LUBNAAN OO HUBKA DHIGIS KU SAMEYSAY URUR REER FALASTIIN AH.
(SAWIRKA)-HUBKA FALASTIIN.
(BEIRUT)-Ciidamada Lubnaan ayaa gelinkii dambe ee Khamiista maanta ah gudaha u galay Xerada Qaxootiga ee Burj AL-Barajneh ee duleedka Koonfureed ee Beyrut, waxayna bilaabeen ururinta hubkii ugu horeeyay ee la isoo dhiibay, taasoo qayb ka ah tillaabooyin ey dowladdu ku doonayso iney hubka uga dhigto kooxaha Falastiiniyiinta. Wareejinta hubka ayaa qeyb ka ah hub ka dhigis ballaaran oo daba socota go’aanka dowladda Lubnaan, oo lagu dhawaaqay 5-tii Agoosto, si loo xaddido haysashada hubka oo keliya gobolka. Waxa kale oo uu daba socdaa kulan hore oo dhex maray Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn iyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, oo May 21-keedii lagu qabtay Beyrut. Raysal Wasaare Nawaf Salaam ayaa soo dhoweeyay billowga hannaankan, isagoo sheegay in markii ugu horeysay ee hubka Falastiin lagu wareejiyay ciidamada Lubnaan ey muujineyso tallaabo muhiim ah. Dufcooyin dheeri ah ayaa laga wareejin doonaa toddobaadyada soo socda Burj AL-Barajneh iyo Xerooyinka kale, ayuu raaciyay. Ramez Dimashqyeh, oo ah Madaxa guddiga wadahadalka ee dowladda Lubnaan iyo Falastiin, ayaa ku tilmaamay howlgalka mid "wareejin ku saleysan liisaska ey horay u sii diyaariyeen Ciidanka Lubnaan oo kaashanaya ciidamada Falastiiniyiinta ee ku sugan xerada." Waxa uu u sheegay warbaahinta: “Ciidanka Lubnaan waxa ey diyaariyeen liisaska hubka yaalla xerada, gaar ahaan hubka culculus, hawlgalku waxa uu u dhici doonaa weji, mana dhammaan doono hal maalin.” Dimashqyeh ayaa sheegay in "hubka lagu wareejinayo (ciidamada) aanu ahayn hub cusub oo la soo galiyay xeryaha, balse waxa uu yaalay xerada muddo dheer." Markii hubka la wareejinayay, dhaqdhaqaaqayaasha Xisbullah ayaa baraha bulshada ku faafiyay sheegashooyin sheegaya in hubka iska dhiibay xerada Burj AL-Barajneh "uu lahaa mid ka soo goostay dhaqdhaqaaqa Fatax oo la keenay xerada laba maalmood ka hor." Guutada Injineerinka ee Ciidanka Lubnaan ayaa hubkii baaray ka hor intaysan soo saarin. Ka hor inta aan la wareejin, shaqaalaha ciidamada ayaa u sheegay saxafiyiinta isugu soo baxay albaabka xerada iney ka baxaan aagga. Dimashqyeh ayaa sheegay in hubkan ey gacanta ku dhigi doonaan ciidamada Lubnaan, iyadoo howlgalladan ey ugu dambeyn gaarayaan xeryo kale. Lubnaan waxay martigelisaa 12 Xero Qaxooti oo Falastiiniyiin ah, oo ku baahsan Beyrut iyo agagaarkeeda Koonfureed, Bekaa, Waqooyiga, iyo Koonfurta. Kan ugu weyn waa Ceyn AL-Xilweh, oo ku taal gobolka Siidoon. Waagii hore, Ciidanka Lubnaan waxa ey iska ilaalin jireen iney galaan Xeryaha Falastiin, taas beddelkeeda waxa ey inta badan la macaamilaan guddiyo ey samaysteen hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta. Sarkaal Falastiini ah ayaa ku tilmaamay "fikrado kala duwan" oo ka dhex jira ciidamada Falastiiniyiinta ee ku sugan xerooyinka ku saabsan dhiibista hubka, iyadoo kooxaha xulafada la ah Xizbullah ey ka soo horjeedaan wareejinta. Gasaan Ayuub, oo xubin ka ah hoggaanka Xisbiga Shacabka Falastiiniyiinta ee Lubnaan, ayaa u sheegay warbahinta: "Tani macnaheedu ma aha in dhammaan kooxaha Falastiiniyiintu aanay danaynaynin iney isfaham la gaaraan dawladda Lubnaan. Thomas Barrack, Ergeyga Mareykanka ee Lubnaan iyo Suuriya, ayaa ammaanay wareejinta hubka Falastiiniyiinta habeenimadii Khamiista, isagoo ku tilmaamay "cabbir geesinimo leh iyo tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday midnimada iyo xasilloonida." Habeen hore, Sirdoonka Ciidanka Lubnaan, ayaa hawlgal amni oo lala beegsaday gudaha Hotel Phenicia Intercontinental Hotel ee Beyrut, waxa ey ku xireen Shadi Maxamud Mustafa AL-Far, oo ahaa sarkaalkii hore ee Fatax ee Xerada Burj AL-Barajneh. In kasta oo eysan weli caddayn in hawlgalku uu la xiriiro hubka la soo dhiibay Khamiista, haddana ilo dhinaca ammaanka ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in AL-Far laga eryay Ururka Fatax in ka badan laba bilood ka hor, ka dib markii uu ku xad-gudbay go'aannada Ururka ee dhaqdhaqaaqa. Ilaha ammaanka ee Lubnaan ayaa xaqiijiyay in AL-Far "ey ku daba jiraan dhowr waaran oo Maxkamadeed oo Lubnaan ah." Ilaha siyaasadeed ee Falastiiniyiinta, oo diiday in magaciisa la sheego, ayaa ku tilmaamay wareejinta hubka ee Xerada Burj AL-Barajneh "tallaabo loo qaaday jihada saxda ah." Isha ayaa intaa ku dartay: "Waxaa loo baahan yahay in la burburiyo shabakadaha soo ifbaxay in ka badan 50 sano, isku dhafka hubka iyo ka Ganacsiga Maandooriyaha, iyo ku lug lahaanshaha hawlgallada waa-weyn ee musuqmaasuqa." Wareejinta hubka ee xerada ayaa timid laba maalmood ka dib markii wafdi ka socda guddiga xiriirka Falastiiniyiinta ee dhinaca Lubnaan, oo uu ku jiro Yaasir Cabbaas, ey wada-hadallo ku yeesheen Lubnaan go'aan-qaadayaal, oo ey ku jiraan saraakiil siyaasadeed iyo saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Lubnaan, sida ey sheegtay Falastiin. "Kulanka ugu caansan wafdiga wuxuu ahaa afhayeenka baarlamaanka Lubnaan Nabih Berri, oo ah xulafada Xizbullah, kaas oo ka gorgortamaya magaca Xisbiga iyo dhinaca Mareykanka ee ku saabsan hirgelinta heshiiska xabbad joojinta," ayaa lagu yiri warka.
ISHA-AN.