Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADO DRONES AH IYO AGAB CIIDAN OO LAGU QABTAY DEKEDA CADAN.

(SAWIRKA)-DRONES.

(YEmen)-Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee dalka Yemen ayaa fashiliyay isku day lagu doonayay in lagu soo raro shixnad Diyaaradeed iyo agab u badan hubka oo loo waday kooxda Xuutiyiinta. Kunteenaro laga shakiyay ayaa lagu qabtay Markab Ganacsi oo kasoo dagay Dekada Cadan ee dalka Yemen. Hay’adda ayaa warbixin ay soo saartay Arbacadii shalay ku sheegtay in howlgalkan ey iska kaashadeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo sidoo kale ammaanka aagga xorta ah ee dekadda. Koonteenarada ayaa ka koobnaa Diyaarado aan duuliye lahayn, aaladaha Wireless-ka, Unugyo casri ah oo laga hago, iyo qalab ciidan oo kala duwan. Warka ayaa lagu sheegay in Markabka uu ku sii jeeday Dekedda ey Xuutiyiinta maamulaan ee Xudeydah. Doonta ayaa isku badashay jihada Cadan ka dib markii marsada magaalada Xeebta ah ey dhawaan Isra’iil duqeysay. Hay'adaha ammaanku waxay heleen xog sirdoon oo sax ah oo ku saabsan shixnadda, taasoo u baahan in tallaabo sharci oo deg deg ah laga qaado iyadoo ey ilaalinayso Xeer-ilaalinta Dambiyada Gaarka ah. Baaritaanka ayaa dhacay 2-dii bishan Agoosto, waxaana ka qeyb galay kooxo ka kala socday Kastamka iyo Booliska Aagga Xorta ah. Agabka la soo qabtay ayaa waxaa dusha ka ilaalinayay Xeer ilaalinta Qaranka oo baaritaan ku bilowday kiiskan. War saxaafadeedka oo soo xiganaya ilo amni ayaa xaqiijinaya natiijada kormeerka ah in Dekedda Xudeyda loo adeegsado marinka hubka ee Xuutiyiinta, taasoo qeyb ka ah shabakad abaabulan oo keenta qalab casri ah. Xog-wareedkan ayaa bogaadiyay sida ey isku-dubbadareen masuuliyiinta ammaanka ee Dekedda Cadan iyo doorka ey kooxaha kastamka iyo kormeerku ku leeyihiin qabashada shixnadda. Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in baaritaano ey socdaan. Warbixin faahfaahsan oo ey ku jiraan cadeymaha ayaa loo gudbin doonaa guddiga cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ey ku jiraan halka laga keenay shixnadaha iyo dhinacyada ku lugta leh, gaar ahaan kooxda Xuutiyiinta.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ADEERKA WIIL SACUUDI AH OO UK KU SHEEGAY DHUL AAN NABAD AHAYN.

(SAWIRKA)-AL-QAASIM.

(LONDON)-UK waxa ay luminaysaa sumcadii ay ku lahayd in ay noqoto goob Waxbarasho oo ammaan ah oo loo safri karo, adeer arday Sucuudiyaan ah oo toori lagu dilay magaalada Cambridge ayaa sidaas u sheegay The National. Moxammed Yuusuf AL-Qaasim, oo 20 jir ah, ayaa lagu dilay magaalada Mill Park Jimcihii la soo dhaafay, wax uu booliisku ku tilmaamay "weerar aan laga fiirsan."  Waxa uu ku jiray koorsada meelaynta 10-usbuuc ee EF International Language Campuses Cambridge, dugsi gaar ah oo Ingiriisi ah. Chas Corrigan, oo 21 jir ah, ayaa lagu soo oogay dacwad dil iyo inuu mindi ku haystay meel fagaare ah. Corrigan ayaa Arbacada maanta ah kasoo muuqday Maxkamada Cambridge Crown Court waxaana lagu sii haynayaa xabsiga, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay sidaas. Waxaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto maxkamadda dhageysiga dacwadda 8-da Sebtembar markaasoo uu geli doono qiraal iyo jadwal dacwadeedka la soo bandhigi doono. Maajid Aba-alkhayl, oo ah AL-Qaasim adeerkiis, ayaa sheegay in xubnaha qoysku ay u safreen Cambridge si ay u soo celiyaan maydkiisa. "Moxammed aabihiis waxa uu joogaa Cambridge, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah walaalihiis, si ay ula socdaan habraacii loo keenay Maxamed guriga, isaga oo la kaashanaya Safaaradda Sucuudiga," ayuu raaciyay. Faallooyinka uu siiyay The National, Aba alkhayl wuxuu u gudbiyay "niyad-xumada qoto dheer iyo xanaaqa sii kordhaya" ee ku saabsan sharciga iyo caddaaladda ee UK. Dalka UK oo ay muddo dheer u arki jireen inuu yahay meesha ugu sarreysa ee Waxbarashada iyo dalxiiska, ayaa si deg deg ah sumcad ugu yeelanaya sharci-darro iyo amni-darro, ayuu yiri. "Dadka ka kala yimid dalal kala duwan, oo ay ku jiraan qaar badan oo ka mid ah dalalka Carabta, ayaa si dhab ah uga fekeraya qorshe kasta oo lagu booqdo ama wax ku barto UK," ayuu raaciyay Aba-alkhayl. "Tani waa runta adag ee lagaga hadlo wada sheekeysiga gaarka ah iyo goobaha bulshada waana waqtigii si sare loogu dhawaaqi lahaa. "UK waxay si deg deg ah u luminaysaa sumcadeeda caalamiga ah, ma aha oo kaliya xarun Waxbarasho, laakiin xitaa meel loo socdaalo. "Nasiib darrose, UK waxay noqonaysaa astaan sharci-darro, amni-darro iyo guul-darro dowladeed, aragtidanna waxay si dhaqso ah ugu fidaysaa dhammaan dadka kala duwan." Waxa uu u mahadnaqay marxuumka oo uu ku sheegay inuu yahay 20-jir, ahaane "nin yar oo deggan, qalbi naxariis leh," oo ku riyooday inuu noqdo dhakhtar. Dilka AL-Qaasim ayaa daba socda dil toogasho ah oo lagu dilay Moxammed Afzal oo 19 jir ahaa magaalada Bury todobaadkii hore. Aba-alkhayl wuxuu sheegay in weerarrada dilaaga ah ay muujinayaan "jawi khatar ah oo ay ragaadiyeen tuugo, toorey iyo dambiyo rabshado wata" gudaha UK. Dugsiga AL-Qaasim ayaa sheegay iney aad ah uga xun yihiin dhimashadiisa. Tirokoobyada kala duwan ee booliska, gaar ahaan kuwa London, ayaa muujiyay in ey sare u kaceen dambiyada sannadihii u dambeeyay, iyadoo ey sii kordheyso carada ey shacabku ka qabaan xaaladda sharciga iyo caddaaladda ee dalka. Intii u dhaxaysay ilaa Maarso 2025, mas'uuliyiintu waxay diiwaangeliyeen 6.6 milyan oo dambi, laga soo bilaabo 4.2 milyan toban sano ka hor. Isla muddadaas waxa dhacay 22,000 oo dembiyo mindi la xiriira, kororka muuqda ee 14,000 ee 2015kii. Sannadkii 2024, waxaa jiray ku dhawaad 17,000 oo dembiyo mindi ah, tiradaas oo ku dhawaad labanlaabantay toban sano gudahood.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUUMADDA LUBNAAN IYO URURKA XIZBULLAHI OO ISKU QATAARAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA LUBNAAN.

