Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QM OO SHEEGTAY IN ISRA’IIL EY DISHAY 1,760-REER FALASTIIN OO HUNGURI DOON AH.

(SAWIRKA)SHACABKA REER FALASTIIN.

(QUDS)-Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in ugu yaraan 1,760 Falastiiniyiin ah lagu dilay iyaga oo gargaar u doonanaya Gaza ilaa dabayaaqadii bishii Meey, taasoo kor u kacday dhowr boqol tan iyo markii ugu dambeysay ee la daabacay bilowgii Agoosto. "Laga soo bilaabo 27-kii Meey, ilaa laga gaaray 13kii Agoosto, waxaan diiwaan geliyey ugu yaraan ilaa 1,760 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay iyagoo gargaar raadinayey, 994 ka mid ah ayaa lagu dilay agagaarka goobaha GHF (Gaza Humanitarian Foundation) iyo 766-kalane waxaa lagu dilay iyagoo ku teedsan waddooyinka kolonyada saadka. Taasi waxay la barbar dhigay tirada ah 1,373 oo la dilay sida xafiisku uu sheegay Agoosto kowdeedii. Cusboonaysiinta ayaa timid iyadoo Wakaaladda Difaaca madaniga ah ee Gaza ey sheegtay in ugu yaraan 38 qof ey ku dhinteen weerarada Isra’iil ee dhacay Jimcaha maanta ah, oo ey ku jiraan 12-qofood kuwaasoo sugayay gargaar bini'aadantinimo. Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ey ka shaqaynayaan sidii ey u "kala furfuri lahaayeen awoodaha militari ee Xamaas," isaga oo intaa ku daray in ciidamadoodu ey qaadayaan taxadar "si ey u yareeyaan waxyeelada rayidka." Xayiraadaha warbaahinta ee Gaza iyo dhibaatooyinka gelitaanka dhulalka la haysto ayaa la macno ah AFP iney awoodi waysay iney si Madaxbanaan u xaqiijiso lacagaha iyo faahfaahinta ey bixiyeen Wakaalada Difaaca Madaniga ah iyo millatariga Isra’iil. Arbacadii, Madaxa Guud ee militariga Israa’iil ayaa sheegay in la ansixiyay qorsheyaasha duulaanka cusub ee Gaza, kaasoo looga gol leeyahay in lagu jabiyo Xamaas laguna sii daayo dhammaan la haystayaasha harsan. Milatarigu waxa uu damacsan yahay inuu la wareego magaalada Gaza iyo Xeryaha Qaxoontiga ee ku dhow oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan dhulkaasoo ey burburiyeen dagaallo socday in ka badan 22 bilood. Maalmihii la soo dhaafay, dadka magaalada Gaza ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP duqeymo isdaba joog ah oo dhanka cirka ah oo lala beegsanayo meelaha la deggan yahay, halka horaantii isbuucaan Xamaas ey cambaareysay duulaanka dhulka Isra’iil ee aagga. Jimcaha maanta ah,militariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ey howlgallo kala duwan ka wadeen duleedka magaalada. Qorshaha dowladda Isra’iil ey ku dooneyso iney ku ballaariso dagaalka ayaa dhaliyay qeylo dhaan caalami ah iyo sidoo kale mucaarado gudaha ah. Khubarada ey Qaramada Midoobay taageerto ayaa ka digay macaluul baahsan oo ka jirta dhulkaas, halkaasoo Israa’iil ey si weyn u yaraysay tirada gargaarka bini'aadantinimo oo ey u ogolaatay. Weerarkii Xamaas ee Oktoobar 2023 kaasoo dhaliyay dagaalka ayaa sababay dhimashada 1,219 qof, sida lagu sheegay warbixin ey AFP soo saartay oo ku salaysan tirooyin rasmi ah. Duulaanka Isra’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 61,827 Falastiiniyiin ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ey maamusho Gaza oo Qaramada Midoobay ey u aragto iney tahay mid la isku halayn karo.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAANKA XIZBULLAH OO KA HORYIMID QORSHAHA DAWLADDA LUBNAAN.

(SAWIRKA)-HOGAMIYAHA XIZBULLAH .

(BEIRUT)-Madaxa Ururka Xisbullah Naciim Qaasim ayaa ku eedeeyay dowladda Lubnaan Jimcaha maanta ah iney "Dalka Lubnaan u gacan gelisay" Israa'iil oo ey dabada ka riixayso in kooxda Xizbullah hub ka dhigis lagu sameeyo, isagoo uga digay iney u dagaallami doonto iney hubkooda sii haysataan. Qaasim ayaa jeediyay qudbad laga sii daayay Telefishinka ka dib markii uu la kulmay Madaxa ugu Sareeyo dhinaca Amniga ee dalka Iran,kaasoo wadankiisu uu taageero kooxda xagjirka ah ee Xizbullah ee dalka Lubnaan muddo tobanaan sano ah. Xizbollah ayaa si xun uga soo baxday dagaalkii sanadkii hore ey la gashay Israa'iil, waxaana dowladda ey ku dadaaleysaa in hubka laga dhigo dhamaadka sanadka. Ururka Xisbullah ayaa si xun uga soo shaac baxay dagaalkii sanadkii hore ey la galeen Israa’iil, waxaana cadaadis Mareykanka uu saaray dowladda Lubnaan ey ku amartay ciidamada iney dejiyaan qorshe hubka looga dhigayo kooxdaasi dhamaadka sanadka. Iran oo waxa loogu yeerto “ dhidibka iska caabinta” ey ka mid tahay Xisbullah, waxa ey sidoo kale la kulantay dib u dhacyo xiriir ah, oo uu ugu dambeeyay dagaalkii ey la gashay Israa’iil oo uu Mareykanku ku garaacay goobahooda Nukliyeerka. "Dowladdu waxa ey fulinaysaa amarka Mareykanka iyo Israa'iil si loo joojiyo iska caabinta, xitaa haddii ey horseeddo dagaal sokeeye iyo colaad gudaha ah," ayuu yiri Qaasim. "Xoogaga iska Caabintu ma dhiibi doono hubkooda inta gardarada ey sii socoto, qabsashaduna ey sii socoto, waana la dagaalami doonnaa... haddii loo baahdo inaan ka hortagno mashruucan Mareykanka iyo Israa'iil wax kasta oo ey ku kacayso," ayuu yiri. Qaasim waxa uu ku booriyay dawladda Lubnaan "In aaney dalka u gacan gelin gardaro Israa'iil ah oo aan la dhayalsan karin ama daalim Maraykan ah oo leh hunguri aan xad lahayn".

ISHA-FRANCE PRESS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA LUBNAAN OO RUNTA U SHEEGTAY DALKA IRAAN.

(SAWIRKA)-KULANKA LIBNAAN IYO IRAAN.

(BEIRUT)-Booqashada Madaxa Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran Cali Larinjani ayaa timid ka dib markii dowlada Lubnaan ey ku amartay ciidamada iney dajiyaan qorshooyin dhamaadka sanadka 2025 si hubka looga dhigo kooxda Xagjirka ah ee Xisbullah. Ka dib markii uu yimid Beyruut, Larinjani ayaa wacad ku maray in dowladiisa ey sii wadi doonto taageerada ey siiso Ururka Xizbullah, ka dib markii ey muujisay sida ey uga soo horjeedo qorshaha hub ka dhigista Ururka Xizbullah. "Waan diidnay faragelin kasta oo lagu sameeyo Arrimaheenna Gudaha," ayuu yiri Cawn, isagoo intaas ku daray "waa mamnuuc in qof kasta... inuu hub qaato iyo inuu taageero shisheeye u adeegsado awood," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan oo lagu qoray barta X. Iran iyo waxa loogu yeero " dhidibka iska caabinta " ayaa la kulmay dharbaaxo isdaba joog ah oo ku saabsan xafiiltanka dheer oo ey la leeyihiin Isra’iil. Iiraan iyo Israa’iil ayaa dagaal dhex maray bishii June, iyadoo Maraykanku uu muddo kooban u soo istaagay inuu duqeeyo xarumaha Nukliyeerka ee Iran. Xizbullah waxa ey la kulantay khasaare ba’an, oo uu ku jiro geeridii Hoggaamiyahooda Xasan Nasrallah, sannad colaadeed oo ey la galeen Israa’iil oo ku dhammaatay xabbad-joojin bishii November 2024-kii. Bil ka dib, waxaa xukunka laga tuuray Madaxweynihii dalka Suuriya Bashaar AL-asad, taasoo Ururka Xisbullah ka xayuubisay marinkii ugu muhiimsanaa oo ey hubka iyo saadka uga iman jirtay Iran. Iran ayaa ku dhawaaqday iney si adag uga soo horjeedo qorshaha dowladda Lubnaan ey ku doonayso iney hubka uga dhigto Xizbullah , halka xarakada lafteeda ey ku tilmaantay go'aankaas "dambi weyn". Caasimadda Beyruutt, Larinjani waxa uu ka sheegay in aaney quwad shisheeye awaamiir siinin Lubnaan, isaga oo intaa ku daray in aaney Iran ahayn midda faragelinaysa balse uu yahay dalka Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si maldahan u sheegay in Ururka Xizbullah ey ku sii jirto arrimaha gobolka. "Go'aan kasta oo ey dowladda Lubnaan qaadato iyadoo la tashanaysa iska caabinta waanu ixtiraamaynaa," ayuu yiri Cali Larinjani, isagoo dhinaca kale dhaleeceeyay xilliga kama dambaysta ah ee December ee ciidanka si ey u dajiyaan qorshayaal hub ka dhigis ah oo Xizbollah ah.

