MADAXWEYNAHA IMAARAATKA CARABTA OO GAARAY DALKA ANGOOLA.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA IMAARAATKA CARABTA OO GAARAY ANGOLA.

(ANGOLA)-Madaxweynaha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxammed bin Zayid AL-Nahyan ayaa maanta oo Axad ah booqasho ku tagay dalka Jamhuuriyadda Angola. Sheikh Maxamed bin Zayid waxaa ku wehlinaya booqashada wafdi uu ka mid yahay S/Guuto.Sheikh Sayf bin Zayid AL-Nahyan, Raysal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sheikh Xamdan bin Maxamed bin Zayid AL-Nahyan, Ku Xigeenka Madaxa Diwaaan hayaha Madaxweynaha ee arrimaha gaarka ah, Sheikh Maxammed bin Xamad bin Dhaxnoon AL-Nahyan La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda, Cali bin Xammad AL-Shaamisi, Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka, Cabdul Rahman bin Maxammed AL-Aweys Wasiirka Caafimaadka iyo Ka hortagga, Mudane Suhayl bin Maxammed AL-Mazruuci, Wasiirka Tamarta iyo Kaabayaasha, Dr. Axmad bin Cabdullah Bilhowli AL-Falasi, Wasiirka Isboortiga, Dr. Taani bin Axmed AL Zeyuudi, Wasiirka Ganacsiga Dibadda, Cabdullah bin Dhooq AL-Marri, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Dalxiiska, Sheekh Salem bin Khalid AL-Qasimi, Wasiirka Dhaqanka, Maxammed bin Xasan AL Suwaydi, Wasiirka Maalgashiga, Dr. Amna bint Cabdullah AL-Daxaak AL-Shamisi, Wasiirka Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka, Sheekh Shakhbuut bin Nahyan AL-Nahyan, Wasiiru Dowlaha, Faysal Cabdul Caziz AL-Bannay, La-taliyaha Madaxweynaha Gobolka ee Cilmi-baarista Istiraatijiyadeed iyo Farsamada Sare, Dr. Ahmed Mubarak AL Mazruuci, Guddoomiyaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Istiraatiijiyada iyo Guddoomiyaha Xafiiska Fulinta Abu Dhabi, Khalid Maxammed Balcami, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Imaaraadka iyo Xumayd Cubayd Abu Shabsi, Guddoomiyaha Golaha Fulinta Abu Dhabi. Xisaabaadka Imaaraadka, Salem Cali Khamis AL Shamsi, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Angola, iyo tiro ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Imaaraadka Carabta.

XIGASHO-SKY NEWS.

Previous
Previous

SEDDEX GABDHOOD OO SUUDANIYIIN AH OO KU GEERIYOODAY HAL DOON OO TAHRIIB AH.

Next
Next

XOGAHAYAH GUUD EE URURKA JAAMICADDA CARABTA OO SOO DHAWEEYEY….