(BEIRUT)- Wasiirka Barakacayaasha dalka Lubnaan Kamaal Shaxaataa ayaa Arbacada maanta ah sheegay in dowladdu aysan dib uga fiirsan doonin go’aanka ay ku xaddidayso haysashada hubka. Waxa kale oo uu Tv-ga AL Arabiya u sharaxay in go’aanka dawladdu uu sugaayo mustaqbalka Lubnaan, isaga oo xusay in “Lubnaan maanta ay si midaysan u aaminsan yihiin in hubka ku jira gacanta malleeshiyooyinka uu waxyeello leeyahay. Ururadda "Xisbullah iyo Amal maanta waxay iska horkeenayaan inta badan Lubnaan," ayuu sii raaciyay. Arrintan ayaa jawaab u ah hadal kasoo baxay Ururka Xisbullah oo ku dhawaaqay in go'aanka xukuumadda Lubnaan ay ku doonayso inay ciidamada ku dajiyaan qorshe dhaqangelin ah oo lagu xaddidayo haysashada hubka ka hor dhammaadka sannadkan uu ahaa khalad weyn. Waxa uu sii watay bayaan uu soo saaray Arbacada maanta ah in go’aamada xukuumadda Nawaf Salam ay yihiin kuwo ka dhashay amarkii ergayga Maraykanka Tom Barrack. Sidoo kale, waxa uu go’aanka xukuumadda Lubnaan u arkay mid xad-gudub ku ah hadalka Wasiirka, isaga oo u arkayay ka bixitaankii Xisbullah iyo Wasiiradda Amal ee fadhigii Golaha Wasiirrada inay muujinayso diidmadooda go’aankaas. Waxa uu sheegay in go’aanka dowladda uu wiiqayo Madaxbanaanida Lubnaan, islamarkaana Israa’iil uu siinayo gacan xor ah. Waxa kale oo uu ku dhawaaqay in uu go’aanka dawladda Lubnaan ula dhaqmi doono sidii mid aan jirin.

FADHI TAARIIKHI AH:

Dowladda ayaa shalay ku dhawaaqday, ka dib fadhi lagu tilmaamay mid taariikhi ah, iney u xilsaartay ciidanka iney dejiyaan qorshe hubka lagu xadidayo ciidamada sharciga ah ka hor dhamaadka sanadkan, iyadoo qorshahana la soo gudbin doono dhamaadka bisha August. Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah, Naciim Qaasim ayaa go’aannada dowladda ka hor-yimid, isagoo ku nuux-nuux saday in jadwal walba oo hub ka dhigis ah oo la soo bandhigo si loo dhaqan-galiyo uusan isaga ogolaan doonin. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dowladda iney dejiso qorshayaal ay kaga hortagayso cadaadiska iyo hanjabaadaha, isla markaana ay ka hortagto, waa sida uu hadalka u dhigaye.

XAYIRAADDA HUBKA:

Waxaa xusid mudan in tiro ka mid ah xulafada Xisbullah ay si cad u caddeeyeen iney taageersan yihiin in hubka lagu xaddido dowladda, iyadoo loo arkayay mid cajiib ah. Waxa ugu cad cad oo ay ka mid yihiin Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Xorta ah oo uu madax ka yahay Wasiirkii hore ee Jubraan Baasil, oo ka mid ahaa taageerayaashii ugu caansanaa xisbiga, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa AL-Muradah, Xildhibaan Tony Frangieh ayaa sheegay in "qof walba waa in uu ka soo horjeestaa caqli-galnimada dowladda iyo ciidamada," isagoo carabka ku adkeeyay "in ku tiirsanaanta dowladda ay tahay waxa badbaadinaya Lubnaan." Xildhibaanka da’da yar, oo Aabihii, Suleiman Frangieh, lagu tiriyo inuu yahay saaxiibka muhiimka ah ee xisbiga, ayaa yiri, "Waxa aan u baahanahay waa inaan hubka ku koobno dowladda iyo ciidamada." Dhanka kale, xisbigan oo la kulmay khasaare naf iyo maalba leh, intii lagu guda jiray iska-horimaadyadii u dambeeyay ee Israa’iil la galay sannadkii hore, ayaa ku nuux-nuuxsaday in aanay hubkooda dhiibi doonin, haddii aanay Israa’iil ka bixin shanta qodob oo ay weli ka haysato xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sidoo kale caddeeyey inuu u furan yahay inuu ka hadlo “istaraatijiyadda difaaca,” oo ah erey ay dad badan oo indha indheeya ku tilmaameen mid aan caddayn, gaar ahaan sannado ka hor markii Madaxtooyadu bilawday wada-hadallo ku saabsan xakamaynta hubka.