“Midka faragelinaayo Lubnaan arrimaheeda,waa kan adiga kuu qorsheynaayo,adigane ku siinaayo jadwal kaa fog kumanaan kiiloomitir. Anigu ku siinmaayo adiga wax qosha ah”.

QABASHADA DACIIFIINTA: 
 Ka hor dagaalkii ay la galeen Israa'iil, Xisbullah waxaa la aaminsanaa in uu ka hub badnaa militariga Lubnaan.

Waxay muddo dheer ku adkaysanaysay iney haysato hubkeeda si ey Lubnaan uga difaacdo weerarka, laakiin dadka dhaleeceeya waxay ku eedeeyeen iney hubkeeda u adeegsanayso awood siyaasadeed.

Beyruut, Larinjani wuxuu wacad ku maray inuu sii wadi doono taageerada Ururka xagjirka ah ee Xizbullah. "Haddii... dadka reer Lubnaan ey dhibaataysan yihiin, annagu haddaan nahay Iran waxaan sidoo kale dareemi doonnaa xanuunkan, waxaanan garab istaagi doonnaa dadka qaaliga ah ee Lubnaan xaalad kasta," ayuu Larinjani u sheegay suxufiyiinta. Sidoo kale Madaxweyne Cawn iyo Raysal Wasaare Nawaf Salam, Larinjani ayaa lagu waday inuu la kulmo afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri, oo aad ugu dhow Ururka Xizbollah. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo qabriga Nasrallah, kaasoo lagu dilay duqeyn weyn oo Isra’iil ka geysatay Koonfurta Beyruut sanadkii hore. Awooda Ururka Xizbullah ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ey xabad joojinta la galeen Israa’iil, waxaana dowladda cusub ee Lubnaan oo taageero ka helaysa Mareykanka ey u dhaqaaqday iney sii xakameyso. “Diidka iska caabinta Iran” waa shabakad ey ku midaysan yihiin kooxaha hubaysan ee Gobolka, oo ey ku jiraan Xamaas ee Gaza iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen, oo u midoobay iney ka soo horjeedaan Israa’iil.

ISHA-QAAHIRA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA MASAR IYO XARAKADDA XAMAAS OO KA WADA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA.

(SAWIRKA)-XASAN RASHAAD IYO KHALIIL HAYAH.

(CAIRO)-Madaxa Adeega Guud ee sirdoonka dalka Masar(GIS) Xasan Rashaad ayaa Arbacada maanta ah magaaladda Qaahirakula kulmay wafdi ka socdo Xarakadda Xamaas oo uu Hogaaminaayo Khaliil AL Xayi si ey uga wada hadlaan dadaaladda lagu xaqiijinaayo Xabad Joojin ka dhacda Marinka Gaza, sida ilo reer Masar ah ey u sheegeen Warbaahinta AL-Qahira News.Sida laga soo xigtay ilo-wareedka, Xamaas ayaa muujisay rabitaankeeda ah iney dib u billaabaan wada xaajoodka xabbad joojinta iyo sida ey u qadarinayaan dadaalka Masar ee fududaynta gargaarka bini'aadanimo ee Gaza. Ilaha ayaa intaa ku daray in Masar ey "xoojinayso xiriirka ey la leedahay dhammaan dhinacyada" si loo helo xabbad joojin, ugu dambeyntiina loo soo afjaro dagaalka. Wafdiga Xamaas ayaa Talaadadii shalay ahayd soo gaaray Qaahira. Kulankan ayaa dhacay iyadoo wareeg cusub oo wadahadalo xabbad joojin ah oo Gaza ah uu ka furmay Qaahira ka dib markii uu burburay wada xaajoodyadii ugu dambeeyay ee Dooxa usbuucii hore. Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay kanaalka Talaadadii in wadahadalladani ey diiradda saarayaan xabbad joojin ku meel gaar ah oo 60 maalmood ah iyo in Masar ey dadaallo xooggan la sameyneyso dhammaan dhinacyada ey khuseyso si dib loogu bilaabo wada xaajoodka. Dagaalka xasuuqa ah ee Isra’iil ka wado Gaza oo socday muddo laba sano ah ayaa waxa ku dhinta ugu yaraan 61,599 oo Falastiiniyiin ah,waxana uu burburiyay inta badan kaabayaashii dhaqaalaha ee magaalada,iyada oo ey macaluul ka dilaacday Marinka Gaza,ka dib markii la xaddiday gargaarka bini’aadantinimo. Inkastoo ey socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda Gaza, Isra’iil ayaa qorsheyneysa iney ballaariso duullaanka ey ku hayso Gaza si ey u qabsato guud ahaan dhulka Gaza.

ISHA-AL-QAHIRA NEWS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TURKIGA IYO QADAR OO KA WADA HADLAY XAALADDA MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-WASIRADA ARRIMAHA DIBADA QADAR IYO TURKIGA.

(QATAR)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani iyo dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan, ey ka wada hadleen horumarka Marinka Gaza, dhulka Falastiin ee la heysto, iyo Suuriya, iyadoo ey u dheer tahay arrimo dhowr ah oo labada dhinac ah. Arrintan ayaa ka dambeysay kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar iyo dhiggiisa Turkiga. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona xoojin lahaa. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu soo afjarayo dagaalka bahalnimo ee Marinka Gaza. Marka laga soo tago xaqiijinta joogtada ah iyo qulqulka gargaarka bini’aadantinimo ee Marinka Gaza iyo sii deynta maxaabiista waxa uu carabka ku adkeeyay in Dowladda Qatar ey si buuxda u taageersan tahay dhammaan dadaallada wanaagsan ee loogu talagalay in lagu xalliyo arrinta Falastiin iyadoo loo marayo hab nabadeed iyo hirgelinta xalka labada dal.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QM OO CIIDAMADDA ISRA’IIL KU EEDEYSAY KUFSI IYO GALMO XAD DHAAF AH.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRA’IIL.

(UN)-Madaxa Qaramada Midoobay ayaa uga digay Israa'iil in Qaramada Midoobay ey hayso "xog lagu kalsoonaan karo" oo ku saabsan tacaddiyada Galmada iyo xadgudubyada kale oo ey ciidamada Israa'iil ku hayaan Maxaabiista reer Falastiin ee xiran, taas oo danjiraha Qaramada Midoobay ee Israa'iil uu meesha ka saaray isagoo ku tilmaamay "Eedeymo aan sal iyo raad lahayn." Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad uu u diray Danjire Danny Danon ku sheegay inuu "aad uga walaacsan yahay" xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee la sheegay iney ciidamada Israa'iil iyo ciidamada ammaanka ku hayaan xabsiyo dhowr ah, xarun lagu hayo iyo saldhig milateri. Guterres waxa uu sheegay inuu ogeysiiyay ciidamada Israa’iil in lagu qori karo xad-gudubyo warbixintiisa soo socota ee ku saabsan tacaddiyada Galmada ee colaadaha “sabato ah walaacyo la taaban karo oo laga qabo qaababka noocyada xad-gudubyada Galmada ee ey Qaramada Midoobay si joogto ah u diiwaangelisay.” Danon, oo faafiyay warqadda iyo jawaabtiisa Talaadada maanta ah ayaa sheegay in eedeymaha "ey ku jiraan daabacaadyo eex ah."
"Qaramada Midoobay waa iney diiradda saartaa dembiyada dagaal ee naxdinta leh iyo xadgudubyada Galmada ee Xamaas iyo sii deynta dhammaan la haystayaasha," ayuu yiri. Danon waxa uu ula jeeday weerar kedis ah oo kooxda xagjirka ah ey ka geysatay Koonfurta Isra’iil Oct. 7, 2023, halkaas oo ilaa 1,200 oo qof lagu dilay laguna qafaashay 250 qof. Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in haweenka la kufsaday oo la faraxumeeyay. Weerarka Xamaas ayaa dhaliyey dagaalka Gaza ka socda, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 61,400 oo falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, oo aan sheegin tirada dagaalyahannada iyo rayidka ah, balse kala bar ayaa ahaa Haween iyo Carruur. Danon waxa uu carabka ku adkeeyay in "Israa'iil eysan ka xishoon doonin ilaalinta muwaadiniinteeda eyna sii wadi doonto ku dhaqanka sharciga caalamiga ah." Sababtoo ah Israa'iil waxay diiday iney la kulanto kormeerayaasha Qaramada Midoobay, waxay ahayd " caqabad ku ah iney go'aan cad ka gaarto qaababka, isbeddellada iyo isticmaalka joogtada ah ee xadgudubka Galmada ee ciidamadeeda, Guterres ayaa ku yiri warqadda. Waxa uu ku booriyay dawladda Israa'iil "iney qaaddo tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo in si deg deg ah loo joojiyo dhammaan falalka xadgudubka Galmada, oo ey sameyso oo ey hirgeliso ballanqaadyo waqti-xiran." Xoghayaha Guud ayaa sheegay in kuwani ey ku jiraan baaritaanada eedeymaha la aamini karo, amarada cad iyo xeerarka anshaxa ciidamada iyo kuwa ammaanka ee mamnuucaya xadgudubyada Galmada, iyo galaangalka aan la xakameyn ee kormeerayaasha Qaramada Midoobay. Bishii Maarso, khubarada Xuquuqul Insaanka oo ey Qaramada Midoobay taageerto ayaa Israa'iil ku eedeeyay "isticmaalka joogtada ah ee Galmada, taranka iyo rabshadaha kale ee ku saleysan Jinsiga." Guddiga baaritaanka ku sameeyay dhulka la heysto ee Falastiin ayaa sheegay iney diiwaan geliyeen xadgudubyo kala duwan oo lagula kacay haweenka Falastiiniyiinta, rag, gabdho iyo wiilal waxayna ku eedeeyeen ciidamada ammaanka Israa’iil kufsi iyo xadgudubyo dhanka Galmada ah oo ka dhan ah Maxaabiista Falastiiniyiinta. Waqtigaas, Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu dhaleeceeyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, kaasoo u wakiishay kooxda khubarada Madax-bannaan, sida "Surcus-Israa'iil" kaasoo "muddo dheer loo soo bandhigay inuu yahay nacayb, qurun, Argagixisada taageera, iyo hay'ad aan khusayn." Hadalkiisa ma uusan ka hadlin natiijooyinka laftooda.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GEN.XAFTAR OO WIILKIISA SADDAAM U MAGACAABAY KU XIGEENKIISA.

