GEN.XAFTAR OO WIILKIISA SADDAAM U MAGACAABAY KU XIGEENKIISA.

(SAWIRKA)-GEN XAFTAR IYO WIILKIISA SADAAM.

(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in Isniintii shalay ahayd uu Taliyaha Ciidanka Qaranka Liibiya, Gen. Khalifa Haftar uu wiilkiisa, Saddam Haftar uu u magacaabay Ku Xigeenkiisa. Talaabadan ayaa waxaa ka soo horjeestay Golaha Madaxtooyada oo ku dooday in magacaabista ciidamada ey ku kooban tahay iyaga oo kaliya. Isniintii shalay ayuu Xafiiska Warbaahinta ee Taliska Guud bayaan uu soo saaray ku sheegay in go'aanka loogu magacaabay Saddam Haftar inuu noqdo ku xigeenka aabihiis ee taliska ciidanka uu yimaado "si waafaqsan Hiigsiga Taliyaha Guud ee 2030 si loo horumariyo loona wanaajiyo waxqabadka guud ee ciidamada qalabka sida," isagoo xusay in "shaqadan ey ku xigi doonto dhowr shaqo oo muhiim ah maalmaha soo socda." Isaga oo ka jawaabaya hawshan, Madaxweyne ku Xigeenka Golaha Madaxtooyada ee Liibiya, Cabdallah ALlaafi, wuxuu ugu baaqay Golaha Madaxtooyada Talaadada maanta ah iney "qabtaan shir deg deg ah" isaga oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Liibiya. Waxa uu sheegay in abuurista jagooyin kasta oo cusub oo ka dhex jira Xarumaha Milatariga ey tahay "mustaqbalka soo jireenka ah ee Hay'adda sharci-dejinta." Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in magacaabista Hogaanka sare ee Ahraamta hoggaaminta millatariga ey tahay in loo sameeyo "si waafaqsan sharciga iyo go'aan ka soo baxa Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Liibiya, oo uu matalo Golaha Madaxtooyada guud ahaan." ALlaafi wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee Golaha Madaxtooyada iney kulmaan si ay arrintan uga fiirsadaan, "si loo hubiyo ixtiraamka sharciyada lagu dhaqmi karo iyo ilaalinta awoodaha sharcigu tilmaamayo." Waxa uu ka digay in tallaabadan ey ku soo beegantay iyadoo ey jirto xaalad ciidan oo ku saleysan kala qeybsanaan, taasoo u baahan tallaabo culus oo mas’uuliyadeed oo ku saleysan qaabkii lagu heshiiyey ee ciidamada iyo dariiqa amniga” si loo helo hay’ad ciidan oo mideysan oo awood u leh ilaalinta dalka hooyo, iyadoo laga fogaanayo tallaabo kasta oo “ sii qoto dheereysa kala qeybsanaanta ama ka leexaneysa qaab dhismeedka sharciga ee maamulka”. Khilaafyadani waxay muujinayaan qoto dheer ee kala qaybsanaanta hay'adaha ee Liibiya, gaar ahaan kuwa ka dhex jira aasaaska milatariga, inkastoo marar badan lagu baaqay in la mideeyo. Saddam Haftar waa wiilka ugu yar ee Khalifa Haftar, oo ku jira badhtamaha soddonaadyada. Waxaa lagu tiriyaa inuu yahay kan ugu caansan wiilashiisa, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba, marka loo eego walaalaha kale. Waxa uu hayaa majaraha dhowr faylal oo muhiim ah waxana uu hogaamiyaa wada xaajoodyo Siyaasadeed iyo Militari oo dibadda ah isagoo wakiil ka ah ciidamada Liibiya. Aabihiis waxa kale oo uu hubiyaa in uu joogo inta badan kulammada uu la yeesho saraakiisha Amniga iyo ciidamada shisheeye. Haftar, oo haysta darajada "Lieutenant General" oo ahaa Madaxa Guud ee ciidamada dhulka tan iyo 2024, ayaa saameyn ballaaran ku leh Bariga iyo Koonfurta Liibiya. Sidoo kale waxa uu socdaalo kala duwan ku dhex maraa wadamo uu ugu dambeeyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha dalka Jaad Maxamat Idriss Deby oo uu kala hadlay iskaashiga dhinaca amaanka iyo furitaanka xuduudaha u dhexeeyo Liibiya iyo Jaad.

ISHA-AA.

Previous
Previous

QM OO CIIDAMADDA ISRA’IIL KU EEDEYSAY KUFSI IYO GALMO XAD DHAAF AH.

Next
Next

BOOLISKA DALKA URDUN OO SOO XIRAY RAG KA TIRSAN IKHWAAN MUSLIMIIN.