ISHA-AA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

250-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO DOON KULA JABTAY XEEBAHA YEMEN.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(YEMEN)-Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo tiradooda lagu sheegay 7-qof ayaa u dhintay gaajo iyo harraad, ka dib markii ay si aan caadi ahayn uga safreen Dekedda Boosaaso ee maamulka Puntland iyagoo ku sii jeeday xeebaha dalka Yemen, ka dib markii doonidii ay la socdeen ay ku ciladowday badda muddo dhowr maalmood ah. Wariye Faris AL-Ximyari oo reer Yeman ah ayaa kasoo xigtay ilo maxalli ah in doonida oo ay la socdeen ku dhawaad 250 tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ay ku jiraan ku dhawaad 90 Haween ah ay ku jabtay badda xili ay ku sii jeeday dhanka Xeebta Gobolka Shabwa ee Koofur Bari Yemen. Warku wuxuu intaa ku daray in doonyaha kalluumaysiga ee deegaanka ay u suurtagashay iney gurmad u fidiyaan oo ay badbaadiyaan tahriibayaasha. Dhacdadan ayaa sababtay dhimashada 7 qof oo gaajo, haraad iyo xaalad adag oo safarka ku jirtay awgeed. Sida warku sheegayo dadkii ka badbaaday shilkan ayaa lagu soo dhoweeyey xeebta degmada Radhuum ee Gobolka Shabwa, halkaas oo la gaarsiiyey gargaar bini’aadantinimo iyo gar-gaar deg-deg ah, waxaana maydadka dadkii dhintay si sharaf leh loogu asturay iska degaanka. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib masiibo noocaan oo kale ah oo ka dhacday xeebaha Gobolka Abyan, halkaasi oo ay ku qaraqmeen 86 tahriibayaal ah ka dib markii ay la qalibantay doontii ay la socdeen, taasi oo ka dhigan mid ka mid ah masiibadii ugu xumaa ee Tahriibka Badda ee gobolkaas ka dhacda sannadihii u dambeeyey.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SURIYA OO FASHILISAY WEERAR ISMIIDAAMIN AH.

(SAWIRKA)-NAFTII HALIGA LA QABTA SURIYA.

(SYRIA)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqday in xabsiga loo taxaabay labo xubnood oo ka tirsanaa maamulkii hore ee dalkaasi oo qorsheynayay weerar lagu qaado Kaniisad ku taal magaalada xeebta ah ee Tartuus. Wasaaraddu waxa ay bayaan ay soo saartay Arbacada maanta ah ku sheegtay in “Cutubka Hawlaha Gaarka ah, oo si gaadmo ah u qorsheeyey, dabagal, ka dib, ay u suurtagashay iney xiraan laba xubnood oo ka tirsan koox sharci-darro ah oo lala xiriirinayo haraagii taliskii hore . Waxa ay sidoo kale daabacday sawiro muujinaya waxa maxaabiista laga helay oo ay ku jiraan Walxaha Qarxa, warqado ay ku qoran yihiin weero hanjabaad iyo cabsi gelin ah iyo calanka Daacish.

KANIISADDA DIMISHQ:

Bishii Juun ee la soo dhaafay, weerar Argagixiso ayaa lagu beegsaday degmada Duweylacah ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 25 qof. Nin hubeysan ayaa gudaha u galay Kaniisada waxaana uu rasaas ku furay dadkii ku cibaadeysanayay Kaniisada, waxaana xigay mid kale. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xilligaasi shaaca ka qaaday in ragga weerarka geystay ay ka yimaadeen dhanka xerada Al-Hawl oo ay soo mareen saxaraha si ay dambigooda u fuliyaan, waxaana ay xaqiijisay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagixsada Daacish. Waxa ay sidoo kale shaacisay iney gacanta ku dhigtay mid ka mid ah labadaasi canaasiir, xilli uu u socday in uu weeraro ismiidaamin ah ka fuliyo macbadka Sayida Saynab ee ku yaala baadiyaha Dimishiq. Tan iyo markii la riday Madaxweynihii hore ee dalka Suuriya Bashaar AL-Asad December 8, 2024, wadanku waxa uu soo wajahday dhibaatooyin dhanka amaanka ah, gaar ahaan iyadoo ay joogaan “Haraadigii maamulkii Bashaar” oo badan, sida ay ku sifeeyeen maamulada cusub. Intaa waxaa dheer, khatarta kooxda ISIS ayaa sii socota, inkastoo ay si weyn hoos ugu dhacday, joogitaankoodana ay ku kooban yihiin kooxo yar yar iyo Haraadiga Saxaraha Suuriya.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXA AMAANKA UK OO MW-AL-SHARAC KULA KULMAY DIMISHIQ.

(SAWIRKA)-POWELL.

