KOOXDA FALAAGADDA SUUDAAN OO WEERARTAY XERO QAXOOTI.
(SAWIRKA)-DAARFUUR.
(SUDAN)-Wararka laga helaayo dalka Suudaan ayaa sheegaayo in ugu yaraan 40 qof lagu dilay isniinta maanta ah weerar ey Xoogaga Taageerada Deg Dega ah ku qaadeen Xerada Abu Showk taaso ey ku nool yihiin dadka ku Barakacay Gudaha (IDPs) ee duleedka EL Fasher , Darfur, galbeedka Sudan, sida uu sheegay qolka gurmadka ee Xerada Abu Showk. Qolada Gurmadka Deg dega ah bayaan ey soo saareen ayey ku sheegay in 40 qof ey ku dhinteen in ka badan 19 kalena ey ku dhaawacmeen ka dib markii Ciidamada Gargaarka Deg dega ah ey gudaha u galeen Xerada Abu Showk oo ku taalo dhinaca Waqooyi ee Ceel Fasher.
ILAA BISHII MEEY-2024-KII
Waxaa xusid mudan in Bishii April 2024, Ciidamada Taageerada Deg dega ah ey la wareegeen gacan ku haynta Xerada Zamzam oo ey ku nool yihiin Barakacayaasha, taasi oo ku taalla meel u dhow Abu Showk. Tan iyo bishii shanaad ee sannadkii hore, Ciidamada Taageerada Deg dega ah waxay go'doomiyeen Ceel Fasher iyo Xeryaha Qaxootiga ee ku xeeran. Dabadeed, bishii Disembar, ayaa macluusha lagaga dhawaaqay saddex xero oo ey ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow EL Fasher: Zamzam, Abu Shouk, iyo AL Salam, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay. Weerarka ayaa ku qasbay ku dhawaad 400,000 oo qof iney qaxaan, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay, taasoo si wax ku ool ah u faarujisay mid ka mid ah Xerooyinka ugu waa-weyn ee dalka oo ey ku nool yihiin dad barakacayaal ah. Tan iyo markii ciidanka Suudaan ey dib ula wareegeen gacan ku haynta Khartuum bishii Maarso 2025, Ciidamada Taageerada Deg dega ah waxay hawshooda u wareejiyeen dhanka Galbeed, iyagoo diiradda saaraya Darfur iyo Kordofaan. Waxaa xusid mudan in dagaalka ka billowday Suudaan bishii April 2023 uu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca in ka badan 13 milyan oo qof oo ku nool gudaha iyo dibadda dalkaas, iyadoo Qaramada Midoobay ey ku tilmaantay barakacii ugu ballaarnaa ee adduunka ka dhaca sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France Press.
ISHA-AA.