ISRA’IIL OO WEERAR XOOGAN OO DHINACA CIRKA AH KU QAADAY CAASIMADDA YEMEN.
(SAWIRKA)-XARUNTA CAASIMADDA SANCA.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimada Jamhuuriyadda Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ey maanta oo Axad ah duqeymo xooggan ka geysteen magaaladda caasimadda ah ee Sanca,taasoo ey gacanta ku hayaan kooxda Xuutiyiinta oo ey Iraan taageerto. Sida laga soo xigtay ilo maxalli ah iyo warbaahinta, weeraradan ayaa lala beegsaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla Koonfurta Sanca, marka laga darro Xarumaha Shidaalka, Gaaska iyo Korontada. Dhanka kale, Channel 14-ka Isra’iil ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday goob ciidan oo ku dhex taal Xarunta Madaxtooyada, Bakhaaro Shidaal, iyo labo Xarumo oo Korontada dhalliya, waxaana la xaqiijiyay in diyaaradaha ka qeyb qaadanaayey ey isaga baxeen hawada Yemen iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah oo dhinaca Xuutiyiinta ah, ka dib markii ey fuliyeen in ka badan 50 weerar,iyagoo soo jaray masaafo dhinaca hawada ah oo dhan ilaa 2-kun kiiloomitir. Ilo deegaanka ah iyo dad goob joogayaal ah ayaa ku soo waramaya in duqeymaha diyaaraduhu ey ku dhaceen Xarunta Shirkada Shidaalka ee Wadada 60-aad, Xarunta Korontada dhalllisa ee Xizyaaz iyo Shirkada Gaaska ee ku taal Xaafada Aljeeriya. Waxay xuseen in la arkayay holac iyo qaraxyo ka kacayay goobahaas. Weeraradan ayaa sidoo kale lala beegsaday deegaanka buuraleyda AL-Nahdayn oo ku dhagan Madaxtooyada ee degmada AL-Sabciin. Maxamed AL-Faarax oo xubin ka ah Xafiiska Siyaasadda ee maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa ku tilmaamay duqeymaha iney yihiin duullaanka “Gardarada Sahyuuniyadda ee lala beegsaday Xarumaha rayidka”. Warbaahinta Isra’iil ayaa ku warantay in Raysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Difaaca, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ey kormeer ku tageen Xarunta Wasaaradda ee Tel Aviv, halka Idaacada Ciidamada ey sheegtay in 14 diyaaradood ey ka qayb qaateen weerarkaasi. Duulaankan ey Israa’iil ku qaaday magaalada Sanca maanta oo Axad ah ayaa ah mid sii kordhinaysa weeraradii hore oo ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, kuwaasoo lala beegsaday goobo ciidan iyo xarumaha muhiimka ah ey leeyihiin Xuutiyiinta. Arintaan ayaa timid ka dib markii maleeshiyaatka Xuutiyiinta ey ku dhawaaqeen in ay soo rideen gantaal “madaxyo badan” oo ka dhan ah maamulka Isra’iil.
XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.