QM OO CIIDAMADDA ISRA’IIL KU EEDEYSAY KUFSI IYO GALMO XAD DHAAF AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRA’IIL.
(UN)-Madaxa Qaramada Midoobay ayaa uga digay Israa'iil in Qaramada Midoobay ey hayso "xog lagu kalsoonaan karo" oo ku saabsan tacaddiyada Galmada iyo xadgudubyada kale oo ey ciidamada Israa'iil ku hayaan Maxaabiista reer Falastiin ee xiran, taas oo danjiraha Qaramada Midoobay ee Israa'iil uu meesha ka saaray isagoo ku tilmaamay "Eedeymo aan sal iyo raad lahayn." Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad uu u diray Danjire Danny Danon ku sheegay inuu "aad uga walaacsan yahay" xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee la sheegay iney ciidamada Israa'iil iyo ciidamada ammaanka ku hayaan xabsiyo dhowr ah, xarun lagu hayo iyo saldhig milateri. Guterres waxa uu sheegay inuu ogeysiiyay ciidamada Israa’iil in lagu qori karo xad-gudubyo warbixintiisa soo socota ee ku saabsan tacaddiyada Galmada ee colaadaha “sabato ah walaacyo la taaban karo oo laga qabo qaababka noocyada xad-gudubyada Galmada ee ey Qaramada Midoobay si joogto ah u diiwaangelisay.” Danon, oo faafiyay warqadda iyo jawaabtiisa Talaadada maanta ah ayaa sheegay in eedeymaha "ey ku jiraan daabacaadyo eex ah."
"Qaramada Midoobay waa iney diiradda saartaa dembiyada dagaal ee naxdinta leh iyo xadgudubyada Galmada ee Xamaas iyo sii deynta dhammaan la haystayaasha," ayuu yiri. Danon waxa uu ula jeeday weerar kedis ah oo kooxda xagjirka ah ey ka geysatay Koonfurta Isra’iil Oct. 7, 2023, halkaas oo ilaa 1,200 oo qof lagu dilay laguna qafaashay 250 qof. Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in haweenka la kufsaday oo la faraxumeeyay. Weerarka Xamaas ayaa dhaliyey dagaalka Gaza ka socda, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 61,400 oo falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, oo aan sheegin tirada dagaalyahannada iyo rayidka ah, balse kala bar ayaa ahaa Haween iyo Carruur. Danon waxa uu carabka ku adkeeyay in "Israa'iil eysan ka xishoon doonin ilaalinta muwaadiniinteeda eyna sii wadi doonto ku dhaqanka sharciga caalamiga ah." Sababtoo ah Israa'iil waxay diiday iney la kulanto kormeerayaasha Qaramada Midoobay, waxay ahayd " caqabad ku ah iney go'aan cad ka gaarto qaababka, isbeddellada iyo isticmaalka joogtada ah ee xadgudubka Galmada ee ciidamadeeda, Guterres ayaa ku yiri warqadda. Waxa uu ku booriyay dawladda Israa'iil "iney qaaddo tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo in si deg deg ah loo joojiyo dhammaan falalka xadgudubka Galmada, oo ey sameyso oo ey hirgeliso ballanqaadyo waqti-xiran." Xoghayaha Guud ayaa sheegay in kuwani ey ku jiraan baaritaanada eedeymaha la aamini karo, amarada cad iyo xeerarka anshaxa ciidamada iyo kuwa ammaanka ee mamnuucaya xadgudubyada Galmada, iyo galaangalka aan la xakameyn ee kormeerayaasha Qaramada Midoobay. Bishii Maarso, khubarada Xuquuqul Insaanka oo ey Qaramada Midoobay taageerto ayaa Israa'iil ku eedeeyay "isticmaalka joogtada ah ee Galmada, taranka iyo rabshadaha kale ee ku saleysan Jinsiga." Guddiga baaritaanka ku sameeyay dhulka la heysto ee Falastiin ayaa sheegay iney diiwaan geliyeen xadgudubyo kala duwan oo lagula kacay haweenka Falastiiniyiinta, rag, gabdho iyo wiilal waxayna ku eedeeyeen ciidamada ammaanka Israa’iil kufsi iyo xadgudubyo dhanka Galmada ah oo ka dhan ah Maxaabiista Falastiiniyiinta. Waqtigaas, Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu dhaleeceeyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, kaasoo u wakiishay kooxda khubarada Madax-bannaan, sida "Surcus-Israa'iil" kaasoo "muddo dheer loo soo bandhigay inuu yahay nacayb, qurun, Argagixisada taageera, iyo hay'ad aan khusayn." Hadalkiisa ma uusan ka hadlin natiijooyinka laftooda.
ISHA-AA.