URURKA JAAMICADDA CARABTA OO BERRI KA SHIRAAYO XAALADDA FALASTIIN.

(SAWIRKA)-JAAMICADDA CARABTA.

(CAIRO)-Falastiin ayaa codsatay jimciha maanta ah shir deg deg ah oo ey isugu yimaaddeen Golaha Jaamacadda Carabta ee heerka Wakiillada Joogtada ah si ey uga wada hadlaan ka hortagga dembiyada Isra’iil iyadoo la eegayo oggolaanshaha dawladda Israa'iil ee qorshe tartiib tartiib ah oo ey ku qabsanayso dhammaan marinka Gaza, sida uu sheegay Wakiilka Joogtada ah ee Falastiin u jooga Jaamacadda Carabta, Muhannad Al-Cakluuk. AL-Cakluuk waxa uu xaqiijiyey in Ergada Joogtada ah ee Dawladda Falastiin ee Jaamacadda Carabta ey codsatay kal-fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Jaamacadda ee heerka Wufuudda Joogtada ah, kaasoo ku salaysan awaamiirta ka soo baxday Madaxtooyada Falastiin iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Codsigan waxaa loogu talagalay in lagu falanqeeyo hababka ficil ee heerarka Carabta iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago dembiyada Isra’iil. AL-Cakluuk ayaa ku macneeyay in codsiga kulankan uu ku yimid dambiyada gardarada ah iyo xasuuqa joogtada ah ee maamulka gumeysiga ku hayo shacabka Falastiin in ka badan 671 maalmood oo xiriir ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in go’aanka Isra’iil ey dib ugu qabsaneyso guud ahaan Marinka Gaza uu horseedi doono barakicin qasab ah oo lagu hayo shacabka Falastiin. AL-Cakluuk ayaa ka digay in go’aankan uu ka dhalan doono xasuuq aad u xun, gaajo badan, iyo burburinta joogtada ah ee xeryaha qaxootiga Falastiin. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in kulanka laga soo saaro go’aan Carbeed oo ku baaqaya in tallaabo wax ku ool ah laga qaado heer Carab iyo heer caalami si loo Maxkamadeeyo dembiilayaasha. Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa ansixiyay qorshe “tartiib tartiib ah” ah oo ey ku doonayso iney ku qabsato dhammaan marinka Qaza, oo ey ugu horreyso qabsashada magaalada Gaza oo ey ka barakiciyeen dadkii deganaa, ka dibna ey ku hareereeyeen magaalada, isla markaana ey duullaan ku qaadeen xarumaha dadweynaha. Talaabadan ayaa timid iyadoo ey socoto taageerada Mareykanka. Sida laga soo xigtay xogta Qaramada Midoobay, 87 boqolkiiba Marinka Gaza ayaa hadda ku hoos jira gumeysiga Isra’iil ama waxay ku xiran yihiin amarada daadgureynta, iyagoo ka digaya in balaarinta milatari ee kale ey yeelan doonto cawaaqib xun. Xasuuqa Israa’iil waxa ku dhintay 61,258, 152,045 dhaawac ah, in ka badan 9,000 oo kalena waa la la’yahay. Dembiyada Israa’iil ayaa weli sii socda iyagoo ka soo horjeeda dhammaan baaqyada caalamiga ah iyo amarada ka soo baxa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee lagu joojinayo dambiyadaas, taasoo sii xumaynaysa dhibaatada dadka reer Falastiin, isla markaane muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay xadgudubka loo geysto.

ISHA-ALQABS.

Previous
Previous

REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO KA HADLAY MUSUQ-MAASUQA DALKIISA.

Next
Next

XUUTIYIINTA OO SEDDEX DRONES KU WEERARAY ISRA’IIL FIIDNIMADA JIMCAHA.