(SAWIRKA)-GEN XAFTAR IYO WIILKIISA SADAAM.

(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in Isniintii shalay ahayd uu Taliyaha Ciidanka Qaranka Liibiya, Gen. Khalifa Haftar uu wiilkiisa, Saddam Haftar uu u magacaabay Ku Xigeenkiisa. Talaabadan ayaa waxaa ka soo horjeestay Golaha Madaxtooyada oo ku dooday in magacaabista ciidamada ey ku kooban tahay iyaga oo kaliya. Isniintii shalay ayuu Xafiiska Warbaahinta ee Taliska Guud bayaan uu soo saaray ku sheegay in go'aanka loogu magacaabay Saddam Haftar inuu noqdo ku xigeenka aabihiis ee taliska ciidanka uu yimaado "si waafaqsan Hiigsiga Taliyaha Guud ee 2030 si loo horumariyo loona wanaajiyo waxqabadka guud ee ciidamada qalabka sida," isagoo xusay in "shaqadan ey ku xigi doonto dhowr shaqo oo muhiim ah maalmaha soo socda." Isaga oo ka jawaabaya hawshan, Madaxweyne ku Xigeenka Golaha Madaxtooyada ee Liibiya, Cabdallah ALlaafi, wuxuu ugu baaqay Golaha Madaxtooyada Talaadada maanta ah iney "qabtaan shir deg deg ah" isaga oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Liibiya. Waxa uu sheegay in abuurista jagooyin kasta oo cusub oo ka dhex jira Xarumaha Milatariga ey tahay "mustaqbalka soo jireenka ah ee Hay'adda sharci-dejinta." Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in magacaabista Hogaanka sare ee Ahraamta hoggaaminta millatariga ey tahay in loo sameeyo "si waafaqsan sharciga iyo go'aan ka soo baxa Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Liibiya, oo uu matalo Golaha Madaxtooyada guud ahaan." ALlaafi wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee Golaha Madaxtooyada iney kulmaan si ay arrintan uga fiirsadaan, "si loo hubiyo ixtiraamka sharciyada lagu dhaqmi karo iyo ilaalinta awoodaha sharcigu tilmaamayo." Waxa uu ka digay in tallaabadan ey ku soo beegantay iyadoo ey jirto xaalad ciidan oo ku saleysan kala qeybsanaan, taasoo u baahan tallaabo culus oo mas’uuliyadeed oo ku saleysan qaabkii lagu heshiiyey ee ciidamada iyo dariiqa amniga” si loo helo hay’ad ciidan oo mideysan oo awood u leh ilaalinta dalka hooyo, iyadoo laga fogaanayo tallaabo kasta oo “ sii qoto dheereysa kala qeybsanaanta ama ka leexaneysa qaab dhismeedka sharciga ee maamulka”. Khilaafyadani waxay muujinayaan qoto dheer ee kala qaybsanaanta hay'adaha ee Liibiya, gaar ahaan kuwa ka dhex jira aasaaska milatariga, inkastoo marar badan lagu baaqay in la mideeyo. Saddam Haftar waa wiilka ugu yar ee Khalifa Haftar, oo ku jira badhtamaha soddonaadyada. Waxaa lagu tiriyaa inuu yahay kan ugu caansan wiilashiisa, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba, marka loo eego walaalaha kale. Waxa uu hayaa majaraha dhowr faylal oo muhiim ah waxana uu hogaamiyaa wada xaajoodyo Siyaasadeed iyo Militari oo dibadda ah isagoo wakiil ka ah ciidamada Liibiya. Aabihiis waxa kale oo uu hubiyaa in uu joogo inta badan kulammada uu la yeesho saraakiisha Amniga iyo ciidamada shisheeye. Haftar, oo haysta darajada "Lieutenant General" oo ahaa Madaxa Guud ee ciidamada dhulka tan iyo 2024, ayaa saameyn ballaaran ku leh Bariga iyo Koonfurta Liibiya. Sidoo kale waxa uu socdaalo kala duwan ku dhex maraa wadamo uu ugu dambeeyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha dalka Jaad Maxamat Idriss Deby oo uu kala hadlay iskaashiga dhinaca amaanka iyo furitaanka xuduudaha u dhexeeyo Liibiya iyo Jaad.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BOOLISKA DALKA URDUN OO SOO XIRAY RAG KA TIRSAN IKHWAAN MUSLIMIIN.

(SAWIRKA)-BOOLISKA URDUN.

(JORDAN)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Urdun ee Camaan ayaa sheegaayo in Ciidamadda Amaanka dalka Urdun ey habeenkii xalay ahaa qabteen dad lala xiriirinaayo iney ka tirsan yihiin Ururka Ikhwaanul Muslimiinka kaaso mamnuuc ka ah dalka Boqortooyadda Urdun,waqtiga la qabanaayey dadkaasi waxa ey ku guda jireen shir iyaga u gaar ah kana dhacaayey mid ka mid ah guryahooda kuna yaalo magaaladda Irbid ee dhacda Waqooyga dalka Urdun. Sida ilo Xog-ogaal ah ey u sheegeen Wakaaladda Wararka u Faafiso dalka Urdun ee Petra,booliska garsoorka ayaa maxaabiista la soo qabtay u gudbiyey Hayadaha Garsoorka ee dalka Urdun,isagoo xusay in kulanku uu ahaa mid ey soo qabanqaabiyeen Ikhwaanka,halka hayadaha Amniga ey la socdeen dhaqdhaqaaqiisa,waxa uuna ahaa kulankaasi mid aan sharci ahayn. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo reer Urdun ah,tan iyo markii la soo saaray xayiraadda la xiriirta kulanada Ikhwwanka,hayadaha amnigu waxa ey dabagal ku haayeen Ikhwaanka waxa eyna ogaadeen iney jiraan isku dayo lagu doonaayo in lagu hareer maro xayiraadda iyagoo shirar ku yeelanaayo guryaha xubnaha caadiga ee Ururka Ikhwaan Muslimiinka Urdun iyadoo lagu hoos qarinaayo kulano bulshadu yeelaneyso. Sannadkaan 2025-ka, masuuliyiinta dalka Urdun waxa ey ku dhawaaqeen mamnuucid guud oo lagu soo rogay Ururka Ikhwan Muslimiin iyagoo ku tilmaamay inuu yahay Urur aan Sharci ahayn,waxa eyna la wareegeen hantidoodii. Arrintaan ayaa ah mid daba socota baaritaano lagu ogaaday in xubno ka tirsan Ururka Ikhwaanka ey ku lug lahaayeen shirqool halis ku ah amniga qaranka. Tan iyo bishii shanaad ee la soo dhaafay,Wasaaradda Horumarinta Bulshada iyadoo loo maraayo gudiga gudaha waxa ey bilaawday iney qaado tilaabooyin lagu raadinaayo lacag kasta ama hanti kasta ey leedahay kooxda Ikhwaanka ka dib markii uu dhammaaday waqtigii kama dambeysta ee shaacinta kaaso ku beegnaay bartamihii bishii Juun-2025-ka.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOBOLKA MEHRAH EE YEMEN OO LAGU QABTAY 40-TAHRIIBE.

