HOGAANKA XIZBULLAH OO KA HORYIMID QORSHAHA DAWLADDA LUBNAAN.

(SAWIRKA)-HOGAMIYAHA XIZBULLAH .

(BEIRUT)-Madaxa Ururka Xisbullah Naciim Qaasim ayaa ku eedeeyay dowladda Lubnaan Jimcaha maanta ah iney "Dalka Lubnaan u gacan gelisay" Israa'iil oo ey dabada ka riixayso in kooxda Xizbullah hub ka dhigis lagu sameeyo, isagoo uga digay iney u dagaallami doonto iney hubkooda sii haysataan. Qaasim ayaa jeediyay qudbad laga sii daayay Telefishinka ka dib markii uu la kulmay Madaxa ugu Sareeyo dhinaca Amniga ee dalka Iran,kaasoo wadankiisu uu taageero kooxda xagjirka ah ee Xizbullah ee dalka Lubnaan muddo tobanaan sano ah. Xizbollah ayaa si xun uga soo baxday dagaalkii sanadkii hore ey la gashay Israa'iil, waxaana dowladda ey ku dadaaleysaa in hubka laga dhigo dhamaadka sanadka. Ururka Xisbullah ayaa si xun uga soo shaac baxay dagaalkii sanadkii hore ey la galeen Israa’iil, waxaana cadaadis Mareykanka uu saaray dowladda Lubnaan ey ku amartay ciidamada iney dejiyaan qorshe hubka looga dhigayo kooxdaasi dhamaadka sanadka. Iran oo waxa loogu yeerto “ dhidibka iska caabinta” ey ka mid tahay Xisbullah, waxa ey sidoo kale la kulantay dib u dhacyo xiriir ah, oo uu ugu dambeeyay dagaalkii ey la gashay Israa’iil oo uu Mareykanku ku garaacay goobahooda Nukliyeerka. "Dowladdu waxa ey fulinaysaa amarka Mareykanka iyo Israa'iil si loo joojiyo iska caabinta, xitaa haddii ey horseeddo dagaal sokeeye iyo colaad gudaha ah," ayuu yiri Qaasim. "Xoogaga iska Caabintu ma dhiibi doono hubkooda inta gardarada ey sii socoto, qabsashaduna ey sii socoto, waana la dagaalami doonnaa... haddii loo baahdo inaan ka hortagno mashruucan Mareykanka iyo Israa'iil wax kasta oo ey ku kacayso," ayuu yiri. Qaasim waxa uu ku booriyay dawladda Lubnaan "In aaney dalka u gacan gelin gardaro Israa'iil ah oo aan la dhayalsan karin ama daalim Maraykan ah oo leh hunguri aan xad lahayn".

ISHA-FRANCE PRESS.

Previous
Previous

QM OO SHEEGTAY IN ISRA’IIL EY DISHAY 1,760-REER FALASTIIN OO HUNGURI DOON AH.

Next
Next

DAWLADDA LUBNAAN OO RUNTA U SHEEGTAY DALKA IRAAN.