(DIMISHIQ)-Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Suuriya Axmed AL-Sharac ayaa Talaadadii shalay ahayd magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq kula kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka Ingiriiska Jonathan Powell oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo Horumarinta Amniga iyo Xasilloonida Gobolka. Kulanka oo ka dhacay Xafiisyada Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, Ascad AL-Shaybaani iyo Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Xuseen AL-Salama. Wada-hadallada ayaa lagu soo qaaday sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal iyo dib u eegis lagu sameeyo horumarka gobolka iyo kan caalamiga ah. MW-AL-Sharac waxa uu sheegay in Suuriya ay u furan tahay "hal-abuur kasta oo dhab ah oo taageeraya ammaanka iyo xasilloonida gobolka, waase haddii ay ixtiraamto Madaxbannaanida Suuriya iyo go'aannada qaran ee madaxbannaanida". Powell ayaa sidoo kale wadahadalo gooni gooni ah kula yeeshay Dimishiq Wasiirka Difaaca ee Suuriya Marhaf Abu Qusrah. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca iyo xiriirka labada dal. Booqashadan la xiriirta, ergeyga gaarka ah ee Ingiriiska u qaabilsan Suuriya Anna Snow ayaa la kulantay MW-AL-Sharac iyo Wasiir Shaybaani si ay uga wadahadlaan xaaladda gobolka iyo marxaladda ku meel gaarka ah ee Suuriya. Waxay sheegtay in UK "ay garab taagan tahay dadka Suuriya ayna sii wadi doonto arrintaas". Kulamadan ayaa hoosta ka xarriiqay inuu sii kululaanayo xiriirka ka dhexeeya London iyo Dimishiq ka dib dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee bishii hore. Horraantii bishii Luulyo, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska David Lammy wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay ee qabta jagada oo booqda Dimishiq in ka badan 14 sano. Booqashadaas ayaa muujisay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda UK ee ku wajahan Suuriya ka dib sannado badan oo burbur siyaasadeed ka dib kacdoonkii 2011 iyo dagaalka sokeeye. Arrintan ayaa timid ka dib markii UK ay bishii April ka qaaday cunaqabateyntii saarneyd 12 dowladood oo Suuriyaan ah, oo ay ku jiraan Wasaaradaha Difaaca iyo Arrimaha Gudaha, taasoo lagu tilmaamay inay tahay tallaabo lagu taageerayo dib u dhiska ka dib markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad. AL-Asad, hogaamiyaha Suuriya ee ku dhawaad rubuc qarniga, wuxuu u cararay Ruushka bishii Diseembar, isagoo soo afjaray xukunkii Xiabigii AL-BACTHI(Baath Party) oo socday tan iyo 1963. Maamul ku-meel-gaar ah oo uu hoggaamiyo Sharac ayaa la sameeyay bishii Jannaayo iyadoo loo igmaday inuu dalka u jiheeyo xasillooni iyo heshiis siyaasadeed. Isagoo hadlayay ka dib booqashadiisa Luulyo, Lammy wuxuu sheegay inuu "kulan wax ku ool ah" la yeeshay Sharac iyo Shaybaani, kaasoo ay ka wadahadleen xasilloonida, isbeddel siyaasadeed oo daboolaya rabitaanka dadka Suuriya, iyo tallaabooyin wax looga qabanayo khataraha ammaanka ee UK. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la dhimo darawalada socdaalka aan caadiga ahayn iyo hagaajinta xaaladaha u suurtagelinaya Suuriyaanka ku nool UK iyo gobolka in ay ku noqdaan dalkooda. AL-Sharac, oo xilka Madaxtinimada ku meel gaarka ah la wareegay bishii Janaayo ee sanadkan ka dib burburkii taliska Asad, ayaa dowladdiisa u meel dhigay mid u furan dib u dhiska xiriirka dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolka, isagoo ku adkeystay in la ilaaliyo Madax banaanida Suuriya dhammaan wada xaajoodyada. La shaqaynta Madaxda sare ee UK todobaadkan waxa ay soo jeedinaysaa in labada dhinacba ay raadinayaan in ay sii qoto dheereeyaan iskaashiga dhanka amniga, socdaalka, iyo dib u dhiska. Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha diimeed ee ka socda koonfurta dalka Suuriya ee Druze, Suweyda. Iska horimaadyo ayaa bartamihii bishii July ku dhex maray maleeshiyada Druze iyo qabaa’ilka Baadiyaha Sunniga ah, waxaana soo dhexgalay ciidamada dowladda taasoo keentay in dhiig badan uu daato. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun, waxaana ku barakacay tobanaan kun, taasoo keentay in diyaaradaha Isra’iil iney duqeymo ka geystaan goobaha ay ku sugan yihiin Suuriya,Lamana oga in Powell uu arrintan ugu yimid MW-AL-Sharac. Bishan Agoosto, mas'uuliyiintu waxay sameeyeen guddi xaqiiqo raadin ah oo baara rabshadaha, iyada oo warar horudhac ah ay muujinayaan in xabbad joojinta si isdaba joog ah loo jebiyey, ciidamada amniga gudahana lagu weeraray tuulooyin dhowr ah. Lama shaacin jadwal kale oo dhexmari doona Powell iyo Sharac, balse mas’uuliyiinta Dimishiq iyo London ayaa ka dhawaajiyay in wada-hadallada ay sii socon doonaan taasoo qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka iyo ka wada shaqeynta xasilloonida gobolka.

ISHA-ARABY JADEED.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAAJO IYO MACLUUL BA’AN OO KA TAAGAN GOBOLKA DAARFUUR.

(SAWIRKA)-EL FAHSER.

