DAWLADDA MASAR IYO XARAKADDA XAMAAS OO KA WADA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA.
(SAWIRKA)-XASAN RASHAAD IYO KHALIIL HAYAH.
(CAIRO)-Madaxa Adeega Guud ee sirdoonka dalka Masar(GIS) Xasan Rashaad ayaa Arbacada maanta ah magaaladda Qaahirakula kulmay wafdi ka socdo Xarakadda Xamaas oo uu Hogaaminaayo Khaliil AL Xayi si ey uga wada hadlaan dadaaladda lagu xaqiijinaayo Xabad Joojin ka dhacda Marinka Gaza, sida ilo reer Masar ah ey u sheegeen Warbaahinta AL-Qahira News.Sida laga soo xigtay ilo-wareedka, Xamaas ayaa muujisay rabitaankeeda ah iney dib u billaabaan wada xaajoodka xabbad joojinta iyo sida ey u qadarinayaan dadaalka Masar ee fududaynta gargaarka bini'aadanimo ee Gaza. Ilaha ayaa intaa ku daray in Masar ey "xoojinayso xiriirka ey la leedahay dhammaan dhinacyada" si loo helo xabbad joojin, ugu dambeyntiina loo soo afjaro dagaalka. Wafdiga Xamaas ayaa Talaadadii shalay ahayd soo gaaray Qaahira. Kulankan ayaa dhacay iyadoo wareeg cusub oo wadahadalo xabbad joojin ah oo Gaza ah uu ka furmay Qaahira ka dib markii uu burburay wada xaajoodyadii ugu dambeeyay ee Dooxa usbuucii hore. Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay kanaalka Talaadadii in wadahadalladani ey diiradda saarayaan xabbad joojin ku meel gaar ah oo 60 maalmood ah iyo in Masar ey dadaallo xooggan la sameyneyso dhammaan dhinacyada ey khuseyso si dib loogu bilaabo wada xaajoodka. Dagaalka xasuuqa ah ee Isra’iil ka wado Gaza oo socday muddo laba sano ah ayaa waxa ku dhinta ugu yaraan 61,599 oo Falastiiniyiin ah,waxana uu burburiyay inta badan kaabayaashii dhaqaalaha ee magaalada,iyada oo ey macaluul ka dilaacday Marinka Gaza,ka dib markii la xaddiday gargaarka bini’aadantinimo. Inkastoo ey socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda Gaza, Isra’iil ayaa qorsheyneysa iney ballaariso duullaanka ey ku hayso Gaza si ey u qabsato guud ahaan dhulka Gaza.
ISHA-AL-QAHIRA NEWS.