(SAWIRKA)-YEMENIYIIN DADKA TAHRIIBISA.

(AL-MEHRAH/YEMEN)-Wararka laga helaayo Gobolka AL-Mehra ee dalka Yemen ayaa sheegaayo in Ciidamada Ammaanka ee Gobolka AL Mehrah ayaa sheegay in saddex howlgal oo kala duwan oo ka dhacay degmada Shaxan ey ku soo qabteen (38)-Eedeysane. Eedeysanayaasha ayaa ku lug lahaa tahriibinta dadka iyo tahriibinta tahriibayaasha Afrikaanka ah ee sharci-darrada ah ee u kala socdaala dalalka deriska ah, iyadoo ey u sii dheer tahay shaqsiyaadka qaarkood oo ku lug lahaa tahriibinta walxaha mamnuuca ah sida Maandooriyaha. Booliska ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalkii ugu horeeyay ee lagu soo qab qabtay ilaa (7)- ruux, halka howlgalka labaadna uu ku lug lahaa hal ruux, waxaana howlgalkii seddexaad lagu soo qabtay (30)-ruux hal mar. Booliska AL Mehrah ayaa xaqiijiyay in dhammaan tuhmanayaasha la xiray inta laga gaarayo dacwadaha sharciga ah, iyagoo carabka ku adkeeyay dadaalkooda joogtada ah ee lagula dagaallamayo ka Ganacsiga dadka, burburinta shabakadaha wax tahriibiya, iyo kor u qaadista Amniga iyo Xasilloonida Gobolka.Yemen ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ey wajahayaan caqabadaha waa-weyn ee la xiriira socdaalka sharci darrada ah iyo ka Ganacsiga dadka. Taasoo ey sabab u tahay deegaanka uu ku yaal dalka Yemen kaaso isku xira Geeska Afrika iyo Jaziirada Carabta, iyadoo ey u sii dheer tahay xaaladda adag oo Amni iyo Dhaqaale ee ka sii daraysa ifafaalaha tahriibka ee dadka iyo tahriibayaasha.Xeebaha Yemen, gaar ahaan Gobollada Lahj, Abyan, Taiz, AL Mehrah, iyo Hadramaut, waxay ka dhigan yihiin marino waa-weyn oo ey maraan shabakadaha wax tahriibiya ee ka faa'iidaysta kontaroolada ammaanka ee daciifka ah iyo xaaladaha bini'aadantinimo ee sii xumaanaya si ey u fududeeyaan tahriibinta muhaajiriinta ka imaanaya wadamada Afrika ee u socdaalaya Khaliijka iyo wadamo kale. Inta badan dadka isaga kala safro Wadamada Khaliijka iyo Yemen ayaa ah kuwa ka yimaado Dalalka Itoobiya,Soomaaliya iyo Eritereeya,waxa eyna uga sii gudbaan dalka Yemen dalka Boqortooyadda Sacuudiga ama Sladana Cumaan iyagoo sii mara Gobolka Mehrah oo Gobolka xuduuda la wadaago Saldanada Cumaan.

ISHA-AL-XARAF.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XAMAAS MA AQBALI DOONAA HUBKA DHIGIS?

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(CAIRO)-Warbaahinta Israa’iil ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in Masar ey u soo bandhigtay Xamaas heshiis dhammaystiran oo dhigaya in la sii daayo dhammaan Maxaabiista Israa’iil iyo hub ka dhigista dhaqdhaqaaqa si ey xabbad-joojin uga hirgasho Marinka Qaza iyo sii daynta Maxaabiista reer Falastiiniyiinta. Maamulka rasmiga ah ee warbaahinta Isra’iil ayaa sheegay in wafdi ka socda Xamaas ey gaareen caasimadda Masar ee Qaahira, si ey uga wada hadlaan hindisaha cusub oo ey ku jiraan heshiis dhameystiran oo lagu sii deynayo 50 Israa’iiliyiin ah (dhammaan Maxaabiis, nool iyo kuwa dhintay) iyo hub ka dhigista dhaqdhaqaaqa Xamaas. Sida laga soo xigtay Maamulka Warbaahinta, " Dhexdhexaadiyayaashu waxay Xamaas u soo bandhigeen hindise cusub oo ah, heshiis dhamaystiran oo ey ku jiraan sii deynta dhammaan shakhsiyaadka la afduubay, kuwa nool iyo kuwa dhintayba, taasoo lagu beddelayo sii deynta Maxaabiista Ammaanka Falastiiniyiinta iyo hub ka dhigista Xamaas." Sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa'iil, hindisaha ayaa ku baaqaya qorshe cusub oo milatariga Israa'iil ey uga baxayaan Marinka Gaza, iyada oo ey si wadajir ah u ilaalinayaan Carabta iyo Maraykanka, illaa xal waara laga gaaro hub ka dhigista Xamaas iyo qaabka maamulka ee Marinka Gaza. Iyadoo la tixgalinayo hindisaha cusub, "Xamaas waa iney go'aansato iney qaboojiso dhaqdhaqaaqa garabkeeda milateri iyo hub ka dhigisteeda, iyadoo dammaanad laga helayo dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah," sida ey hay'addu sheegtay. Idaacadda ayaa intaa ku dartay, "Waxaa socda wada xaajoodyo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin joogta ah." Waxay ku andacootay in Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu "in hadda uusan raadin heshiisyo qayb ah, wuxuuna ku dhawaaqay dardargelinta hawlgallada militari ee lagu doonayo in lagu qabsado Gaza si loo soo afjaro dagaalka." Guddigu waxa ey xuseen in kooxda wada xaajoodka iyo dhexdhexaadiyayaasha ey aaminsan yihiin in la soo afjari karo farqiga u dhexeeya labada dhinac, isagoo xusay in Netanyahu uu ku tilmaamay xaaladdii Xamaas intii lagu jiray wareegii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka iney ahaayeen “shuruudaha isu dhiibida” Israa’iil, taasoo wakhtigaas hor istaagtay heshiis. Horumarka la xiriira, Maamulka Warbaahinta Isra’iil ayaa shaaca ka qaaday kala qeybsanaan ka dhex jirta kooxda wada xaajoodka Isra’iil oo ku saabsan suurtagalnimada in laga sii hormaro wada xaajoodyada lagu gaarayo heshiis is dhaafsi Maxaabiis iyo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza. Maamulka Warbaahinta ayaa sheegay, iyadoo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah oo aan la magacaabin, iney jirto "kala qeybsanaan ka dhex jirta kooxda wada xaajoodka ee Isra’iil oo ku saabsan suurtagalnimada in horumar laga gaaro wada xaajoodka xitaa haddii heshiis qayb ah la soo jeediyo." Ilaha ayaa tilmaamay in "ay jiraan kala duwanaansho fikradeed oo u dhaxaysa xubnaha kooxda wada xaajoodka ee ku saabsan suurtagalnimada in horumar laga gaaro marxaladda hadda." Maamulka Warbaahintu ma eysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nuxurka khilaafkan, balse waxay tilmaameen in wafdi ka socda Xamaas ey gaareen Qaahira si ey ugala hadlaan hindise cusub oo ey ku jiraan “heshiis dhameystiran” oo lagu sii deynayo 50 Maxbuus oo Xarakadda Xamaas u xiran iyo in hubka laga dhigo. Xamaas ayaan si deg deg ah uga hadlin booqashada wafdigooda Qaahira iyo hindisaha cusub ee Masar ee xabbad-joojinta Gaza. Xamaas ayaa marar badan diiday soo jeedin kasta oo hubka looga dhigayo ama looga baxayo Marinka Gaza, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in wax kasta oo qabanqaabo ah oo ku saabsan mustaqbalka Marinka ey tahay in lagu sameeyo isfaham Falastiin. Qorshahani waxa uu ku bilaabmayaa qabsashada magaalada Gaza, iyada oo dadkeeda oo ku dhaw hal milyan laga barakiciyey koonfurta, ka dibna la hareereeyo magaalada oo ey duulaan ku qaadeen goobo la degan yahay. Tan waxaa xigi doona wejiga labaad, oo ey ku jiraan qabsashada Xeryaha Qaxootiga ee bartamaha Gaza, oo qaybo badan oo ka mid ah ey burburisay Isra’iil. Maamulka warbaahinta ayaa tilmaamay in dhexdhexaadiyeyaasha la filayo iney kordhiyaan cadaadiska Isra’iil iyo Xamaas si ey ugu soo laabtaan miiska wadahadalka maalmaha soo socda. Isniintii shalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabbdul-caadhi, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dalkiisa oo hoggaaminaya dhexdhexaadinta Dooxa iyo Washington, uu dabada ka riixayo "heshiis buuxa iyo heshiis dhammaystiran" oo lagu soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza. Wasiir Cabdul-caadhi waxa uu sheegay in dalkiisa "uusan joojin dadaallada dhexdhexaadinta ah oo uu kala shaqaynayo dhexdhexaadiyeyaasha si loo soo afjaro heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Gaza." Waxa uu intaa ku daray, "Waxaan ku riixeynaa in dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadalka ee Gaza, welina waxaa jirta suurtogalnimada, haddii ujeedadu ey wanaagsan tahay oo ey jirto rabitaan siyaasadeed, in la gaaro heshiis dhammaystiran oo soo afjaraya dagaalka Marinka Gaza.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KULAN SEDDEX GEESOOD AH OO KA DHACAY DALKA URDUN.