(SUDAN)-Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dadka degan EL Faashir, oo ah caasimadda Gobolka Waqooyiga Darfur ee Galbeedka Suudaan, oo ay go’doomiyeen ciidammada Taageerada deg degga ah, ay soo food saartay macaluul aad xoog u leh, iyadoo uu weli dagaalka ka socdo dalkaas. "Qof walba oo ku nool EL Faashir wuxuu wajahayaa halgan maalinle ah si uu u noolaado," ayuu yiri Eric Berdison, Agaasimaha Gobolka WFP ee Bariga iyo Koonfurta Afrika. Waxa uu sidoo kale ka digay in "awoodda u adkeysiga ay gebi ahaanba meesha ka baxday ka dib markii in ka badan laba sano oo dagaal ah, iyo nolosha ay waayi doonaan iyada oo aan si deg deg ah oo joogto ah u helitaan" khayraadka aasaasiga ah, sida ay sheegtay Wakaaladda France-Presse.

KOR U KACA QIIMAHA:

Dhanka kale, waxaa sare u kacay qiimaha badeecadaha aasaasiga ah, sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, iyadoo xustay in haruurka iyo sareenka laga sameeyo rootiga iyo Harisa ay 460% ka badan yihiin Ceel-Fashir. Barnaamijku waxa uu intaa ku daray in suuqyadu ay ku dhow yihiin in ay ka martaan alaabaha, isla markaana ay xirmaan inta badan madbadihii la wadaagi jiray. Waxa uu sidoo kale xusay in qoysaska qaar aysan haysan wax kale oo aan ka ahayn in ay cunaan calafka iyo qashinka, halka nafaqo darada ay gaartay heerkii ugu xumaa ee carruurta. Waxa uu tilmaamay in ku dhawaad 40% carruurta ka yar shanta sano ay la il daran yihiin nafaqo-xumo aad u daran, oo ay ku jiraan 11% oo ay hayso nafaqo-darro aad u daran, sida uu sheegay barnaamijka Qaramada Midoobay.

XERADA ZAM-ZAM:

Sannad ka dib markii macaluul lagaga dhawaaqay xerada ay deriska yihiin ee Zam-zam, EL Fashir ayaa laga joojiyay gargaar bini'aadantinimo tan iyo markii ay go'doomiyeen bishii May 2024 ciidammada Taageerada deg degga ah, kuwaasoo dagaal kula jira ciidammada Suudaan in ka badan laba sano. Waxaa xusid mudan in bishii April ee la soo dhaafay, weerar lagu qaaday xerada Zam-zam uu sababay in dad badan oo rayid ah ay ku soo qulqulaan magaalada Ceel Fashir, oo ah caasimadda kaliya ee ku taal gobolka weyn ee Darfur oo weli ka maqan gacanta Ciidamada Taageerada deg dega ah. Tan iyo markii ay lumiyeen caasimadda Khartoum, dib u qabsashadii ciidanku bishii Maarso ee la soo dhaafay, Ciidamada Taageerada Deg degga ah waxay xoojiyeen weerarrada ay ku hayaan Ceel Fashir iyo Xeryaha Qaxootiga ee ku hareeraysan. Dagaalka oo hadda galay sanadkii saddexaad ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay malaayiin qof, taasoo abuurtay "dhibaatada bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka," sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NAADIGA AL-HILAL EE SACUUDIGA OO LA GANAAXAY $133-KUN DOOLAR,SABABTA?

(SAWIRKA)-NAADIGA AL-HILAAL.

(RIYAD)-Kooxda AL-Hilaal ee heysata Horyaalka Dalka Sacuudiga waxaa laga mamnuuci doonaa tartanka Saudi Super Cup 2026-27 haddii ay u soo baxaan ka dib markii ay ka hareen tartanka afarta kooxood ee xilli ciyaareedkan, Guddiga Anshaxa ee Xiriirka Kubadda Cagta Saudi Arabia (SAFF) ayaa Talaadada maanta ah sheegay. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii AL-Hilaal ey isaga baxday koobka Super Cup-ka, kaasoo la qorsheeyay in lagu ciyaaro 19-ka ilaa 23-ka August ee sanadkan Hong Kong, iyadoo sabab uga dhigay daalka ciyaartoyga ka dib ololahooda koobka kooxaha aduunka. Waxa ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Fluminense wareega 8da ee July 4. "AL-Hilal waxa uu diiday ka qayb galka koobka Super Cup-ka Sacuudiga ee xilli ciyaareedka 2025-2026 ka dib markii la soo saaray jadwalka rasmiga ah ee tartanka," Guddiga Anshaxa ayaa ku yiri bayaan. "Natiijo ahaan, guddiga ayaa go'aamiyay in AL-Hilaal uu ku xad-gudbay qodobka (59-3) ee xeerarka anshaxa wuxuuna Naadiga ku Ganaaxay 500,000 Riyal Saudi ($ 133,000) si loo siiyo SAFF," ayaa lagu daray bayaanka. Marka laga soo tago Ganaaxa, kooxda ayaa laga mamnuucay ka qeyb galka Super Cup-ka 2026-27 waxaana laga xayuubiyay abaalmarino lacageed oo loo qoondeeyay tartanka xilli ciyaareedkan. Guddiga ayaa sheegay in go’aanka uu yahay mid racfaan laga qaadan karo. Waxa ay ku guuleysteen Super Cup-ka markii ay garaaceen kooxda Al-Nassr xilli ciyaareedkii hore iyaga oo qaaday koob shanaad oo rikoor ah. Koobka Super Cup-ka Sacuudiga ayaa waxaa ku tartamaya kooxda ku guuleysata iyo kaalimaha labaad ee Koobka Boqorka iyo Boqortooyada Sacuudiga. Al-Hilaal ayaa ku dhameystay kaalinta labaad 2024-25 Pro League isagoo ka danbeeyay Al-Itixaad. Al-Hilal, oo lagu waday inay wajahdo kooxda labaad ee koobka King's Cup ee Al-Qadsiyah semi-finalka Super Cup 20ka Agoosto, ayaa lagu bedelay kooxda ku guuleysatay AFC Champions League Al-Ahli. Tan iyo markii Al-Itixaad ay ku guuleysteen Pro League iyo King Cup,booska dheeriga ah ee Super Cup waxaa la gudoonsiiyey kooxda AL-Nasr oo ah kooxda kaalinta seddexaad gashay Horyaalka dalka Sacuudiga taaso u gubi doonto kulanka Semi-final-ka ee dhacaayo 19-ka bishaan Agoosto-2025-ka.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XIZBULLAHI OO KA HORYIMID HUB KA DHISTA DAWLADDA LUBNAAN.

