(SURIYA):-QARAX KA DHACAY BAR KOONTAROOL EY ASKARI KU DHIMATAY.

(SAWIRKA)-BOOLISKA SURIYA.

(ISTANBUL)- Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in Xubin ka tirsan ammaanka Suuriya lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo kooxda Argagixisada ah ee Daacish (ISIS) ey ku qaadeen bar koontarool oo ku taal Bariga Gobolka Deer Ez-Zoor Jimcaha maanta ah, sida ey sheegtay wakaaladda Wararka u faafisa dalka Suriya ee SANA. "Weerar ismiidaamin ah oo ey fuliyeen kooxda Argagixisada ah ee Daacish(ISIS) ayaa lagu beegsaday koontaroolka Siyaasiyeh ee magaalada Mayadiin," ayaa lagu yiri qoraalka wakaalada wararka. "Shaqsiyaadka ku sugnaa koontaroolka ayey u suurtagashay iney dilaan mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, halka midka labaadna uu is qarxiyay," ayey raacisay hadalkeeda. Ka dib, Wakaalada Wararka ayaa sheegtay in askari ka tirsan ciidamada Nabadsugidda Gudaha sidoo kale lagu dilay weerarka. Dowladda Suuriya ayaa tan iyo markii la afgambiyay nidaamka Bashaar AL-Asad 8-dii December 2024-kii, ka dib 24-sano oo ey dalka ka talinaysay, waxa ey sii xoojisay dadaallada lagu sugayo ammaanka.

ISHA-AA.

Previous
Previous

XARUNTA UN-KA EE TRIPOLI OO GENTAALO LAGU WEERARAY MAANTA.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO ISRA’IIL KU WEERARAY GENTAALLO.