(SAWIRKA)-SHIRKA URDUN.

(AMMAN)-Dalalka Suuriya,Urdun iyo Maraykanku ayaa kulan ku yeeshay Casimadda dalka Urdun ee Camaan Talaadada maanta ah, kulanka ayaa la isku raacay in la sameeyo koox-shaqaale saddex geesood ah (Suuriya, Urdun, iyo Maraykan) oo ujeeddadoodu tahay in lagu taageero dawladda Suuriya dadaallada ey ku xoojinayso Xabbad-joojinta Gobolka Sweyda iyo soo afjarida xiisadda halkaas ka taagan. Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu yiri: “Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun ayaa maanta martigelisay kulan wadajir ah oo ey yeesheen wadamadda Urdun-Suuriya iyo Maraykanka si looga wadahadlo xaaladda Suuriya iyo siyaabaha lagu taageerayo geeddi-socodka dib-u-dhiska Suuriya oo saldhig u ah dammaanad-qaadka Amnigeeda, Xasilloonida, Madax-bannaanideeda, Midnimadeeda, iyo faragelin la’aanteeda arrimaheeda, buuxinta rabitaanka shacabka walaalaha ah, iyo ilaalinta xuquuqda dhammaan Suuriya”. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Raysall Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Urdun Ayman Safadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya Ascad AL-Shaybaani, Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Suuriya Thomas Bark, iyo wakiillo ka socday Hay’adaha ey khuseyso ee saddexda dal.

SWEYDA WAA QEYB KA MID AH ISKU DHAFKA SURIYA:

Bayaanka ayaa intaa ku daray in kulanka "uu ahaa sii wadida wadahadaladii ey martigelisay Xukumada Urdun Luuliyo 19, 2025, si looga wada hadlo xoojinta xabbad-joojinta Gobolka Sweyda ee Koonfurta Suuriya iyo xallinta dhibaatada halkaas". "Ka qaybgalayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen in Gobolka Sweyda, dhammaan bulshooyinka maxalliga ah, ey tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, iyo in xuquuqda dadkeeda la ilaaliyo lana ilaaliyo habka dib u dhiska Suuriya cusub si loo helo mustaqbal sugan oo dhammaystiran dhammaan muwaadiniinta Gobolka Suuriya, hubinta iney matalaan iyo ka qaybgalka dhismaha mustaqbalka Suuriya" ayaa lagu yiri bayaanka.

TALAABOOYINKA DAWLADDA SURIYA WAA LA SOO DHAWEEYEY:

Sida lagu sheegay bayaanka, “Urdun iyo Maraykanku waxay soo dhaweeyeen tillaabooyinka ey qaaday dawladda Suuriya”, oo ey ka mid yihiin:

- Samaynta baaritaanno buuxa iyo la xisaabtanka dhammaan dambiilayaasha dambiyada iyo xadgudubyada ee Gobolka Sweyda, marka lagu daro rabitaankeeda ah iney la shaqeyso Hay'adaha Qaramada Midoobay oo ey khuseyso oo ey ku lug yeelato baaritaanka dambiyada iyo xadgudubyada la galay.

- Kordhinta qulqulka gargaarka bini'aadantinimo ee dhammaan aagagga Gobolka Sweyda iyo kor u qaadida socodka, oo ey ku jiraan iskaashiga Hay'adaha Qaramada Midoobay oo ey khusayso.

- Xoojinta shaqada Hay'adaha adeegga si loo soo celiyo adeegyadii ey carqaladeeyeen dhacdooyinka Gobolka.
– Bilaabidda hawlaha dhaqancelinta ee meelaha ey saameeyeen dhacdooyinka Gobolka.

– Soo dhawaynta tabarucaadka beesha caalamka ee taageerta dadaalladan iyo dadaalka dawladda Suuriya ee ku aaddan dib u celinta barakacayaasha deegaannadooda.

– Bilaabida habka dib u heshiisiinta bulshada ee Gobolka Sweyda iyo xoojinta nabadda rayidka.
– Iyagoo muujiyey sida ey u soo dhawaynayaan taageerada iyo taakulaynta Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun iyo Maraykanka ee arrintan la xiriirta.

SAAMEYNTA KOOX SHAAQAALE SEDDEX GEESOOD AH:

"Safadi iyo Barrack waxay ku celiyeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka taageerada buuxda iyo garab istaagga Suuriya, Amnigeeda, Xasilloonida, Madax-banaanideeda, Madaxbanaanida dhulkeeda, iyo badbaadada muwaadiniinteeda. Waxa Ey ugu baaqeen beesha caalamka iney la garab istaagto Suuriya dadaalkeeda ku aaddan dib u dhiska aasaaska u dammaanad qaadaya Amnigeeda, Xasilloonideeda, Madaxbannaanideeda, iyo Midnimadeeda, buuxinta rabitaanka shacabkeeda walaalaha ah, lana ilaaliyo xuquuqda dhammaan dadka Suuriyaanka ah” ayaa lagu yiri bayaanka. Waxay ku soo gabagabowday in "Saddexda dhinac ayaa ku heshiiyey iney kulan kale yeeshaan toddobaadyada soo socda si ey u dhammaystiraan doodaha maanta la qabtay, marka lagu daro ka jawaabista codsiga dawladda Suuriya ee ah in la sameeyo koox hawleed saddex geesood ah kana kooban wadamadda (Suuriya, Urdun, iyo Maraykanka) oo looga golleeyahay in lagu taageero dawladda Suuriya dadaalkeeda ku aaddan xoojinta xabbad-joojinta ee Gobolka Sweyda iyo soo afjarida dhibaatada halkaas."

ISHA-SANA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOXDA FALAAGADDA SUUDAAN OO WEERARTAY XERO QAXOOTI.

(SAWIRKA)-DAARFUUR.

(SUDAN)-Wararka laga helaayo dalka Suudaan ayaa sheegaayo in ugu yaraan 40 qof lagu dilay isniinta maanta ah weerar ey Xoogaga Taageerada Deg Dega ah ku qaadeen Xerada Abu Showk taaso ey ku nool yihiin dadka ku Barakacay Gudaha (IDPs) ee duleedka EL Fasher , Darfur, galbeedka Sudan, sida uu sheegay qolka gurmadka ee Xerada Abu Showk. Qolada Gurmadka Deg dega ah bayaan ey soo saareen ayey ku sheegay in 40 qof ey ku dhinteen in ka badan 19 kalena ey ku dhaawacmeen ka dib markii Ciidamada Gargaarka Deg dega ah ey gudaha u galeen Xerada Abu Showk oo ku taalo dhinaca Waqooyi ee Ceel Fasher.

ILAA BISHII MEEY-2024-KII

Waxaa xusid mudan in Bishii April 2024, Ciidamada Taageerada Deg dega ah ey la wareegeen gacan ku haynta Xerada Zamzam oo ey ku nool yihiin Barakacayaasha, taasi oo ku taalla meel u dhow Abu Showk. Tan iyo bishii shanaad ee sannadkii hore, Ciidamada Taageerada Deg dega ah waxay go'doomiyeen Ceel Fasher iyo Xeryaha Qaxootiga ee ku xeeran. Dabadeed, bishii Disembar, ayaa macluusha lagaga dhawaaqay saddex xero oo ey ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow EL Fasher: Zamzam, Abu Shouk, iyo AL Salam, sida ey sheegtay Qaramada Midoobay. Weerarka ayaa ku qasbay ku dhawaad 400,000 oo qof iney qaxaan, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay, taasoo si wax ku ool ah u faarujisay mid ka mid ah Xerooyinka ugu waa-weyn ee dalka oo ey ku nool yihiin dad barakacayaal ah. Tan iyo markii ciidanka Suudaan ey dib ula wareegeen gacan ku haynta Khartuum bishii Maarso 2025, Ciidamada Taageerada Deg dega ah waxay hawshooda u wareejiyeen dhanka Galbeed, iyagoo diiradda saaraya Darfur iyo Kordofaan. Waxaa xusid mudan in dagaalka ka billowday Suudaan bishii April 2023 uu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca in ka badan 13 milyan oo qof oo ku nool gudaha iyo dibadda dalkaas, iyadoo Qaramada Midoobay ey ku tilmaantay barakacii ugu ballaarnaa ee adduunka ka dhaca sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France Press.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KU BAAQAY IN XUUTIYIINTA LAGU ADKEEYO CUNAQABATEYNTA SAARAN.

(SAWIRKA)-XUUTI.