(SAWIRKA)-BANANBAXA URURKA XIZBULLAHI.

(BEIRUT)-Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan ayaa Talaadada maanta ah ka digay in haddii Israa’iil ay xoojiso howlgallada milateri ee ka dhanka ah kooxdiisa, in kooxda hubeysan ee ay taageerto Iran ay dib u billaabi doonaan gantaallada ay u ridi doonaan Israa’iil. Hadalka Naciim Qaasim ayaa ku soo beegmay xili Golaha Wasiirada Lubnaan ay ka shirayeen sidii hubka looga dhigi lahaa Ururka Xisbullah. Beyrut ayaa waxaa saaran cadaadis Mareykanka uu ku doonayo inuu hubka ka dhigo kooxdii dhawaan 14-ka bilood ee dagaalka kula jirtay Israa’iil, isla markaana ay aad u wiiqantay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda Siyaasadeed iyo kuwa milateri ay ku dhinteen. Tan iyo markii uu dagaalku ku dhamaaday bishii November xabad joojin uu Maraykanku garwadeen ka ahaa, ayaa saraakiisha Xisbullah waxay sheegeen in aanay kooxdu ka hadli doonin hub ka dhigisteeda ilaa ay Israa'iil ka baxayso shanta buurood ee ay ka maamusho gudaha Lubnaan oo ay joojiyaan duqeymaha maalinlaha ah ee ku dhow duqeymaha cirka ah ee ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen boqollaal qof oo u badan Xisbullah. Isra’iil ayaa ku eedaysay Xisbullah inay isku dayayso inay dib u dhisto awoodeeda ciidan. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in shanta goobood ee Lubnaan ay ku yaaliin meelo faa’iido leh ama ay ku yaallaan meelo ka baxsan bulshooyinka waqooyiga Israa’iil, halkaas oo ilaa 60,000 oo Israa’iiliyiin ah ay ku barokaceen intii uu socday dagaalka. Tan iyo xabbad joojinta,Xisbullah ayaa sheegatay mas'uuliyadda hal weerar oo ka dhacay goob lagu muransan yahay oo ku taal xadka. Khudbad laga sii daayay Talaadada maanta ah, ayuu Qaasim ku sheegay in Xisbullah ay diiday jadwal kasta oo ay ku wareejinayso hubkeeda. "Danta Israa'iil maaha in ay ballaariso gardarrada, sababtoo ah haddii ay ballaariyaan, iska caabintu waa difaaci doontaa, ciidanku waa difaaci doonaa, dadkuna way difaaci doonaan," ayuu yiri Qaasim. "Difaacani wuxuu horseedi doonaa in gantaalada lagu soo rido gudaha Israa'iil." Tan iyo markii uu dagaalka dhamaaday, Xisbullah waxa ay ka saartay inta badan dagaalyahanadeeda iyo hubkeeda deegaanka ku teedsan xudduudda Isra’iil ee koonfurta Wabiga Litani. Toddobaadkii hore, Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Cawn, ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan in Xisbullah ay ka tanaasulaan hubkooda, taasoo ka careysiisay hoggaanka kooxda. Heshiiska xabbad joojinta ayaa ka dhigay mid aan caddayn sida loola dhaqmo hubka Xizbullah iyo xarumaha millatari ee Waqooyiga Wabiga Litani, isagoo sheegay in mas'uuliyiinta Lubnaan ay burburiyaan xarumaha aan la ogolayn ee ka bilaabanaya aagga koonfureed ee wabiga. XIzbullah ayaa ku adkeysaneysa in heshiiska uu quseeyo oo kaliya aagga koonfurta Liitani, halka Israa’iil iyo Mareykanka ay sheegeen in ay waajib ku tahay hub ka dhigista kooxda oo dhan Lubnaan. Qaasim waxa uu sheegay in Xizbullah ay diiday in dawladdu u codayso hubkeeda, isaga oo sheegay in go’aankan oo kale ay tahay in si wada jir ah ay u taageeraan dhammaan reer Lubnaan. "Qofna kama diidi karo Lubnaan xooggiisa si uu u ilaaliyo madax-bannaanideeda," ayuu yiri Kassem. Hubka Xizbullah ayaa ah arin kala qaybinaysa Lubnaan, iyadoo kooxaha qaar ay ku baaqeen in hubka laga dhigo. Dagaalka Isra’iil iyo Xizbullah waxa uu biloowday maalin ka dib weerarkii Oct. 7, 2023, ee Xamaas ay hogaaminaysay ee Isra’iil kaga soo qaaday Gaza. Waxay sababtay dhimashada in ka badan 4,000 oo qof waxayna sababtay burbur ku kacaya $11 bilyan.

ISHA-FRANCE PRESS.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA INGIRIISKA WIIL SACUUDIYAAN AH OO TOOREEY LAGU DILAY.

(SAWIRKA)-MAXAMED AL-QAASIM.

