GOBOLKA MEHRAH EE YEMEN OO LAGU QABTAY 40-TAHRIIBE.

(SAWIRKA)-YEMENIYIIN DADKA TAHRIIBISA.

(AL-MEHRAH/YEMEN)-Wararka laga helaayo Gobolka AL-Mehra ee dalka Yemen ayaa sheegaayo in Ciidamada Ammaanka ee Gobolka AL Mehrah ayaa sheegay in saddex howlgal oo kala duwan oo ka dhacay degmada Shaxan ey ku soo qabteen (38)-Eedeysane. Eedeysanayaasha ayaa ku lug lahaa tahriibinta dadka iyo tahriibinta tahriibayaasha Afrikaanka ah ee sharci-darrada ah ee u kala socdaala dalalka deriska ah, iyadoo ey u sii dheer tahay shaqsiyaadka qaarkood oo ku lug lahaa tahriibinta walxaha mamnuuca ah sida Maandooriyaha. Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalkii ugu horeeyay ee lagu soo qab qabtay ilaa (7)- ruux, halka howlgalka labaadna uu ku lug lahaa hal ruux, waxaana howlgalkii seddexaad lagu soo qabtay (30)-ruux hal mar. Booliska AL Mehrah ayaa xaqiijiyay in dhammaan tuhmanayaasha la xiray inta laga gaarayo dacwadaha sharciga ah, iyagoo carabka ku adkeeyay dadaalkooda joogtada ah ee lagula dagaallamayo ka Ganacsiga dadka, burburinta shabakadaha wax tahriibiya, iyo kor u qaadista Amniga iyo Xasilloonida Gobolka.Yemen ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ey wajahayaan caqabadaha waa-weyn ee la xiriira socdaalka sharci darrada ah iyo ka Ganacsiga dadka. Taasoo ey sabab u tahay deegaanka uu ku yaal dalka Yemen kaaso isku xira Geeska Afrika iyo Jaziirada Carabta, iyadoo ey u sii dheer tahay xaaladda adag oo Amni iyo Dhaqaale ee ka sii daraysa ifafaalaha tahriibka ee dadka iyo tahriibayaasha.Xeebaha Yemen, gaar ahaan Gobollada Lahj, Abyan, Taiz, AL Mehrah, iyo Hadramaut, waxay ka dhigan yihiin marino waa-weyn oo ey maraan shabakadaha wax tahriibiya ee ka faa'iidaysta kontaroolada ammaanka ee daciifka ah iyo xaaladaha bini'aadantinimo ee sii xumaanaya si ey u fududeeyaan tahriibinta muhaajiriinta ka imaanaya wadamada Afrika ee u socdaalaya Khaliijka iyo wadamo kale. Inta badan dadka isaga kala safro Wadamada Khaliijka iyo Yemen ayaa ah kuwa ka yimaado Dalalka Itoobiya,Soomaaliya iyo Eritereeya,waxa eyna uga sii gudbaan dalka Yemen dalka Boqortooyadda Sacuudiga ama Sladana Cumaan iyagoo sii mara Gobolka Mehrah oo Gobolka xuduuda la wadaago Saldanada Cumaan.

ISHA-AL-XARAF.

Previous
Previous

BOOLISKA DALKA URDUN OO SOO XIRAY RAG KA TIRSAN IKHWAAN MUSLIMIIN.

Next
Next

URURKA XAMAAS MA AQBALI DOONAA HUBKA DHIGIS?