(NEW YORK)-Mareykanka ayaa Isniinta maanta ah ku eedeeyay Iran iney hurineyso Amni darrada Badda Cas ee ka jirta, iyadoo hub iyo agab kale siisay Xuutiyiinta Yemen, ka dib weeraradii ugu dambeeyay ee lala beegsaday Maraakiibta Ganacsiga bishii hore. Iyadoo ka hadlaysay intii lagu guda jiray doodda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayay Amniga Badda Cas,ku simaha Safiirka Maraykanka, Dorothy Shea, ayaa ku cambaareysay Xuutiyiinta weeraradii ugu dambeeyay ee sababay in ey ku dagtaan laba Markab oo Ganacsi, dhimashada shaqaalihii Markabka iyo afduubka lagu haysto qaar kale. Iran "waxay khatar ku tahay ammaanka badda iyada oo taageerta Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah iyo qabsashada maraakiibta u kala gudbaya biyaha caalamiga ah," Shea ayaa u sheegtay Xubnaha Golaha. "Bishii hore, Xuutiyiintu waxay weerareen oo dejiyeen laba Markab oo Ganacsi, taasoo keentay khasaare nafeed, dhaawac soo gaaray badmaaxiinta, iyo qabashada la haystayaal." Waxay ku celisay dalabka Mareykanka ee ah in Tehran ey sii deyso dhammaan Maraakiibta xiran, oo ey ku jiraan MSC Aries, oo ah Markab konteenar ah oo xiriir la leh bilyaneer Isra’iil ah. Waxaa la wareegay ciidamada Iran bishii Abriil 2024-kii xilli uu marayey gacanka Cumaan, arrintaas oo ey Tehran ku tilmaantay tallaabo Aargoosi ah ka dib duqaymihii Israa’iil ee Suuriya. Markabkan oo u kireysnaa Shirkadda Maraakiibta Badda Mediterranean-ka, ayaa waxaa saarnaa 25 shaqaale ah, oo u badnaa dad u dhashay dalka Hindiya. Dhowr toddobaad ayey haysteen mas'uuliyiinta Iran ka hor inta aan la sii dayn laakiin Markabka ayaa weli xiran. "Maraykanku wuxuu ugu baaqayaa Iran iney sii deyso maraakiibta ey weli haysato, oo ey ku jiraan MSC Aries," ayey tiri Shea, iyadoo ku boorisay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iney u hoggaansamaan cunaqabateynta hubka ee Xuutiyiinta. Waxay Iran iyo dalal kale ku eedaysay iney jabiyeen cunaqabatayntan iyagoo kooxda siinaya gantaalada, rasaasta iyo qaybaha kale ee loo adeegsado weerarada Maraakiibta ee Badda Cas. "Golahani waa in uu soo rogo cawaaqib xumo ku saabsan jebinta cunaqabataynta oo uu raadiyo habab dheeraad ah oo lagu gooyo maalgelinta caalamiga ah iyo agabka hurinaya barnaamijyada hubka Xuutiyiinta," ayey tiri Shea. Sida uu dhigayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2216, ee la ansixiyay 2015, dhammaan dalalka xubnaha ka ah waxaa ka mamnuuc ah iney hub, rasaas iyo agabka la xiriira siiyaan xoogagga Xuutiyiinta. Xayiraadda ayaa weli jirta in kasta oo ey baaqyo ka soo yeereen qaar ka mid ah kooxaha bini'aadantinimada oo ku baaqaya in la fududeeyo xannibaadaha si loo daboolo baahiyaha rayidka ah. Habka hubinta iyo hubinta ee Qaramada Midoobay, oo la aasaasay 2016, ayaa loo xilsaaray inuu kormeero dhammaan shixnadaha ganacsi ee Yemen ka soo gala dekedaha Badda Cas si loo hubiyo u hoggaansanaanta cunaqabataynta. Iyadoo ey taasi jirto, haddana warbixinno dhowr ah oo ey soo saareen gudiga khubarada ee Qaramada Midoobay ayaa diiwaangeliyay sii socoshada qulqulka hubka ee Xuutiyiinta, oo ey ku jiraan qaybaha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la rumeysan yahay iney asal ahaan ka soo jeedaan Iran. Sanadkan, Mareykanka iyo UK ayaa duqeymo xaddidan ku qaaday bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen ka dib weeraro isdaba joog ah oo dhanka badda ah. Si kastaba ha ahaatee, ololaha kooxdu waa uu sii socday, si kastaba ha ahaatee, taas oo muujinaysa helitaanka hubka sii kordhaya ee gantaalaha ballistic-ga ee maraakiibta. Shea waxay sheegtay in Maraykanku "si wayn u bixiyay kharashaadka" difaaca xorriyadda socdaalka ee Badda Cas waxayna ku baaqday in si weyn loo wadaago culayskan, oo ey ku jirto taageerada maaliyadeed ee Habka Xaqiijinta iyo Kormeerka.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAX ASKARI KU DHIMATAY OO KA DHACAY K/LUBNAAN.

(SAWIRKA)-K/LUBNAAN.

(BEIRUT)-Wararka laga helaayo Caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Sabtida maanta ah, walxaha Qarxa oo aan qarxin ayaa ku dhex qarxay koox Injineer ah oo Ciidanka Lubnaan ah xilli ey burburiyeen qaar ka mid ah Madaafiicda Ururka Xizbullahi ee degmada Suur ee koonfurta. Ciidanka Lubnaan ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay, "Iyadoo cutub ka tirsan ciidanku ey baadigoob ugu jireen bakhaar hub oo ey ku burburinayeen waxa ku jiray Wadi Zebqeyn, Suur, ayaa qarax waxa uu ka dhacay gudaha." Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada, qaraxa waxaa ka dhashay "khasaaro horudhac ah" oo lix askari ah oo ku dhintay kuwa kalena ku dhaawacmeen. War saxaafadeedka ciidanka ayaa intaas ku daray “waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan. Dhankiisa wariyaha Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli ciidamada ey ka daabulayeen Madaafiicda bakhaarka Ururka Xisbullah. Dhankiisa, Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Cawn, waxa uu Taliyaha Ciidanka General Rodolphe Heikal ku wargeliyay taleefoonka xaaladda waxa uu ugu yeeray "dhacdo xanuun badan" oo horseeday dhimashada askarta "natiijadu waxay ka dhalatay qarax rasaas ah oo lala beegsaday cutub ka tirsan Ciidanka Injineerinka Ciidanka xilli shaqaalaheedu ey ku hawlanaayeen sidii ey meesha uga saari lahaayeen oo ey u baabi'in lahaayeen rasaasta," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Lubnaan. Isla xaaladdan, Raysal Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam wuxuu ka tacsiyeeyay geerida askartii Lubnaan ee dhintay "iyaga oo gudanaya waajibaadkooda qaran." Khamiistii, Andrea Tenenti, oo ah afhayeenka ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL), ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisa, oo kaashanaya ciidamada Lubnaan, "ey heleen shabakad aad u ballaaran oo tunnel-ka adag" meel u dhow Naquura ee aagga xudduudda. Ka dib, Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in "toddobo tunnel oo la xoojiyay, saddex rido, madaafiic iyo gantaallo, boqolaal madfac iyo gantaallo ah, miinooyinka lidka taangiyada, iyo ku dhawaad 250 qalab qarxa oo diyaar u ah in la isticmaalo" ayaa la helay. Iska horimaadyada ayaa u dhexeeya Hezbollah iyo Isra’iil bishii Oktoobar 2023 waxayna isu beddeleen dagaal ballaaran Sebtembar 2024, kaasoo sababay in ka badan 4,000 oo dhimasho ah iyo ku dhawaad 17,000 oo dhaawac ah. Noofambar 27, 2024, heshiis xabbad joojin ah oo u dhexeeya Hezbollah iyo Isra’iil ayaa dhaqan galay, laakiin Tel Aviv waxay jebisay in ka badan 3,000 jeer, taasoo keentay 280 dhimasho iyo 586 dhaawac ah, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO KA HADLAY MUSUQ-MAASUQA DALKIISA.

(SAWIRKA)-RW-AL-SUDANI.

