SURIYA IYO ISRA’IIL OO DIB U KULMI DOONO BISHA SOO SOCOTO EE SEBTEMBAR.
(SAWIRKA)XADKA SURIYA IYO ISRA’IIL.
(DAMASCUS)-Ilo-wareedyo sare oo Suuriyaan ah ayaa u sheegay wargeyska The Independent Arabia si gaar ah in Suuriya iyo Israa’iil ey u kala saxiixan doonaan heshiis dhinaca Ammaanka ah oo uu Maraykanku kafaalo qaaday taariikhdu markeey tahay 25-ka September/25-ka. Ilo wareedyada ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Suuriya Ahmad AL-Sharac uu khudbad ka jeedin doono New York ka hor inta aan la saxiixin heshiiska, taasoo qeyb ka ah ka qeyb galka shirarka golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Tel Aviv iyo Dimishiq ma saxiixi doonaan heshiis nabadeed oo dhameystiran mustaqbalka dhow, waxaana heshiiska uu ku koobnaan doonaa oo kaliya Arrimaha Amniga si loo qaboojiyo xiisadda labada dal. Ilaha ayaa Tv-ga AL-Carabiya Arbacadii shalay sheegay in Suuriya iyo Israa'iil ey ku heshiiyeen qiyaastii 80% qodobbada, taas oo muujinaysa in Dimishiq iyo Tel Aviv ey ku heshiiyeen iney sii wadaan wadahadalkooda Amniga ee Baku iyo Paris. Isla ilo wareedyo ayaa sharaxay in qabanqaabada ammaanka ee koonfurta Suuriya ey ku dhowdahay in la dhammaystiro. Wakaalladda Wararka Carabta ee Syria (SANA) ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Ascad AL-Sheybaani uu Talaadadii la kulmay Wafdi ka socday Isra’iil. Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in wada-hadallada diiradda lagu saaray "dejinta xiisadda iyo faragelin la'aanta Arrimaha Gudaha ee Suuriya, gaarista isfaham taageeraya xasilloonida gobolka, iyo la socoshada xabbad-joojinta gobolka Sweyda." Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday dib u howlgelinta heshiiskii 1974-tii ee lagu kala saarayay Israa’iil iyo Suuriya, kaas oo lagu sameeyay aag dhowr ah oo hoos yimaada Qaramada Midoobay ee buuraha Golan. Maalmo ka hor, Madaxweynaha Suuriya, Axmad AL-Sharac ayaa sheegay in dagaalka lagu doonayo in lagu mideeyo dalkiisa sannado badan oo dagaal ah "waa inaan lagu dagaalamin dhiig daata iyo awood ciidan," isagoo diiday qayb kasta oo uu Israa'iil ku eedeeyay iney faragelin ku hayso koonfurta. Intii lagu guda jiray kulan wada hadal ah oo uu la yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Idlib oo ey ka soo qeyb galeen Wasiirro iyo Siyaasiyiin, lagana sii daayay telefishinka Qaranka habeenkii Sabtida, ayuu yiri “Waan ku ridnay taliska dagaalka lagu xoreynayo Suuriya, waxaana weli noo harsan dagaal kale oo lagu mideynayo Suuriya, mana aha in lagu dagaalamo dhiig iyo cudud ciidan. Waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo hab lagu fahmo ka dib sannado badan oo dagaal lagu daalay. "Ma arko wax khatar ah oo ku saabsan kala qaybinta Suuriya," Sharac ayaa sharaxay. "Tani waa wax aan macquul ahayn." Waxa uu sii raaciyay, "Xisbiyada qaar ayaa isku dayaya iney xoog ka helaan awood gobol, haddii ey ahaan lahayd Israa'iil ama mid kale. Tani waa mid aad u adag oo aan la shaqayn karin," isaga oo tixraacaya dalabaadka Druze ee Sweyda qaarkood ee faragelinta Isra’iil.
ISHA-AA.