URURKA XAMAAS MA AQBALI DOONAA HUBKA DHIGIS?

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(CAIRO)-Warbaahinta Israa’iil ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in Masar ey u soo bandhigtay Xamaas heshiis dhammaystiran oo dhigaya in la sii daayo dhammaan Maxaabiista Israa’iil iyo hub ka dhigista dhaqdhaqaaqa si ey xabbad-joojin uga hirgasho Marinka Qaza iyo sii daynta Maxaabiista reer Falastiiniyiinta. Maamulka rasmiga ah ee warbaahinta Isra’iil ayaa sheegay in wafdi ka socda Xamaas ey gaareen caasimadda Masar ee Qaahira, si ey uga wada hadlaan hindisaha cusub oo ey ku jiraan heshiis dhameystiran oo lagu sii deynayo 50 Israa’iiliyiin ah (dhammaan Maxaabiis, nool iyo kuwa dhintay) iyo hub ka dhigista dhaqdhaqaaqa Xamaas. Sida laga soo xigtay Maamulka Warbaahinta, " Dhexdhexaadiyayaashu waxay Xamaas u soo bandhigeen hindise cusub oo ah, heshiis dhamaystiran oo ey ku jiraan sii deynta dhammaan shakhsiyaadka la afduubay, kuwa nool iyo kuwa dhintayba, taasoo lagu beddelayo sii deynta Maxaabiista Ammaanka Falastiiniyiinta iyo hub ka dhigista Xamaas." Sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa'iil, hindisaha ayaa ku baaqaya qorshe cusub oo milatariga Israa'iil ey uga baxayaan Marinka Gaza, iyada oo ey si wadajir ah u ilaalinayaan Carabta iyo Maraykanka, illaa xal waara laga gaaro hub ka dhigista Xamaas iyo qaabka maamulka ee Marinka Gaza. Iyadoo la tixgalinayo hindisaha cusub, "Xamaas waa iney go'aansato iney qaboojiso dhaqdhaqaaqa garabkeeda milateri iyo hub ka dhigisteeda, iyadoo dammaanad laga helayo dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah," sida ey hay'addu sheegtay. Idaacadda ayaa intaa ku dartay, "Waxaa socda wada xaajoodyo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin joogta ah." Waxay ku andacootay in Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu "in hadda uusan raadin heshiisyo qayb ah, wuxuuna ku dhawaaqay dardargelinta hawlgallada militari ee lagu doonayo in lagu qabsado Gaza si loo soo afjaro dagaalka." Guddigu waxa ey xuseen in kooxda wada xaajoodka iyo dhexdhexaadiyayaasha ey aaminsan yihiin in la soo afjari karo farqiga u dhexeeya labada dhinac, isagoo xusay in Netanyahu uu ku tilmaamay xaaladdii Xamaas intii lagu jiray wareegii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka iney ahaayeen “shuruudaha isu dhiibida” Israa’iil, taasoo wakhtigaas hor istaagtay heshiis. Horumarka la xiriira, Maamulka Warbaahinta Isra’iil ayaa shaaca ka qaaday kala qeybsanaan ka dhex jirta kooxda wada xaajoodka Isra’iil oo ku saabsan suurtagalnimada in laga sii hormaro wada xaajoodyada lagu gaarayo heshiis is dhaafsi Maxaabiis iyo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza. Maamulka Warbaahinta ayaa sheegay, iyadoo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah oo aan la magacaabin, iney jirto "kala qeybsanaan ka dhex jirta kooxda wada xaajoodka ee Isra’iil oo ku saabsan suurtagalnimada in horumar laga gaaro wada xaajoodka xitaa haddii heshiis qayb ah la soo jeediyo." Ilaha ayaa tilmaamay in "ay jiraan kala duwanaansho fikradeed oo u dhaxaysa xubnaha kooxda wada xaajoodka ee ku saabsan suurtagalnimada in horumar laga gaaro marxaladda hadda." Maamulka Warbaahintu ma eysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nuxurka khilaafkan, balse waxay tilmaameen in wafdi ka socda Xamaas ey gaareen Qaahira si ey ugala hadlaan hindise cusub oo ey ku jiraan “heshiis dhameystiran” oo lagu sii deynayo 50 Maxbuus oo Xarakadda Xamaas u xiran iyo in hubka laga dhigo. Xamaas ayaan si deg deg ah uga hadlin booqashada wafdigooda Qaahira iyo hindisaha cusub ee Masar ee xabbad-joojinta Gaza. Xamaas ayaa marar badan diiday soo jeedin kasta oo hubka looga dhigayo ama looga baxayo Marinka Gaza, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in wax kasta oo qabanqaabo ah oo ku saabsan mustaqbalka Marinka ey tahay in lagu sameeyo isfaham Falastiin. Qorshahani waxa uu ku bilaabmayaa qabsashada magaalada Gaza, iyada oo dadkeeda oo ku dhaw hal milyan laga barakiciyey koonfurta, ka dibna la hareereeyo magaalada oo ey duulaan ku qaadeen goobo la degan yahay. Tan waxaa xigi doona wejiga labaad, oo ey ku jiraan qabsashada Xeryaha Qaxootiga ee bartamaha Gaza, oo qaybo badan oo ka mid ah ey burburisay Isra’iil. Maamulka warbaahinta ayaa tilmaamay in dhexdhexaadiyeyaasha la filayo iney kordhiyaan cadaadiska Isra’iil iyo Xamaas si ey ugu soo laabtaan miiska wadahadalka maalmaha soo socda. Isniintii shalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabbdul-caadhi, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dalkiisa oo hoggaaminaya dhexdhexaadinta Dooxa iyo Washington, uu dabada ka riixayo "heshiis buuxa iyo heshiis dhammaystiran" oo lagu soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza. Wasiir Cabdul-caadhi waxa uu sheegay in dalkiisa "uusan joojin dadaallada dhexdhexaadinta ah oo uu kala shaqaynayo dhexdhexaadiyeyaasha si loo soo afjaro heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Gaza." Waxa uu intaa ku daray, "Waxaan ku riixeynaa in dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadalka ee Gaza, welina waxaa jirta suurtogalnimada, haddii ujeedadu ey wanaagsan tahay oo ey jirto rabitaan siyaasadeed, in la gaaro heshiis dhammaystiran oo soo afjaraya dagaalka Marinka Gaza.

ISHA-AA.

Previous
Previous

GOBOLKA MEHRAH EE YEMEN OO LAGU QABTAY 40-TAHRIIBE.

Next
Next

KULAN SEDDEX GEESOOD AH OO KA DHACAY DALKA URDUN.