(YEMEN):-WIIL 11-JIR AH OO HOOYADIIS KU DILAY DEGMADA AL-DHAALAC.
(SAWIRKA)-QORIGA AK47.
(YEMEN)-Hooyo u dhalatay dalka Yemen ayaa lagu dilay rasaas uu ku furay canug ey iyada dhashay, shilkan ayaa ka dhacay Gobolka Dhaalac ee Koonfurta dalka Yeman. Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in haweeney da’deeda lagu qiyaasay 30 jir uu wiilkeeda oo 11 jir ah ku dilay rasaas kasoo dhacda AK47. Xarunta Warbaahinta Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in haweeney 35 jir ah la dilay ka dib markii lagu toogtay dhacdo la xiriirta hub oo ka dhacday Gobolka AL-Dhaalec. Xaruntu waxa ey ka soo xigatay booliiska in mid ka mid ah wiilasha dhibbanaha ah oo 11 jir ah uu ku ciyaarayay Qoriga is-difaaca ah, ka dib markii rasaas lagu furay, ey hooyadii caloosha kaga dhacday, taas oo sababtay in isla markiiba u geeriyooto. Booliisku waxa ey intaa ku dareen in dhacdooyinkan oo kale ey inta badan soo noqnoqdaan sababo la xiriira dayacaad iyo in hubka laga tago meel ey carruurtu gaari karaan, taasoo inta badan keenta in la dhibaateeyo caruurta ama xubin qoyska ka tirsan. Natiijadii fowdadii amni iyo hubkii oo batay oo ey ku jiraan colaado soo jiitamayay in ka badan 10 sano, waxaa gobollada kala duwan ee dalka Yemen ka dhacay dhacdooyin la mid ah sannadihii u dambeeyay, kuwaas oo galaaftay tobaneeyo qof.
ISHA-AA.