(IRAQ)-Raysal Wasaaraha Ciraaq Maxammed Shayaac AL-Sudani ayaa Sabtida maanta ah sheegay in isku shaandheyntii Wasiir ee uu ballan qaaday taasoo qeyb ka ahayd barnaamijkii dowladda ee ka dhashay Qiimeyntii aan sameynay uu hakad galay sababo la xiriira carqaladeyn Siyaasadeed. Suudaani oo ka qayb galay shirkii ugu horeeyay ee lagu qiimaynayay waxqabadka masuuliyiinta dawladda ee maanta lagu qiimaynayay ayaa yiri: “Waxaanu Qorshaynay in shuruudaha qiimayntu ey noqdaan kuwo cad oo dhamaystiran, laga bilaabo Maamulayaasha guud, ka dibna loo gudbo Xoghayayaal, La-taliyeyaal, Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan, iyo Wasiirada. Waxa uu carabka ku adkeeyay in si deg deg ah wax looga qabto qodobada Musuq Maasuqa, isla markaana ey ka baxsan yihiin qiimeynta, oo mararka qaar ey la kulmaan caqabado Siyaasadeed, iyadoo musharaxiin aan u qalmin xilalka loo gudbiyay, marka loo eego kuwa qiimeynta lagu sameeyay. Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan samaynay guddiyo heer sare ah oo ka socda Xafiiska Raysal Wasaaraha, iyadoo ey ka soo qeybgaleen hay’ado korjoogto ah iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha, waxaana gacan ka helaya kooxo farsamo oo gaar ah iyo Macalimiin Jaamacadeed, si ey si xirfad iyo hufnaan ku jirto u dhameystiraan, waxaana heerkii maamulayaasha guud lagu sameeyay 1,135 qiimayn sanadeed Nus-sanneed, taasoo keentay in shaqada laga ery 41-Agaasime Guud lana hawlgeliyo 89-kale oo Wakiilo ah,iyadoo loo eegaayo awoodda wax-qabad." Waxa uu yiri, "Hannaanka qiimayntu waxa uu dardar dheeraad ah siiyey waxqabadka dawladda, isaga oo abuuray geeddi-socod dardargelin ah iyo xiisaha muuqda ee heerarka kala duwan ee hoggaaminta. Heerka isbeddelku waxa uu dhaafey 21% tirada la qiimeeyey." Suudaani waxa uu sharaxay “Xoghayaha Wasaaradaha iyo La-taliyeyaal ayaa la qiimeeyey, waxaana la qiimeeyey 52 Xoghaye Hoosaad ah iyo 12 La-taliye, iyadoo la eegayo natiijada Golaha Wakiilladu waxa ey ansixiyeen magacaabista tiro ka mid ah,oo markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2003-dii.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA JAAMICADDA CARABTA OO BERRI KA SHIRAAYO XAALADDA FALASTIIN.

(SAWIRKA)-JAAMICADDA CARABTA.

(CAIRO)-Falastiin ayaa codsatay jimciha maanta ah shir deg deg ah oo ey isugu yimaaddeen Golaha Jaamacadda Carabta ee heerka Wakiillada Joogtada ah si ey uga wada hadlaan ka hortagga dembiyada Isra’iil iyadoo la eegayo oggolaanshaha dawladda Israa'iil ee qorshe tartiib tartiib ah oo ey ku qabsanayso dhammaan marinka Gaza, sida uu sheegay Wakiilka Joogtada ah ee Falastiin u jooga Jaamacadda Carabta, Muhannad Al-Cakluuk. AL-Cakluuk waxa uu xaqiijiyey in Ergada Joogtada ah ee Dawladda Falastiin ee Jaamacadda Carabta ey codsatay kal-fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Jaamacadda ee heerka Wufuudda Joogtada ah, kaasoo ku salaysan awaamiirta ka soo baxday Madaxtooyada Falastiin iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Codsigan waxaa loogu talagalay in lagu falanqeeyo hababka ficil ee heerarka Carabta iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago dembiyada Isra’iil. AL-Cakluuk ayaa ku macneeyay in codsiga kulankan uu ku yimid dambiyada gardarada ah iyo xasuuqa joogtada ah ee maamulka gumeysiga ku hayo shacabka Falastiin in ka badan 671 maalmood oo xiriir ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in go’aanka Isra’iil ey dib ugu qabsaneyso guud ahaan Marinka Gaza uu horseedi doono barakicin qasab ah oo lagu hayo shacabka Falastiin. AL-Cakluuk ayaa ka digay in go’aankan uu ka dhalan doono xasuuq aad u xun, gaajo badan, iyo burburinta joogtada ah ee xeryaha qaxootiga Falastiin. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in kulanka laga soo saaro go’aan Carbeed oo ku baaqaya in tallaabo wax ku ool ah laga qaado heer Carab iyo heer caalami si loo Maxkamadeeyo dembiilayaasha. Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa ansixiyay qorshe “tartiib tartiib ah” ah oo ey ku doonayso iney ku qabsato dhammaan marinka Qaza, oo ey ugu horreyso qabsashada magaalada Gaza oo ey ka barakiciyeen dadkii deganaa, ka dibna ey ku hareereeyeen magaalada, isla markaana ey duullaan ku qaadeen xarumaha dadweynaha. Talaabadan ayaa timid iyadoo ey socoto taageerada Mareykanka. Sida laga soo xigtay xogta Qaramada Midoobay, 87 boqolkiiba Marinka Gaza ayaa hadda ku hoos jira gumeysiga Isra’iil ama waxay ku xiran yihiin amarada daadgureynta, iyagoo ka digaya in balaarinta milatari ee kale ey yeelan doonto cawaaqib xun. Xasuuqa Israa’iil waxa ku dhintay 61,258, 152,045 dhaawac ah, in ka badan 9,000 oo kalena waa la la’yahay. Dembiyada Israa’iil ayaa weli sii socda iyagoo ka soo horjeeda dhammaan baaqyada caalamiga ah iyo amarada ka soo baxa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee lagu joojinayo dambiyadaas, taasoo sii xumaynaysa dhibaatada dadka reer Falastiin, isla markaane muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay xadgudubka loo geysto.

ISHA-ALQABS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO SEDDEX DRONES KU WEERARAY ISRA’IIL FIIDNIMADA JIMCAHA.

(SAWIRKA)-DRONES.

(YEMEN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa ku dhawaaqday fiidnimada Jimcaha iney fuliyeen seddex weerar kuwaaso ey u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, waxaane lala beegsaday goobo dhowr ah oo ka tirsan Israa’iil. Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yahya Sareex, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxdiisu ey fuliyeen saddex hawlgal oo milatari oo ey ku bartilmaameedsadeen saddex bartilmaameed oo Israa’iil ah oo ku yaalla Yaafac, Casqalaan, iyo Biir-sabca, iyadoo la adeegsaday saddex diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn. Mar sii horeysay, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay iney qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo riday Yemen iyadoo aan la hawlgelin seeriga hawada. Bayaanka ey soo saareen Xuutiyiinta ayey ku cusboonaysiisay digniinta ey u jeedinayaan dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya dekedaha Falastiiniyiinta, waxayna ku nuuxnuuxsatay in " maraakibtooda la beegsan doono si kasta oo ey u socdaan, waana iney si deg deg ah u joojiyaan dhammaan la macaamilka dekedahaasi si loo ilaaliyo badbaadada maraakiibtooda iyo shaqaalahooda." Kooxda Xuutiyiinta ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2023 qaadaysay weeraro isdaba joog ah oo isugu jira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah bartilmaameedyada Israa’iil, taasoo ey ku sheegeen iney ku taageerayaan Falastiiniyiinta ku sugan Marinka Qaza. Iyagoo ka jawaabaya weerarradaas, Israa’iil waxay duqaymo xagga cirka ah ku qaadday dekedda Xudeydah iyo xarumaha tamarta muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaannada Xuutiyiinta Yemen ey ka taliyaan,taaso keentay khasaaro naf iyo maalba leh.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DISHAY XUBNO KA TIRSAN ISLAMIK JIHAAD.

(SAWIRKA)-URURKA ISLAMIK JIHAD.

(BEIRUT)-Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay iney dileen laba taliyeyaasha dagaalka oo ka tirsanaa dhaq-dhaqaaqa Jihaad Islaami ee Falastiin ee marinka Gaza. Xafiiska warfaafinta ee ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in “intii lagu guda jiray mid ka mid ah howlgallada, la dilay Argagixisa oo ahaa taliye Ku Xigeenka Guutada Beyt Xanuun ee Islamic Jihad, Murad Nasser Musa Abu Jaraad,”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Howlgal kale oo kan la mid ah, waxaa lagu dilay taliye Ku Xigeenkii qeybta la dagaalanka taangiyada ee Guutada magaalada Gaza ee Islamic Jihad, Maxamud Shukri AL-Dardasawi."Xafiiska warbaahinta ayaa sharaxay: "Labada Argagixisada ee la dilay waxay ka qaybqaateen weerarkii Israa'iil ee dhacay Oktoobar 7, 2023, waxayna qorsheeyeen oo ey fuliyeen weeraro ka dhan ah rayidka iyo askarta Israa'iil." Bayaanka ayaa intaa ku daray, "Intii lagu guda jiray howlgallada dheeraadka ah ee bartilmaameedka ah, tiro ka mid ah hawl-wadeennada Xamaas ee mas'uulka ka ah weerarrada gantaallada iyo hoobiyeyaasha iyo rasaasta waa la dilay."Milateriga Israa’iil ayaa hawlgalladan ku tilmaamay “qayb ka mid ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo silsiladda taliska Ururada Argagixisada si weyna loo dhimo dhaqdhaqaaqooda Argagixisanimo”.Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Israa’iil “ey sii wadi doonaan hawlgallada ey ka wadaan marinka Qaza si ey u difaacaan dadka rayidka ah ee ku nool dhulka Isra’iil.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

K/LUBNAAN GODADKII URURKA XIZBULLAHI OO LOO DAATAY..

(SAWIRKA)-URURKA XIZBULLAHI.

