KULAN SEDDEX GEESOOD AH OO KA DHACAY DALKA URDUN.
(SAWIRKA)-SHIRKA URDUN.
(AMMAN)-Dalalka Suuriya,Urdun iyo Maraykanku ayaa kulan ku yeeshay Casimadda dalka Urdun ee Camaan Talaadada maanta ah, kulanka ayaa la isku raacay in la sameeyo koox-shaqaale saddex geesood ah (Suuriya, Urdun, iyo Maraykan) oo ujeeddadoodu tahay in lagu taageero dawladda Suuriya dadaallada ey ku xoojinayso Xabbad-joojinta Gobolka Sweyda iyo soo afjarida xiisadda halkaas ka taagan. Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu yiri: “Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun ayaa maanta martigelisay kulan wadajir ah oo ey yeesheen wadamadda Urdun-Suuriya iyo Maraykanka si looga wadahadlo xaaladda Suuriya iyo siyaabaha lagu taageerayo geeddi-socodka dib-u-dhiska Suuriya oo saldhig u ah dammaanad-qaadka Amnigeeda, Xasilloonida, Madax-bannaanideeda, Midnimadeeda, iyo faragelin la’aanteeda arrimaheeda, buuxinta rabitaanka shacabka walaalaha ah, iyo ilaalinta xuquuqda dhammaan Suuriya”. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Raysall Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Urdun Ayman Safadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya Ascad AL-Shaybaani, Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Suuriya Thomas Bark, iyo wakiillo ka socday Hay’adaha ey khuseyso ee saddexda dal.
SWEYDA WAA QEYB KA MID AH ISKU DHAFKA SURIYA:
Bayaanka ayaa intaa ku daray in kulanka "uu ahaa sii wadida wadahadaladii ey martigelisay Xukumada Urdun Luuliyo 19, 2025, si looga wada hadlo xoojinta xabbad-joojinta Gobolka Sweyda ee Koonfurta Suuriya iyo xallinta dhibaatada halkaas". "Ka qaybgalayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen in Gobolka Sweyda, dhammaan bulshooyinka maxalliga ah, ey tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, iyo in xuquuqda dadkeeda la ilaaliyo lana ilaaliyo habka dib u dhiska Suuriya cusub si loo helo mustaqbal sugan oo dhammaystiran dhammaan muwaadiniinta Gobolka Suuriya, hubinta iney matalaan iyo ka qaybgalka dhismaha mustaqbalka Suuriya" ayaa lagu yiri bayaanka.
TALAABOOYINKA DAWLADDA SURIYA WAA LA SOO DHAWEEYEY:
Sida lagu sheegay bayaanka, “Urdun iyo Maraykanku waxay soo dhaweeyeen tillaabooyinka ey qaaday dawladda Suuriya”, oo ey ka mid yihiin:
- Samaynta baaritaanno buuxa iyo la xisaabtanka dhammaan dambiilayaasha dambiyada iyo xadgudubyada ee Gobolka Sweyda, marka lagu daro rabitaankeeda ah iney la shaqeyso Hay'adaha Qaramada Midoobay oo ey khuseyso oo ey ku lug yeelato baaritaanka dambiyada iyo xadgudubyada la galay.
- Kordhinta qulqulka gargaarka bini'aadantinimo ee dhammaan aagagga Gobolka Sweyda iyo kor u qaadida socodka, oo ey ku jiraan iskaashiga Hay'adaha Qaramada Midoobay oo ey khusayso.
- Xoojinta shaqada Hay'adaha adeegga si loo soo celiyo adeegyadii ey carqaladeeyeen dhacdooyinka Gobolka.
– Bilaabidda hawlaha dhaqancelinta ee meelaha ey saameeyeen dhacdooyinka Gobolka.
– Soo dhawaynta tabarucaadka beesha caalamka ee taageerta dadaalladan iyo dadaalka dawladda Suuriya ee ku aaddan dib u celinta barakacayaasha deegaannadooda.
– Bilaabida habka dib u heshiisiinta bulshada ee Gobolka Sweyda iyo xoojinta nabadda rayidka.
– Iyagoo muujiyey sida ey u soo dhawaynayaan taageerada iyo taakulaynta Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun iyo Maraykanka ee arrintan la xiriirta.
SAAMEYNTA KOOX SHAAQAALE SEDDEX GEESOOD AH:
"Safadi iyo Barrack waxay ku celiyeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka taageerada buuxda iyo garab istaagga Suuriya, Amnigeeda, Xasilloonida, Madax-banaanideeda, Madaxbanaanida dhulkeeda, iyo badbaadada muwaadiniinteeda. Waxa Ey ugu baaqeen beesha caalamka iney la garab istaagto Suuriya dadaalkeeda ku aaddan dib u dhiska aasaaska u dammaanad qaadaya Amnigeeda, Xasilloonideeda, Madaxbannaanideeda, iyo Midnimadeeda, buuxinta rabitaanka shacabkeeda walaalaha ah, lana ilaaliyo xuquuqda dhammaan dadka Suuriyaanka ah” ayaa lagu yiri bayaanka. Waxay ku soo gabagabowday in "Saddexda dhinac ayaa ku heshiiyey iney kulan kale yeeshaan toddobaadyada soo socda si ey u dhammaystiraan doodaha maanta la qabtay, marka lagu daro ka jawaabista codsiga dawladda Suuriya ee ah in la sameeyo koox hawleed saddex geesood ah kana kooban wadamadda (Suuriya, Urdun, iyo Maraykanka) oo looga golleeyahay in lagu taageero dawladda Suuriya dadaalkeeda ku aaddan xoojinta xabbad-joojinta ee Gobolka Sweyda iyo soo afjarida dhibaatada halkaas."
ISHA-SANA.