XOGAHAYAH GUUD EE URURKA JAAMICADDA CARABTA OO SOO DHAWEEYEY….
(SAWIRKA)-AXMED ABUUL GAYT.
(CAIRO)-Wararka laga helaayo Xarunta Ururka Jaamicadda Carabta ee magaaladda Qaahira ayaa sheegaayo in Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abuul Geyet, uu soo dhaweeyay qorshaha siyaasadda oo ey soo bandhigtay Ms. Hanna Tetteh, Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya, intii lagu guda jiray warbixintii Golaha Ammaanka ee dhacday 21/8/2025-ka. Khariidaddan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu gogol xaaro midaynta hay'adaha Liibiya iyo qabashada doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha sharci-dejinta. Jamal Rushdi, oo ah afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta, ayaa sharaxay in Abuul Geyt uu xaqiijiyay taageerada dadaalka Qaramada Midoobay ee lagu soo afjarayo kala qaybsanaanta iyo soo celinta xasiloonida Liibiya, isagoo xusay in qorshaha la soo jeediyay uu ka dhigan yahay fursad dhab ah oo ey tahay in dhammaan dhinacyada ey ka faa'iidaystaan si loo gaaro xal siyaasadeed oo dhamaystiran. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay in howlgalka Qaramada Midoobay uu sii wado isku xirka dhinacyada Liibiya iyo saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo bixiyo taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo ee lagama maarmaanka ah si loo fuliyo qodobbada qorshaha, isagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in geeddi-socodka siyaasadda uu noqdo mid gebi ahaanba Liibiya ah oo ey maamusho Liibiya. Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta ayaa ku celiyay sida ey Jaamacadda Carabta uga go’an tahay mas’uuliyadda ka saaran taageeridda Liibiyaanka wada-hadallada iyo dib u bilaabista hanaanka Siyaasadeed si loo ilaaliyo Midnimada, Madabanaanida iyo Madax banaanida Liibiya.
XIGASHO-EL-QAHIRA.