XUUTIYIINTA YEMAN OO ISRA’IIL KU WEERARAY GENTAALLO.

(SAWIRKA)-GENTAAL.

(TEL AVIV)-Wararka ka imaanaayo Isra’iil ayaa sheegaayo in Ciidmadda Isra’iil ey sheegeen maanta oo Jimca ah iney ogaadeen inuu jiro Gentaal laga soo riday dalka Yeman,ka dib markii ey wada dhawaaqeen dhammaan qalbkii loogu talagalay sheegitaanka Gentaaladda soo gala hawada Isra’iil,waxaane dhawaqaasi laga maqlay meelo kala duwan,waxaane habka difaaca gentaaladda ee Isra’iil ey isku dayeen iney ka hortagaan. Bayaan ey soo saareen ciidmadda Isra’iil ayaa lagu sheegay “Ka dib digniino la sheegay in wax yar ka hor laga sameeyey degaano dhawr ah oo ku yaalo Isra’iil ayaa ahaa Gentaalo laga soo riday dalka Yeman”. Ciidamadda Isra’iil ayaa sheegay “Isku dayo ka hortag ah in la sameeyey natiijadana la baaraayo”,ciidamada ayaa intaas raaciyey “In la helay warbixino ku saabsan dhawr firir oo gentaalka ah iney ku soo dhaceen meelo ka mid ah bartamaha Isra’iil”,duqeymaha ayaa sabab u noqday in dhawaqa Gentaalada hawada laga maqlo meelo badan oo Isra’iil ah oo ey ku jirto caasimadda Tel Aviv. Dhinaca kale,Kanaalka 12-aad ee Isra’iil ayaa sheegay in masuuliyiinta ey xireen hawada garoonka Ben Gurior ee u dhaw caasimadda Tel Aviv ka dib markii la ogaaday inuu jiro Gentaal laga soo riday dalka Yeman. Adeega Ambalaask Isra’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tiro aan la cayimin oo da ah uu soo gaareen dhaawacyo fudud kuwaaso ka dhashay shilal dhacay xilli ey ku sii jeedeen godadkooda ey ka galaan Gentaaladda Yeman. Arrintaan ayaa ku soo beegantay saacado uun ka dib markii ciidamadda Isra’iil ey ku dhawaaqeen iney qabteen diyaarad aan duuliya leheyn lagana soo duuliyey dalka Yemen,taaso kicisay firimbiga hawada ee degaanadda ku dhegan Marinka Gaza. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa weeraro joogta ah ku qaado Isra’iil iyagoo adeegsanaay Gentaallo iyo diyaaradah aan duuliyaha lahayn, waxa eyna ku bartilmaamedsadaan Maraakiibta ey aaminsan yihiin iney ku sii jeedaan amaba iney ku xiran yihiin Israa’iil. Isra’iil ayaa jawaab ka bixisay weerarada Xuutiyiinta waxa eyna duqeeymo ka geysatay dhulka ey ka taliyaan Xuutiyiinta Yeman.

ISHA-AA.

Previous
Previous

(SURIYA):-QARAX KA DHACAY BAR KOONTAROOL EY ASKARI KU DHIMATAY.

Next
Next

(YEMEN):-WIIL 11-JIR AH OO HOOYADIIS KU DILAY DEGMADA AL-DHAALAC.