XARUNTA UN-KA EE TRIPOLI OO GENTAALO LAGU WEERARAY MAANTA.

(SAWIRKA)GAARI UN-KA LEEYAHAY.

(TRIPOLI)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee Liibiya ayaa sheegtay goor hore oo Jimce ah in ey fashilisay weerar gantaal oo lagu qaaday xarunta dhexe ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee magaalada caasimadda ah ee Tripoli. "isku day lagu doonayey in lagu beegsado Xarunta dhexe ee Howlgalka Qaramada Midoobay gantaal SPG ah waa la fashiliyay," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda. Guri ku yaalla degmada Jannuur ayaa lagu weeraray balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay. Maamulka ayaa sheegay in Gaari Toyota Camry ah oo siday labo gantaal oo dheeraad ah iyo qalab kale oo loo adeegsaday weerarka la qabtay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyay weerarka. Wasaaraddu waxay wacad ku martay "in aan loo dulqaadan doonin dambiilayaasha iyo kuwa sharci-darrada ah," iyadoo ku nuuxnuuxsatay sida ey uga go'an tahay xaqiijinta Ergada Caalamiga ah iyo Safaaradaha. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda Liibiya (UNSMIL) ayaa shirkadda baraha bulshada ee Mareykanka ee X ku xaqiijisay in gantaal lagu soo riday meel u dhow xarunteeda xilli ey warbixin siineysay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Hanna Tetteh Golaha Ammaanka, balse waxay sheegtay in wax khasaare ah uusan dhicin. Intii ey ku guda jirtay warbixinteeda, Tetteh waxa ey soo bandhigtay khariidad looga gol leeyahay in lagu soo dhiso dowlad mideysan Liibiya ka dib doorashooyinkii dowladaha hoose ee dhawaa, kuwaas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka maxalliga ah iyo soo afjarida xilliga KMG ah ee daba dheeraaday ee dalka. Liibiya waxay weli u kala qaybsan tahay laba maamul oo iska soo horjeeda: Dawladda Midnimada Qaran ee fadhigeedu yahay Tripoli ee uu hoggaamiyo Abdul Xamid Dbeybah, oo ka talisa galbeedka, iyo mid kale oo uu magacaabay Golaha Wakiillada 2022, oo uu hoggaamiyo Cusaama Xammad oo fadhigeedu yahay Bengaazi, oo maamusha bariga iyo inta badan koonfurta. Labada hogaamiye waxay soo dhaweeyeen khariidadda roadmap-ka, iyadoo Xammad uu soo saaray bayaan taageero ah, Dbeybahna wuxuu ku tilmaamay "tallaabo loo qaaday jihada saxda ah."

ISHA-ANADOLU.

Previous
Previous

MADAXWEYNAHA LUBNAAN OO KA HADLAY CIIDAMADA QM EE UNIFIL.

Next
Next

(SURIYA):-QARAX KA DHACAY BAR KOONTAROOL EY ASKARI KU DHIMATAY.