TURKIGA IYO QADAR OO KA WADA HADLAY XAALADDA MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-WASIRADA ARRIMAHA DIBADA QADAR IYO TURKIGA.
(QATAR)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani iyo dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan, ey ka wada hadleen horumarka Marinka Gaza, dhulka Falastiin ee la heysto, iyo Suuriya, iyadoo ey u dheer tahay arrimo dhowr ah oo labada dhinac ah. Arrintan ayaa ka dambeysay kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar iyo dhiggiisa Turkiga. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona xoojin lahaa. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu soo afjarayo dagaalka bahalnimo ee Marinka Gaza. Marka laga soo tago xaqiijinta joogtada ah iyo qulqulka gargaarka bini’aadantinimo ee Marinka Gaza iyo sii deynta maxaabiista waxa uu carabka ku adkeeyay in Dowladda Qatar ey si buuxda u taageersan tahay dhammaan dadaallada wanaagsan ee loogu talagalay in lagu xalliyo arrinta Falastiin iyadoo loo marayo hab nabadeed iyo hirgelinta xalka labada dal.
ISHA-AA.