ISRA’IIL OO DISHAY XUBNO KA TIRSAN ISLAMIK JIHAAD.
(SAWIRKA)-URURKA ISLAMIK JIHAD.
(BEIRUT)-Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay iney dileen laba taliyeyaasha dagaalka oo ka tirsanaa dhaq-dhaqaaqa Jihaad Islaami ee Falastiin ee marinka Gaza. Xafiiska warfaafinta ee ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in “intii lagu guda jiray mid ka mid ah howlgallada, la dilay Argagixisa oo ahaa taliye Ku Xigeenka Guutada Beyt Xanuun ee Islamic Jihad, Murad Nasser Musa Abu Jaraad,”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Howlgal kale oo kan la mid ah, waxaa lagu dilay taliye Ku Xigeenkii qeybta la dagaalanka taangiyada ee Guutada magaalada Gaza ee Islamic Jihad, Maxamud Shukri AL-Dardasawi."Xafiiska warbaahinta ayaa sharaxay: "Labada Argagixisada ee la dilay waxay ka qaybqaateen weerarkii Israa'iil ee dhacay Oktoobar 7, 2023, waxayna qorsheeyeen oo ey fuliyeen weeraro ka dhan ah rayidka iyo askarta Israa'iil." Bayaanka ayaa intaa ku daray, "Intii lagu guda jiray howlgallada dheeraadka ah ee bartilmaameedka ah, tiro ka mid ah hawl-wadeennada Xamaas ee mas'uulka ka ah weerarrada gantaallada iyo hoobiyeyaasha iyo rasaasta waa la dilay."Milateriga Israa’iil ayaa hawlgalladan ku tilmaamay “qayb ka mid ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo silsiladda taliska Ururada Argagixisada si weyna loo dhimo dhaqdhaqaaqooda Argagixisanimo”.Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Israa’iil “ey sii wadi doonaan hawlgallada ey ka wadaan marinka Qaza si ey u difaacaan dadka rayidka ah ee ku nool dhulka Isra’iil.
ISHA-AA.