(BEIRUT)-Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Lubnaan (UNIFIL) ayaa ku dhawaaqay Khamiista maanta ah in iyaga oo kaashanaya Ciidamada Lubnaan ay heleen shabakad aad u ballaaran oo ay ku jiraan Hub iyo Gantaallo Koonfurta dalka Lubnaan. "Iyada oo qayb ka ah hawlaheeda joogtada ah ee hoos imanaya Qaraarka Golaha Ammaanka ee 1701, iyo iyada oo si dhow ula shaqaynaysa Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan, ciidamada UNIFIL waxay heleen shabakad ballaaran oo godad deyrar ah oo ku wareegsan magaalooyinka Dhiir, Xarfa, Zebqin, iyo AL-Naquura," afhayeenka UNIFIL Andrea Tenenti ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Tenenti waxa uu intaa ku daray in "shabakadda tunnel-ka ee la helay ay ka mid yihiin meelo badan oo lagu dhuunto, madaafiic, gantaallo badan, boqollaal madfac iyo gantaallo, miinooyinka lidka taangiyada, iyo qalab kale oo qarxa." Horaantii Khamiista, Taliyayaasha Wadajirka ah ee Shaqaalaha Faransiiska ayaa ku dhawaaqay, boostada X, aqoonsiga shabakad tunnel ah iyo hub muhiim ah oo ku yaala Lubnaan, isagoo xusay in 200 oo askari oo UNIFIL ah ay ka qaybqaateen hawlgalka iyagoo kaashanaya Ciidanka Lubnaan. Qoraalkooda oo ay ku jiraan dhowr sawir oo hubka lagu helay, guddiga ayaa intaa ku daray in howlgalku uu ka dhacay meel u dhow Khadka Buluugga ah ee kala sooca Israa'iil, ujeeddaduna tahay in ay gacan ka geysato dejinta xiisadda iyo ilaalinta rayidka, iyadoo la raacayo Qaraarka 1701. UNIFIL iyo Shaqaalaha Guud ee Faransiiska midkoodna ma sheegin halka laga keenay tunnel-ka iyo hubka la helay. Si kastaba ha ahaatee, aaggan ayaa waxaa saameyn ku leh Ururka Xisbullah, oo muddo tobanaan sano ah saldhig ku leh koonfurta Lubnaan, kana soo horjeeda degsiimooyinka Waqooyiga Israa'iil. Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Golaha Wasiirada Lubnaan ay sii wadaan doodahooda Khamiista warqadda uu soo bandhigay ergayga Maraykanka Tom Barrack, taas oo qayb ka ah dadaalka lagu xakameynayo hubka dhulka Lubnaan. Waxaa xusid mudan in howlgalka UNIFIL lagu asaasay go’aan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe bishii March 1978-kii ka dib qabsashadii Israa’iil ee Lubnaan. Bishii Agoosto 2006, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 1701, ka dib dagaal socday 33 maalmood oo u dhaxeeyay Xisbullah iyo ciidamada Isra’iil. Qaraarka ayaa ku baaqay in si buuxda oo deg deg ah loo joojiyo dagaalka. Qoddobada qaraarkan waxaa ka mid ah in la kordhiyo maamulka dowladda Lubnaan dhammaan dhulalkeeda iyo in ay ku dhaqdo madax banaanideeda, in la mamnuuco wareejinta iyo adeegsiga hubka iyada oo aan oggolaansho laga helin dowladda, iyo in la dalbado in dowladda Lubnaan iyo ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL) ay ciidamadooda geeyaan Gobollada Koonfureed. Hawlgalka UNIFIL ee 11,000-awood leh ayaa door muhiim ah ka ciyaara sidii looga hortagi lahaa fiditaanka iyada oo loo marayo habka isku xirka. Waxay roondo ka wadda Koonfurta Lubnaan si ay si dhexdhexaadnimo ah ula socdaan horumarka ka socda dhulka, ka warbixiyaan xadgudubyada militariga, iyo taageeridda Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan. Dabayaaqadii bishii June, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan waxay ku dhawaaqday inay ka codsatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres inuu u cusboonaysiiyo shaqada UNIFIL muddo sannad dhan ah,laga bilaabo 31-Agoosto.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS OO BAYAAN KA SOO SAARTAY HADALKII NETANYAHU.

(SAWIRKA)-XAMAAS.

(GAZA)-Ururka Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay Khamiista maanta ah ku sheegtay in hadalka Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ee ku saabsan in si buuxda ay millatari ugu maamulaan Marinka Gaza uu ka dhigan yahay "AFGEMBI" ka dhan ah wada-xaajoodka lagu doonayo xabbad-joojinta Marinka. Dhaqdhaqaaqa ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qorshayaasha Netanyahu uu ku doonayo inuu ku balaariyo gardarada ay xaqiijinayaan in uu doonayo inuu ka takhaluso maxaabiistiisa oo uu u huro sidii uu danihiisa gaarka ah ugu adeegi lahaa. Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Golaha Wasiirada ee ammaanka Israa’iil ay caawa fiidkii isugu yimaadeen kulan ay kaga wadahadleen suurtagalnimada in la balaariyo hawlgallada milatari ee marinka Qaza, tallaabadaas oo ay si weyn uga soo horjeedaan caalamka iyo gudaha Israa’iil, oo ay ku jiraan qoysaska maxaabiista ay Xamaas gacanta ku hayso. Netanyahu ayaa sheegay horaantii Khamiista in Israa’iil ay doonayso in ay la wareegto militariga guud ahaan Marinka Gaza, ugu dambayntiina ay ku wareejin doonto ciidamada Carabta si ay si habboon ugu maamulaan. Mar la weydiiyay wareysi uu siiyay Fox News in Israa'iil ay maamusho Marinka oo dhan iyo in kale, wuxuu ku daray, "Waxaan dooneynaa inaan sidaas sameyno, ma rabno inaan sii wadno, waxaan rabnaa meel ammaan ah, ma rabno inaan xukunno, ma rabno inaan halkaas joogno ka maamul ahaan."Netanyahu ayaa shir jaraa’id oo uu la qaatay saxafiyiinta Hindiya ka dib markii uu la kulmay safiirka Hindiya u sheegay in qorshuhu uu ku baaqayo in Marinka Gaza lagu wareejiyo “Hay’ad maamusha oo si ku meel gaar ah u maamuli doonta”. Waxa uu sharaxay: "Waxaan rabnaa in aan ku wareejino awoodda ciidamada Carbeed si hufan u maamuli doona Gaza iyada oo aan handadaad, iyo innagoo siinaya nolol wanaagsan dadka deggan Gaza. Tani maaha mid ka suurto gal ah Xamaas." Netanyahu ayaa intaa ku daray in dagaalku uu soo afjarmi karo “berri” haddii Xamaas ay hubka dhigto oo maxaabiista ay ku wareejiso Isra’iil si shuruud la’aan ah. Wargayska Axios waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu go’aansaday in aanu diidin go’aanka Netanyahu ee ah inuu ku qabsado Marinka Qaza oo dhan, isla markaana uu dawladda Israa’iil uga tago go’aan kasta oo ay u aragto inay ku habboon tahay.

ZAMIIR WUXUU KU ADKEYSTAY DIIDMADIISA “QABSHADA GAZA”.

Dhankiisa, Madaxa shaqaalaha ee Israa’iil Eyal Zamir ayaa Khamiista maanta ah xaqiijiyay inuu sii wadi doono inuu muujiyo mowqifkiisa “CABSI LA’AAN,” saacado ka hor inta aan la qorsheynin in Golaha Wasiirrada amniga ay isugu yimaadaan shir looga hadlayo wejiga xiga ee dagaalka Gaza. “Waxaan sii wadi doonaa inaan u muujino mowqifkeena cabsi la’aan, si ujeedo, madax-banaan, iyo qaab xirfadeed,” Zamir ayaa laga soo xigtay mar uu la kulmayay saraakiisha sare ee ciidamada bayaan. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Zamir uu diiday qorsheyaal ay waddo xukuumadda Benjamin Netanyahu oo ay ka mid tahay iney la wareegto guud ahaan dhulka Falastiiniyiinta, kaasoo ay burburiyeen dagaallada socda muddo 22 bilood ah. Mareegta Isra’iil Hayom, oo soo xiganaysa ilo ku dhow dhow madaxa shaqaalaha, ayaa ku micneeyay in hadafka dambe uu yahay in laga adkaado Xamaas oo la soo celiyo maxaabiista ay gacanta ku hayso, iyada oo aan la gelin "dabinno istiraatiiji ah." Sida laga soo xigtay mareegaha, Zamir wuxuu ka soo horjeedaa in si buuxda loo qabsado Marinka Gaza, isaga oo u baqaya nolosha maxaabiista iyo xaalufinta ciidamada. Shabakadda ayaa xustay in qorshaha Zamir ay ka mid tahay in lagu hareereeyo goobaha muhiimka ah ee Marinka Gaza, iyadoo cadaadis joogto ah lagu saarayo Xamaas si ay u abuurto shuruudo lagu sii dayn karo la haystayaasha.

ISHA-AA.

Read More