XUUTIYIINTA OO SEDDEX DRONES KU WEERARAY ISRA’IIL FIIDNIMADA JIMCAHA.

(SAWIRKA)-DRONES.

(YEMEN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa ku dhawaaqday fiidnimada Jimcaha iney fuliyeen seddex weerar kuwaaso ey u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, waxaane lala beegsaday goobo dhowr ah oo ka tirsan Israa’iil. Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yahya Sareex, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxdiisu ey fuliyeen saddex hawlgal oo milatari oo ey ku bartilmaameedsadeen saddex bartilmaameed oo Israa’iil ah oo ku yaalla Yaafac, Casqalaan, iyo Biir-sabca, iyadoo la adeegsaday saddex diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn. Mar sii horeysay, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay iney qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo riday Yemen iyadoo aan la hawlgelin seeriga hawada. Bayaanka ey soo saareen Xuutiyiinta ayey ku cusboonaysiisay digniinta ey u jeedinayaan dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya dekedaha Falastiiniyiinta, waxayna ku nuuxnuuxsatay in " maraakibtooda la beegsan doono si kasta oo ey u socdaan, waana iney si deg deg ah u joojiyaan dhammaan la macaamilka dekedahaasi si loo ilaaliyo badbaadada maraakiibtooda iyo shaqaalahooda." Kooxda Xuutiyiinta ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2023 qaadaysay weeraro isdaba joog ah oo isugu jira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah bartilmaameedyada Israa’iil, taasoo ey ku sheegeen iney ku taageerayaan Falastiiniyiinta ku sugan Marinka Qaza. Iyagoo ka jawaabaya weerarradaas, Israa’iil waxay duqaymo xagga cirka ah ku qaadday dekedda Xudeydah iyo xarumaha tamarta muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaannada Xuutiyiinta Yemen ey ka taliyaan,taaso keentay khasaaro naf iyo maalba leh.

ISHA-AA.

Previous
Previous

URURKA JAAMICADDA CARABTA OO BERRI KA SHIRAAYO XAALADDA FALASTIIN.

Next
Next

ISRA’IIL OO DISHAY XUBNO KA TIRSAN ISLAMIK JIHAAD.