KU DHAWAAD 600-KIILO OO KOOKAAYIIN AH AYAA LAGU QABTAY DEKEDDA CADAN.
(SAWIRKA)-MAANDOORIYAHA KOOKAAYIINKA OO LAGU QABTAY DEKEDDA CADAN/YEMEN.
(ADEN/YEMEN)-Ciidamada la dagaalanka Argigixisada ee Golaha Ku Meel Gaarka ah ee Koonfurta dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday iney fashiliyeen isku day lagu doonayay in lagu soo geliyo Yemen shixnad badan oo ah Maandooriyaha KOKAAYIIN taasoo miisaankeedu dhan yahay (599)-Kg, shixnada ayaa ku sii jeeday deegaanada ey gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta. Xarunta warbaahinta ee Adeegga La-dagaalanka Argagaxisada ayaa sharaxaad ka bixisay in shixnaddan si adag loogu dhex Qariyay bacaha Sonkorta ee bakhaarka Ganacsatada ee magaalada Cadan, ka dib markii ey ka soo degtay dekedda Cadan. Waxa uu tilmaamay in howlgalkan ey fuliyeen ka dib markii ey heleen warbixin sirdoon oo dhacday gelinkii dambe ee Khamiista 21-kii Agoosto 2025, taasoo muujineysa in shixnad laga shakiyay ku dhex jirtay konteenar sonkor ah. Xaruntu waxay soo xigatay S/Gaas. Shalal Cali Shayac, oo ah Madaxa la dagaalanka Argagixisada, isagoo sheegay in baaritaano horudhac ah oo la sameeyay lagu ogaaday xiriirka shixnad la leh shabakadaha mukhalasiinta caalamiga ah ee la shaqeeya maleeshiyada Xuutiyiinta iyo kuwa shisheeye ee taageera. Wuxuu carabka ku adkeeyay in ka Ganacsiga Maandooriyaha uu yahay isha ugu weyn ee dhaqaalaha laga helo Ururada Argagixisada ah ee Yemen. Shayac waxa uu intaa ku daray in Hay’addu ey hore gacanta ugu dhigtay laba shixnad oo isku mid ah oo ka soo degay Dekedda Cadan,iyagoo ku kala taariikheysan 26-kii October 2020 iyo December-2021-kii,waxa uuna xusay hawlgalkaan ugu dambeeyey inuu yahay midkii seddexaad ee nuuciisa ah.
XIGASHO-Q28.