(LONDON)-Safaaradda Sacuudiga ee London ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah inay la shaqeyneyso mas’uuliyiinta UK si loo ogaado xaaladda buuxda ee dhacdo ka dhacday magaalada Cambridge ee dalka Ingiriiska oo muwaadin Sacuudiyaan ah lagu dilay tooreey. Saraakiisha oo ka jawaabaya wararka sheegaya rabshado ka dhacay agagaarka Mill Park ee magaalada wax yar ka hor saqdii dhexe ee Jimcaha ayaa helay Moxammed AL-Qasim oo 20 jir ah oo qaba dhaawac halis ah. Isla markiiba goobta ayuu ku dhintay. Baaritaanka dhimashada ka dib ayaa dhici doona Talaadada. Chas Corrigan oo 21 jir ah, kana soo jeeda Cambridge, ayaa lagu eedeeyay dil iyo haysashada mindi meel fagaare ah, wuxuuna ka soo muuqday Maxkamadda Peterborough Magistrates' Court Isniintii, Booliska Cambridgeshire ayaa sidaas yiri. Waxa lagu sii hayay xabsiga ilaa dhageysiga Maxkamada Cambridge Crown Arbacada. Nin 50 jir ah, oo sidoo kale ka soo jeeda magaalada, kaasoo la xiray tuhun ah in uu gacan siinayay dambiilaha weli xabsiga lagu sii hayo, ciidamada ayaa intaa ku daray. Dhacdadan waxaa loola dhaqmayaa sidii "weerar aan gabbasho lahayn," ayay booliisku sidoo kale sheegeen Isniintii. Al-Qaasim waxa uu dhiganayay dugsi luqadda lagu barto oo magaalada ku yaalla, wuxuuna dhiganayay 10 toddobaad, ayay ku dareen. Safaaradda Sacuudiga ayaa sheegtay inay daba socotay falkii lagu dilay muwaadin Sacuudiga u dhashay, waxayna weli wadaa xiriir ay la sameyneyso Hay’adaha UK, si loo ogaado xaaladda dhabta ah ee ku xeeran dhacdadan iyo sidii loo fududeyn lahaa in Meydka Marxuumka dib loogu soo celiyo Sacuudiga. "Safaaradda iyo dhammaan shaqaalaheeda waxay si kal iyo laab ah u tacsiyeynayaan qoyska marxuumka," ayay raacisay. Bayaan ay soo saareen qoyska AL-Qaasim waxa ay ku sheegeen in uu ahaa nin dhallinyaro ah oo xamaasad badan, geesinimo iyo geesinimo ka muuqato. Qoysku waxay sii wateen: "Wuxuu ahaa wiil hawl kar ah, walaal jecel, iyo hoggaamiyaha qoyska ruux ahaan, ma ahayn muuqaal ahaan, wuxuu ahaa mid farax badan, kalgacal badan, qalbi nadiif ah, wax bixinta deg dega ah, iyo dadka kaleba jecel. Muddo ka dib, wuxuu noqday mid qoyska soo jiidasho leh, isaga oo ka tagay dhaxal lama ilaawaan ah kulan kasta, wuxuu ahaa adeerkiis taageerada adeerkiis, saaxiibkiis, iyo qofka ugu naxariista badan abid. qalbiga hooyada iyo kan ugu dhow ee habaynta walaashiis.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUUDAAN OO SHEEGTAY IN DALKEEDA EY JOOGAAN KOLOBIYAAN.

(SAWIRKA)-MADAXA FALAAGADA SUUDAAN XUMEYDTI.

(SUDAN)-Dowladda Sudan ayaa shaaca ka qaaday ku lug lahaanshaha baahsan ee calooshood u shaqeystayaal Ajnabi ah, gaar ahaan kuwa ka yimid dalka KOLOMBIYA, oo ka tirsan ciidamada kooxda Falaagadda dalka Suudaan ee Rapid Support Forces (RSF), iyada oo lagu jiro dagaalka sii kordhaya ee socda tan iyo Abriil 2023. War qoraal ah oo ey siiyeen Tv-ga AL Jazeera Net, ciidamada Sudan ayaa lagu xaqiijiyay in maleeshiyada RSF iney si weyn ugu tiirsan yihiin calooshood u shaqeystayaasha ka barbar dagaalaya, iyo howlgallada tooska ah ey fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida kuwa aan duuliyaha lahayn ee Ismiidaamiya. Afhayeenka ciidamada Sareeye Guuto Nabil Cabdallah ayaa sheegay in kumannaan calooshood u shaqeystayaal shisheeye ah ey ka qeyb qaadanayaan howlgallada militari, dowladda Suudaanna ey heysato dukumentiyo cadeynaya in calooshood u shaqeystayaal ka yimid dalka Kolombiya iyo boqolaal kun oo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka yimid dalalka deriska ah, kuwaasoo ey maalgaliyeen oo ey maalgelinayaan dhinacyo dibadda ah. Ergada Joogtada ah ee Suudaan u joogta Qaramada Midoobay ayaa warqaddan horgeysay Golaha Ammaanka, iyadoo ka digtay in arrintani ey khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda gobolka iyo tan caalamiga ah, isla markaana ey dagaalka u beddelayso colaad Argagixiso oo xudduudda ka gudubta. Xogta ayaa tilmaamaysa in Ciidamada Taageerada Deg degga ah ey dagaalyahanno ka qorteen Chad, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Liibiya, iyo Niger. Ku dhawaad 800 oo dagaalyahano reer Chad ah, oo da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 35, ayaa la qoray intii u dhaxaysay November 2024 iyo February 2025. Waxa la siiyay inta u dhaxaysa $1,650 iyo $3,300 muddo lix bilood ah oo ay ku shaqaynayeen, oo ey weheliso tababar ku saabsan hawlgalinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha. In ka badan 1,300 oo dagaalyahan ayaa sidoo kale laga qoray Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyadoo qorshuhu yahay in tiradan la gaarsiiyo 3,300, si loo geeyo magaalooyinka EL Geneina iyo Nyala ee Darfur.Horumarka la xiriira, in ka badan 900 calooshood u shaqeysteyaal hore oo Chad ah oo lala xiriiriyay Ciidanka Qaranka Liibiya ayaa la shaqaaleysiiyay intii u dhaxeysay Disembar 2024 iyo Febraayo 2025, iyada oo xiriirrada militariga Ruushka ay la leeyihiin howlgallada qorista ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Dowladda Sudan ayaa ka digtay heerka uu gaarsiisan yahay shirqoolka lagu bartilmaameedsanayo dalkaasi, taasi oo ka dhalan karta beegsiga lagu hayo maleeshiyaadka iyo ciidamada calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaasi oo taageero shisheeye ka hela, isla markaana ka shaqeeya qalqal gelinta Suudaan. Baaritaan ay daabaceen mareegaha wararka ayaa daaha ka qaaday in in ka badan 300 oo askari oo hore oo Kolombiyaan ah ey ka qayb qaadanayaan hawlgalka loo yaqaan "Desert Wolves", oo uu hogaaminayo kornayl Kolombiyaan ah oo hawlgab ah. Qaar ka mid ah askartan ayaa ka howlgala xeryo lagu tababaro koonfurta Nyala, oo ah caasimadda Gobolka Koonfurta Darfur. Xeryahaan waxaa ku nool inta u dhaxaysa 1,000 ilaa 3,000 oo Suudaani ah, oo ey ku jiraan caruur da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 12 jir, kuwaasoo qaadanaya tababar ciidan oo xoogan.

