SEDDEX GABDHOOD OO SUUDANIYIIN AH OO KU GEERIYOODAY HAL DOON OO TAHRIIB AH.
(SAWIRKA)-DOON SIDAY TAHRIIB.
(BARCELONA)-Seddex gabdhood oo da’ayar walaalana ah ayaa dhintay ka dib markii doon ciriiri ah oo caag ah oo buux dhaafisan ey ku gadoontay markii ey kacday badda cimiladoo xun, xilli ey isku dayayeen iney ka gudbaan badda Mediterranean-ka una gudbaan Talyaaniga, sida ey sheegtay Hay'ad samafal oo Jarmal ah Axada maanta ah. Gabdhaha walaalaha ah ee ka soo jeeda dalka Sudan oo ey da’doodu kala ahayd 9-jir,11-jir iyo 17-jir ayaa ah dhibanayaashii ugu dambeeyay ee la og yahay ee ku waxyeeloobay tahriibka badda Mediterranean-ka taasoo galaaftay nolosha in ka badan 30,000 oo qof tan iyo markii Ururka caalamiga ah ee socdaalka bilaabay tirinta sannadkii 2014. Mutadawiciin ka tirsan kooxda Jarmalka ah ee la yiraahdo RESQSHIP ayaa soo helay meydadka gabdhaha ka dib markii ey soo badbaadiyeen ilaa 65-qof oo ka badbaaday doon aan wacnayn in mudda ahne ku jirtay biyaha caalamiga ah ee waqooyiga dalka Liibiya habeenkii Jimcaha ilaa Sabtidii shalay, qofka afraad ayaa la sheegay in lagu la’yahay biyaha badda. Gabdhaha geeriyooday Hooyadood iyo walaalkood ayaa ka mid ahaa dadkii badbaaday ee la keenay xeebta Jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga goor dambe oo Sabtidii shalay ahayd, sida ey kooxdu sheegtay. Doonta caagga cagaaran ayaa ka ambabaxday magaalada Zuwara ee Galbeedka Liibiya horraantii Jimcaha. "Doonta runtii aad bay u buux dhaaftay, qaybna way baabba'day," Barbara Satore, oo ka mid ah samatabbixiyeyaasha, ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press. "Runtii waxay ahayd habeen mugdi ah oo mawjado ah oo 1.5 mitir leh, doontu waxay ku socotay biyo saacado." Satore ayaa sheegay iney heleen ka dib digniin ka timid Shabakadda Alarm Phone, oo ka hela taleefoonnada doonyaha muhaajiriinta ah ee dhibaataysan. Kaliya ka dib markii samatabbixiyeyaashu ey daad gureeyeen qiyaastii saddex meelood labo meel dadkii doonta saarnaa ayaa meydadka waxaa soo baxay iyagoo dul sabeynaya barkad biyo ah iyo shidaal ku yaal gunta hoose ee doonta. "Waxaan maqlay qof dumar ah oo qaylinaysa iyo nin tilmaamaya biyaha," Satore ayaa yiri. Mugdiga iyo xaaladaha cimilada ayaa badbaadada ka dhigay mid aad khatar u ah, ayey raacisay. "Kooxda caafimaadku waxay isku dayeen iney dib u soo nooleeyaan laakiin waxay ku jireen biyaha hoostooda muddo dheer." Hooyadu way naxday oo waxay ag fadhiisatay hadhaagii gabdhaheeda oo saarnaa markabka badbaadada, Satore ayaa yiri. Qaraabada ayaa shaqaalihii diyaarada ka codsaday go’yaal cadcad oo ey ku duubeen meydadka. Dadka kale ee la badbaadiyay waxaa ka mid ah Haween Uur leh iyo caruur badan, ayuu yiri Satore. Afar ka mid ah ayaa u baahday daad gurayn caafimaad oo deg deg ah waxaana lagu wareejiyay markab ilaalada xeebaha Talyaaniga oo ey weheliyaan xubnaha qoyskooda. Badbaadayaashu waxay ka yimaadeen dalalka Suudaan laakiin sidoo kale Mali, Ivory Coast, Ethiopia iyo Eritrea ayey raacisay. Dhinaca kale, koox kale oo bad-baadinta Mediterranean-ka ayaa sheegtay iney badbaadiyeen in ka badan 50 qof oo la socday hal doon oo tahriibayaal ah balse ey ku guuldareysteen iney gaaraan dooni labaad oo ciriiri ah ka dib markii ey qabteen ilaalada xeebaha Liibiya. "Waxa loogu yeero Ilaalada Xeebaha Liibiya iyo jilayaasha xiriirka la leh waxaa lagu eedeeyay Hawlgalka Xaqiiqo Raadinta ee Qaramada Midoobay oo madax-banaan xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee Liibiya," SOS Humanity NGO ayaa lagu yiri bayaan. "Ku qasbida dadka magangalyada u raadsada waddan ay la kulmaan jirdil iyo tacaddi waa xadgudub sharciga caalamiga ah."
XIGASHO-AN.