MASAR OO KA HADASHAY WADA HADALADDA XAMAAS IYO ISRAA’IIL.

(SAWIRKA)-CABDUL-CAADHI.

(CAIRO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar Dr. Badar Cabdul -caadhi ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga faa’ideysto fursada hadda jirta ee ey Xamaas aqbashay soo jeedinta Mareykanka ee ah in loo gudbo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka xaq darada ah ee Israa’iil ey ku hayso Marinka Gaza, kaasoo socday ku dhawaad labo sano. Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga faa’iidaysto xabbad joojinta lixdanka maalmood ah ee la soo jeediyay si looga wada xaajoodo joojinta dagaalka iyo in dhidibbada loo aaso sidii xal waara loogu heli lahaa arrinta Falastiin. Tani waxay ku soo beegantay xilli uu telefoonka kula xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Arbacada maanta ah Steve Witkoff, Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, taasoo qayb ka ahayd xiriirkooda joogtada ah si ey wax uga qabtaan isbeddellada gobolka, gaar ahaan xaaladda masiibada ah ee Marinka Gaza iyo horumarka la xiriira arrinta Nukliyeerka ee Iran. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Tamim Khallaf, ayaa sheegay in Cabdul-caadhiti uu dib u eegis ku sameeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee wada xaajoodyadii xabad joojinta ee Gaza, intii lagu guda jiray baaqa, gaar ahaan ka dib markii Xamaas ey aqbashay soo jeedintii uu horay u soo jeediyay ergayga Mareykanka. Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay jawaabta Isra’iil ee soo jeedinta iyo dhaqan gelinta si wax looga qabto dhibaatooyinka hadda jira, loo ilaaliyo nolosha Maxaabiista, loo yareeyo dhibaatada Falastiiniyiinta ee Gaza, iyo in la hubiyo qulqulka gargaarka ee tiro ku filan si loo daboolo baahiyaha dadka Falastiiniyiinta, kuwaasoo lagu hayo siyaasad nidaamsan oo gaajo ah.

BARNAAMIJKA NUKLIYEERKA IRAAN:

Dhanka barnaamijka Nukliyeerka Iran, Cabdul-caadhi wuxuu ku celiyay mowqifka Masar ee ku baaqaya in xiisadda Bariga Dhexe la dejiyo iyo maqnaanshaha xal militari oo arrintan iyo dhibaatooyinka kale ee gobolka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay xiriirka Masar ee socda si ey ugu soo laabtaan wadada wada xaajoodka, si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasiloonida gobolka iyo caalamka oo la xoojiyay. Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado shaqada wadajirka ah ee u dhaxeysa Masar iyo Mareykanka si loo gaaro amniga, nabadda, iyo xasilloonida Bariga Dhexe, taasoo muujineysa aragtida Madaxweyne Trump ee ku aaddan nabad ku soo dabaalidda gobolka iyo caalamka, lagana shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa tobanaan sano oo colaado ah oo u dhexeeyo Falastiiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

ISHA-ALQAHIRA NEWS.

Previous
Previous

LUBNAAN OO HUBKA DHIGIS KU SAMEYSAY URUR REER FALASTIIN AH.

Next
Next

SUURIYA IYO ISRA’IIL OO HESHIIS KA GAARAY XAALADDA SWEYDA.