibayaal ah oo soo gaaray Xeebaha Yemen. Booliisku ayaa sheegay in dhammaan dadka tahriibayaasha ah ee cusub ey yihiin Rag dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya, isagoo xusay in la qaadayo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si wax looga qabto isku dayga soo dhex-galka iyo yaraynta khataraha Amni iyo saamaynta xasilloonida Gobolka. Bilihii la soo dhaafay, Xeebaha Gobolka Shabwa waxaa ku soo noqnoqday mowjado Tahriibayaal ah aan caadi ahayn oo ka imanaya Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaas oo la sii marinayo shabakadaha Tahriibinta dhinaca badda. Muhaajiriinta aan sharciga ahayn ayaa inta badan isticmaala Doomo yar-yar oo aad u jilicsan iyagoo isku dayaya iney gaaraan Xeebaha dalka Yemen ka hor inta eysan u sii gudbin Wadamada Khaliijka sida dalka Boqortooyadda Sacuudiga Gobolka Shabwa waa mid ka mid ah maamul Goboleedyada ugu waa-weyn ee mara marinnada tahriibka badda sababo la xiriira deegaan ahaan iyo xeebteeda ku teedsan badda Carabta, taasoo ka dhigaysa xudunta isu socodka dadka iyo Ganacsiga sharci darrada ah.
ISHA-XARAF28.