REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO KA HADLAY MUSUQ-MAASUQA DALKIISA.

(SAWIRKA)-RW-AL-SUDANI.

(IRAQ)-Raysal Wasaaraha Ciraaq Maxammed Shayaac AL-Sudani ayaa Sabtida maanta ah sheegay in isku shaandheyntii Wasiir ee uu ballan qaaday taasoo qeyb ka ahayd barnaamijkii dowladda ee ka dhashay Qiimeyntii aan sameynay uu hakad galay sababo la xiriira carqaladeyn Siyaasadeed. Suudaani oo ka qayb galay shirkii ugu horeeyay ee lagu qiimaynayay waxqabadka masuuliyiinta dawladda ee maanta lagu qiimaynayay ayaa yiri: “Waxaanu Qorshaynay in shuruudaha qiimayntu ey noqdaan kuwo cad oo dhamaystiran, laga bilaabo Maamulayaasha guud, ka dibna loo gudbo Xoghayayaal, La-taliyeyaal, Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan, iyo Wasiirada. Waxa uu carabka ku adkeeyay in si deg deg ah wax looga qabto qodobada Musuq Maasuqa, isla markaana ey ka baxsan yihiin qiimeynta, oo mararka qaar ey la kulmaan caqabado Siyaasadeed, iyadoo musharaxiin aan u qalmin xilalka loo gudbiyay, marka loo eego kuwa qiimeynta lagu sameeyay. Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan samaynay guddiyo heer sare ah oo ka socda Xafiiska Raysal Wasaaraha, iyadoo ey ka soo qeybgaleen hay’ado korjoogto ah iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha, waxaana gacan ka helaya kooxo farsamo oo gaar ah iyo Macalimiin Jaamacadeed, si ey si xirfad iyo hufnaan ku jirto u dhameystiraan, waxaana heerkii maamulayaasha guud lagu sameeyay 1,135 qiimayn sanadeed Nus-sanneed, taasoo keentay in shaqada laga ery 41-Agaasime Guud lana hawlgeliyo 89-kale oo Wakiilo ah,iyadoo loo eegaayo awoodda wax-qabad." Waxa uu yiri, "Hannaanka qiimayntu waxa uu dardar dheeraad ah siiyey waxqabadka dawladda, isaga oo abuuray geeddi-socod dardargelin ah iyo xiisaha muuqda ee heerarka kala duwan ee hoggaaminta. Heerka isbeddelku waxa uu dhaafey 21% tirada la qiimeeyey." Suudaani waxa uu sharaxay “Xoghayaha Wasaaradaha iyo La-taliyeyaal ayaa la qiimeeyey, waxaana la qiimeeyey 52 Xoghaye Hoosaad ah iyo 12 La-taliye, iyadoo la eegayo natiijada Golaha Wakiilladu waxa ey ansixiyeen magacaabista tiro ka mid ah,oo markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2003-dii.

ISHA-AA.

Previous
Previous

QARAX ASKARI KU DHIMATAY OO KA DHACAY K/LUBNAAN.

Next
Next

URURKA JAAMICADDA CARABTA OO BERRI KA SHIRAAYO XAALADDA FALASTIIN.