SUURIYA IYO ISRA’IIL OO HESHIIS KA GAARAY XAALADDA SWEYDA.
(SAWIRKA)-SWEYDA.
(PARIS)-Ilo wareedyo AL-Carabiya ah ayaa Arbacada maanta ah sheegay in Suuriya iyo Israa'iil ey ku heshiiyeen qiyaastii 80% qodobbada, taasoo muujinaysa in Dimishiq iyo Tel Aviv ey ku heshiiyeen iney sii wadaan wadahadalkooda Amniga ee Baku iyo Paris. Isla ilo wareedyo ayaa sharaxay in qabanqaabada ammaanka ee Koonfurta Suuriya ey ku dhowdahay in la dhammaystiro. Waxa ey sidoo kale xustay in ergayga Mareykanka Tom Barrack uu ka codsaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya Ascad AL-Sheybani in uu u caddeeyo muuqaallada muujinaya xadgudubyada ka dhanka ah Druze ee Sweyda. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in hoggaamiyaha ruuxiga ah ee beesha Druze ee Israa’iil , Muwaffaq Tarif, uu ugu baaqay hoggaamiyaha caanka ah ee Druze ee Suuriya, Xikmat AL-Hijri, inuu ka shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa Dimishiq.
KULAN KA DHACAY PARIS:
Arrintan ayaa timid ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, Ascad AL-Sheybani uu magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska kula kulmay wafdi ka socday Israa’iil, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Koonfurta Suuriya iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida Gobolka. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in la xoojiyo dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda, lagana fogaado faragelinta Arrimaha Gudaha ee Suuriya. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la taageero isfahamka ka qayb qaadanaya xasilinta xaaladda iyo la socodka xabbad joojinta ee Gobolka AL-Suwayda. Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in dib loo hawlgeliyo heshiiskii 1974kii ee ku saabsanaa kala qaadista ciidamada. Wadahadalladan ayaa loo maray dhexdhexaadin Maraykan ah, taasoo qayb ka ah dadaallada diblumaasiyadeed ee loogu talagalay ilaalinta Amniga iyo xasilloonida Suuriya iyo ilaalinta Madaxbannaanida dhulkeeda, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Suuriya ee SANA. 13-kii Luulyo, Sweyda waxa ey goob joog ka ahayd iska hor imaad toddobaad socday oo u dhaxeeyay dagaalyahanada Druze iyo qabiilada Bedwiyiin. Ciidamada Ammaanka Dowladda Suuriya ayaa soo kala dhexgalay labada dhinac, si ey u hakiyaan dagaalka. Marka loo eego qiyaasaha Qaramada Midoobay, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa ku barakacay colaadda. Laakiin tan iyo 19-kii Luulyo, gobolka ayaa goob joog ka ahaa xabbad-joojin. Maalmo ka hor, Madaxweynaha Suuriya, Axmad AL-Sharac, wuxuu carrabka ku adkeeyay midnimada dhulka Suuriya, isagoo xusay in "dhinacyada qaarkood ey taageero ka raadinayaan Israa'iil, laakiin ma awoodi doonaan iney gaaraan hadafkooda," isaga oo tixraacaya qaar ka mid ah baaqyo ey soo saareen Hogaamiyeyaasha Druze ee Sweyda.
ISHA-AA.