DAWLADDA LUBNAAN OO RUNTA U SHEEGTAY DALKA IRAAN.
(SAWIRKA)-KULANKA LIBNAAN IYO IRAAN.
(BEIRUT)-Booqashada Madaxa Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran Cali Larinjani ayaa timid ka dib markii dowlada Lubnaan ey ku amartay ciidamada iney dajiyaan qorshooyin dhamaadka sanadka 2025 si hubka looga dhigo kooxda Xagjirka ah ee Xisbullah. Ka dib markii uu yimid Beyruut, Larinjani ayaa wacad ku maray in dowladiisa ey sii wadi doonto taageerada ey siiso Ururka Xizbullah, ka dib markii ey muujisay sida ey uga soo horjeedo qorshaha hub ka dhigista Ururka Xizbullah. "Waan diidnay faragelin kasta oo lagu sameeyo Arrimaheenna Gudaha," ayuu yiri Cawn, isagoo intaas ku daray "waa mamnuuc in qof kasta... inuu hub qaato iyo inuu taageero shisheeye u adeegsado awood," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan oo lagu qoray barta X. Iran iyo waxa loogu yeero " dhidibka iska caabinta " ayaa la kulmay dharbaaxo isdaba joog ah oo ku saabsan xafiiltanka dheer oo ey la leeyihiin Isra’iil. Iiraan iyo Israa’iil ayaa dagaal dhex maray bishii June, iyadoo Maraykanku uu muddo kooban u soo istaagay inuu duqeeyo xarumaha Nukliyeerka ee Iran. Xizbullah waxa ey la kulantay khasaare ba’an, oo uu ku jiro geeridii Hoggaamiyahooda Xasan Nasrallah, sannad colaadeed oo ey la galeen Israa’iil oo ku dhammaatay xabbad-joojin bishii November 2024-kii. Bil ka dib, waxaa xukunka laga tuuray Madaxweynihii dalka Suuriya Bashaar AL-asad, taasoo Ururka Xisbullah ka xayuubisay marinkii ugu muhiimsanaa oo ey hubka iyo saadka uga iman jirtay Iran. Iran ayaa ku dhawaaqday iney si adag uga soo horjeedo qorshaha dowladda Lubnaan ey ku doonayso iney hubka uga dhigto Xizbullah , halka xarakada lafteeda ey ku tilmaantay go'aankaas "dambi weyn". Caasimadda Beyruutt, Larinjani waxa uu ka sheegay in aaney quwad shisheeye awaamiir siinin Lubnaan, isaga oo intaa ku daray in aaney Iran ahayn midda faragelinaysa balse uu yahay dalka Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si maldahan u sheegay in Ururka Xizbullah ey ku sii jirto arrimaha gobolka. "Go'aan kasta oo ey dowladda Lubnaan qaadato iyadoo la tashanaysa iska caabinta waanu ixtiraamaynaa," ayuu yiri Cali Larinjani, isagoo dhinaca kale dhaleeceeyay xilliga kama dambaysta ah ee December ee ciidanka si ey u dajiyaan qorshayaal hub ka dhigis ah oo Xizbollah ah.
“Midka faragelinaayo Lubnaan arrimaheeda,waa kan adiga kuu qorsheynaayo,adigane ku siinaayo jadwal kaa fog kumanaan kiiloomitir. Anigu ku siinmaayo adiga wax qosha ah”.
QABASHADA DACIIFIINTA:
Ka hor dagaalkii ay la galeen Israa'iil, Xisbullah waxaa la aaminsanaa in uu ka hub badnaa militariga Lubnaan.
Waxay muddo dheer ku adkaysanaysay iney haysato hubkeeda si ey Lubnaan uga difaacdo weerarka, laakiin dadka dhaleeceeya waxay ku eedeeyeen iney hubkeeda u adeegsanayso awood siyaasadeed.
Beyruut, Larinjani wuxuu wacad ku maray inuu sii wadi doono taageerada Ururka xagjirka ah ee Xizbullah. "Haddii... dadka reer Lubnaan ey dhibaataysan yihiin, annagu haddaan nahay Iran waxaan sidoo kale dareemi doonnaa xanuunkan, waxaanan garab istaagi doonnaa dadka qaaliga ah ee Lubnaan xaalad kasta," ayuu Larinjani u sheegay suxufiyiinta. Sidoo kale Madaxweyne Cawn iyo Raysal Wasaare Nawaf Salam, Larinjani ayaa lagu waday inuu la kulmo afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri, oo aad ugu dhow Ururka Xizbollah. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo qabriga Nasrallah, kaasoo lagu dilay duqeyn weyn oo Isra’iil ka geysatay Koonfurta Beyruut sanadkii hore. Awooda Ururka Xizbullah ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ey xabad joojinta la galeen Israa’iil, waxaana dowladda cusub ee Lubnaan oo taageero ka helaysa Mareykanka ey u dhaqaaqday iney sii xakameyso. “Diidka iska caabinta Iran” waa shabakad ey ku midaysan yihiin kooxaha hubaysan ee Gobolka, oo ey ku jiraan Xamaas ee Gaza iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen, oo u midoobay iney ka soo horjeedaan Israa’iil.
ISHA-QAAHIRA.