BOOLISKA DALKA URDUN OO SOO XIRAY RAG KA TIRSAN IKHWAAN MUSLIMIIN.
(SAWIRKA)-BOOLISKA URDUN.
(JORDAN)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Urdun ee Camaan ayaa sheegaayo in Ciidamadda Amaanka dalka Urdun ey habeenkii xalay ahaa qabteen dad lala xiriirinaayo iney ka tirsan yihiin Ururka Ikhwaanul Muslimiinka kaaso mamnuuc ka ah dalka Boqortooyadda Urdun,waqtiga la qabanaayey dadkaasi waxa ey ku guda jireen shir iyaga u gaar ah kana dhacaayey mid ka mid ah guryahooda kuna yaalo magaaladda Irbid ee dhacda Waqooyga dalka Urdun. Sida ilo Xog-ogaal ah ey u sheegeen Wakaaladda Wararka u Faafiso dalka Urdun ee Petra,booliska garsoorka ayaa maxaabiista la soo qabtay u gudbiyey Hayadaha Garsoorka ee dalka Urdun,isagoo xusay in kulanku uu ahaa mid ey soo qabanqaabiyeen Ikhwaanka,halka hayadaha Amniga ey la socdeen dhaqdhaqaaqiisa,waxa uuna ahaa kulankaasi mid aan sharci ahayn. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo reer Urdun ah,tan iyo markii la soo saaray xayiraadda la xiriirta kulanada Ikhwwanka,hayadaha amnigu waxa ey dabagal ku haayeen Ikhwaanka waxa eyna ogaadeen iney jiraan isku dayo lagu doonaayo in lagu hareer maro xayiraadda iyagoo shirar ku yeelanaayo guryaha xubnaha caadiga ee Ururka Ikhwaan Muslimiinka Urdun iyadoo lagu hoos qarinaayo kulano bulshadu yeelaneyso. Sannadkaan 2025-ka, masuuliyiinta dalka Urdun waxa ey ku dhawaaqeen mamnuucid guud oo lagu soo rogay Ururka Ikhwan Muslimiin iyagoo ku tilmaamay inuu yahay Urur aan Sharci ahayn,waxa eyna la wareegeen hantidoodii. Arrintaan ayaa ah mid daba socota baaritaano lagu ogaaday in xubno ka tirsan Ururka Ikhwaanka ey ku lug lahaayeen shirqool halis ku ah amniga qaranka. Tan iyo bishii shanaad ee la soo dhaafay,Wasaaradda Horumarinta Bulshada iyadoo loo maraayo gudiga gudaha waxa ey bilaawday iney qaado tilaabooyin lagu raadinaayo lacag kasta ama hanti kasta ey leedahay kooxda Ikhwaanka ka dib markii uu dhammaaday waqtigii kama dambeysta ee shaacinta kaaso ku beegnaay bartamihii bishii Juun-2025-ka.
ISHA-AA.