MADAXWEYNAHA LUBNAAN OO KA HADLAY CIIDAMADA QM EE UNIFIL.
(SAWIRKA)-MW-JOSEPH CAWN.
(BEIRUT)-Intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay haweeneyda Congress-ka Mareykanka ah Darine Lahoud, Madaxweynaha dalka Lubnaan Joseph Cawn wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimada ey leedahay in la kordhiyo joogitaanka ciidamada UNIFIL ee Koonfurta ilaa inta laga fulinaayo Qaraarka tirsigiisu yahay 1701, kaaso dhammaystiran,waxaane ku jira ka bixitaanka Isra’iil ee dhulalka ey wali heysato, soo celinta Maxaabiista, iyo dhameystirka ciidamada Lubnaan ee la aqoonsan yahay in la geeyo xadka la aqoonsan yahay. Madaxweyne Cawn waxa uu carabka ku adkeeyay in Lubnaan ey sugayso jawaabta Isra’iil ee soo jeedinta uu soo bandhigay Ergayga Maraykanka Thomas Barrack iyo Ergaygii hore ee Morgan Ortagus, isaga oo carabka ku adkeeyay in Lubnaan aan si rasmi ah loogu wargelin mid ka mid ah warbixinnada warbaahinta ee la xiriira damaca Israa'iil ee ah iney aag ka caaggan ka samaysato koonfurta. Iyadoo howlgalka UNIFIL ee koonfurta Lubnaan uu ku egyahay dhamaadka bishaan, Madaxweyne Cawn ayaa carabka ku adkeeyay sida ey uga go’an tahay Lubnaan sii joogitaanka ciidamada Qaramada Midoobay ee Koonfurta. Intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay Taliyaha UNIFIL Maj.General Diodato Abagnara dhowr maalmood ka hor, Cawn xaqiijiyay iney Lubnaan ka go'an tahay sidii ey u sii joogi lahaayeen ciidamada caalamiga ah ee koonfurta muddada lagama maarmaanka ah si loo fuliyo Qaraarka 1701 in dhammaan qodobbada ey iyo in la dhamaystiro daabulida Ciidanka Lubnaan ilaa xadka caalamiga ah. Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay iskaashiga u dhexeeya ciidanka, UNIFIL, iyo dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka koonfurta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan Talaadadii. Mawqifkan ayaa yimid iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka dooday qaraar qabyo ah oo Faransiisku u soo gudbiyay si loogu kordhiyo muddada ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan koonfurta Lubnaan (UNIFIL) muddo hal sano ah, si loogu diyaargaroobo ka bixitaanka si tartiib tartiib ah. Halka Israa'iil iyo Maraykanku ey ka soo horjeedaan in la kordhiyo muddada ciidankan, kuwaasoo la geeyay koonfurta xadka Israa'iil iyo Lubnaan tan iyo 1978-dii. 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa iney u codeeyaan Qaraarka qabyada ah 25-ka Agoosto, ka hor inta uusan ku ekaan waqtiga UNIFIL dhamaadka bishan. Horaantii bishaan, dowladda Lubnaan ayaa ogolaatay in laga qaado hubka Ururka Xizbullah iyo in la geliyo gacanta dowladda. Tani waxay sidoo kale ku jirtaa qaraarka 1701, kaasoo la ansixiyay ka dib dagaalkii 2006 ee Isra’iil iyo Xizbollah. Qaraarka Qaramada Midoobay ee xilligaas ayaa sidoo kale qeexaya ka bixitaanka Xisbullah ee Koonfurta Wabiga AL-Leydhaani iyo soo afjarida joogitaanka hubeysan ee koonfurta dalka.
XIGASHO-AL-CARABIYA.