QM OO SHEEGTAY IN ISRA’IIL EY DISHAY 1,760-REER FALASTIIN OO HUNGURI DOON AH.
(SAWIRKA)SHACABKA REER FALASTIIN.
(QUDS)-Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in ugu yaraan 1,760 Falastiiniyiin ah lagu dilay iyaga oo gargaar u doonanaya Gaza ilaa dabayaaqadii bishii Meey, taasoo kor u kacday dhowr boqol tan iyo markii ugu dambeysay ee la daabacay bilowgii Agoosto. "Laga soo bilaabo 27-kii Meey, ilaa laga gaaray 13kii Agoosto, waxaan diiwaan geliyey ugu yaraan ilaa 1,760 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay iyagoo gargaar raadinayey, 994 ka mid ah ayaa lagu dilay agagaarka goobaha GHF (Gaza Humanitarian Foundation) iyo 766-kalane waxaa lagu dilay iyagoo ku teedsan waddooyinka kolonyada saadka. Taasi waxay la barbar dhigay tirada ah 1,373 oo la dilay sida xafiisku uu sheegay Agoosto kowdeedii. Cusboonaysiinta ayaa timid iyadoo Wakaaladda Difaaca madaniga ah ee Gaza ey sheegtay in ugu yaraan 38 qof ey ku dhinteen weerarada Isra’iil ee dhacay Jimcaha maanta ah, oo ey ku jiraan 12-qofood kuwaasoo sugayay gargaar bini'aadantinimo. Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ey ka shaqaynayaan sidii ey u "kala furfuri lahaayeen awoodaha militari ee Xamaas," isaga oo intaa ku daray in ciidamadoodu ey qaadayaan taxadar "si ey u yareeyaan waxyeelada rayidka." Xayiraadaha warbaahinta ee Gaza iyo dhibaatooyinka gelitaanka dhulalka la haysto ayaa la macno ah AFP iney awoodi waysay iney si Madaxbanaan u xaqiijiso lacagaha iyo faahfaahinta ey bixiyeen Wakaalada Difaaca Madaniga ah iyo millatariga Isra’iil. Arbacadii, Madaxa Guud ee militariga Israa’iil ayaa sheegay in la ansixiyay qorsheyaasha duulaanka cusub ee Gaza, kaasoo looga gol leeyahay in lagu jabiyo Xamaas laguna sii daayo dhammaan la haystayaasha harsan. Milatarigu waxa uu damacsan yahay inuu la wareego magaalada Gaza iyo Xeryaha Qaxoontiga ee ku dhow oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan dhulkaasoo ey burburiyeen dagaallo socday in ka badan 22 bilood. Maalmihii la soo dhaafay, dadka magaalada Gaza ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP duqeymo isdaba joog ah oo dhanka cirka ah oo lala beegsanayo meelaha la deggan yahay, halka horaantii isbuucaan Xamaas ey cambaareysay duulaanka dhulka Isra’iil ee aagga. Jimcaha maanta ah,militariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ey howlgallo kala duwan ka wadeen duleedka magaalada. Qorshaha dowladda Isra’iil ey ku dooneyso iney ku ballaariso dagaalka ayaa dhaliyay qeylo dhaan caalami ah iyo sidoo kale mucaarado gudaha ah. Khubarada ey Qaramada Midoobay taageerto ayaa ka digay macaluul baahsan oo ka jirta dhulkaas, halkaasoo Israa’iil ey si weyn u yaraysay tirada gargaarka bini'aadantinimo oo ey u ogolaatay. Weerarkii Xamaas ee Oktoobar 2023 kaasoo dhaliyay dagaalka ayaa sababay dhimashada 1,219 qof, sida lagu sheegay warbixin ey AFP soo saartay oo ku salaysan tirooyin rasmi ah. Duulaanka Isra’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 61,827 Falastiiniyiin ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ey maamusho Gaza oo Qaramada Midoobay ey u aragto iney tahay mid la isku halayn karo.
ISHA-AN.