ISHA-ALQABS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA XUKUMADA SURIYA IYO KUWA KURDIYIINTA OO IS FARA SAARAY.

(SAWIRKA)-CIIDANKA KURDIYIINTA.

(SYRIA)-Xoogaga Dimuqraadiga Suuriya (SDF) ayaa sheegay Isniinta maanta ah iney isku dhaceen kooxo gacan saar la leh ciidamada cusub ee dawladda Suuriya ee deegaanka Deer Xafeer ee baadiyaha Xalab. Xarunta warbaahinta ee ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri, "Saacadu markeey ahayd 3:00 subaxnimo ee Isniinta, kooxo gacan saar la leh ciidamada dowladda Suuriya ayaa weerar ku qaaday afar ka mid ah fariisimaha ciidamadeenu ku leeyihiin tuulada AL-Imaam, ee deegaanka Deer Xafeer, ciidamadeenu waa ey ka jawaabeen weerarka waxayna uga jawaabeen sidii loo baahnaa si ay u difaacaan goobahooda iyo dagaalyahannadooda. Iska horimaad u dhexeeyey labada dhinaca ayaa socday muddo 20 daqiiqo ah." Warku waxa uu intaa ku daray “Waxaanu cadaynaynaa in gardaradan soo noqnoqotay ay ka dhigan tahay in si ula kac ah loo sii hurinayo xasilooni daridda gobolka, waxayna xukuumadda Dimishiq ey si buuxda uga mas’uul uga tahay falkan, waxaana aanu xaqiijinaynaa in ciidamadeenu ay maanta diyaar u yihiin in ka badan sidii hore si ay xaqooda ugu helaan inay si sharci ah uga jawaabaan xoog iyo go’aan adag. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Wasaaradda Difaaca ee Suuriya iyo Xoogaga Dimuqraadiga ee Suuriya (SDF) ay isweydaarsadeen eedaymo ku saabsan weerar ka dhacay waqooyiga magaalada Manbij Sabtidii, taasoo mugdi gelisay heshiiskii isdhexgalka ee taariikhiga ahaa ee ay labada dhinac kala saxiixdeen bishii Maaarso.Wakaaladda Wararka Suriya ee SANA waxa ay sheegtay in Wasaaradda Difaaca ay ku eedaysay Ciidamada Dimuqraadiga ee Suuriya inay weerar gantaal ah ku qaadeen fariisin ciidan oo ku yaalla baadiyaha magaalada, ayna ku dhaawacmeen afar askari iyo saddex qof oo rayid ah. Hay’addu waxay sheegtay in Wasaaraddu ay ku tilmaantay weerarkaas mid mas’uuliyad darro ah oo aan la garanayn waxa sababay. Dhinacooda, Xoogaga Dimuquraadiga Suuriya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in kooxaha aan anshax-marin ee ka dhex shaqeeya ciidamada dowladda Suuriya ay yihiin kuwa sii wada daandaansiga iyo weerarada soo noqnoqda ee ay ku hayaan goobaha xiriirka ah ee deegaanka Deer Xafeer. Kooxahani waxay sidoo kale madaafiic ku garaaceen goobo ay dadku ku badan yihiin fiidnimadii Sabtida, iyagoo soo riday in ka badan toban madfac oo aan qiil loo haysan. War-saxaafadeedka laguma xusin wax dhimasho iyo dhaawac ah. Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ayaa heshiis kula saxiixday xukuumadda Dimishiq si ay ugu biiraan hay'adaha dawladda Suuriya. Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in dib loo mideeyo dalkii burburay ee 14-kii sano ee dagaaladu socdeen, taasoo u gogol xaaraysa in ciidamada Kurdiyiinta ay hoggaamiyaan ee gacanta ku haya rubuc ka mid ah Suuriya ay la midoobaan Dimishiq, oo ay la socdaan hay'adaha maxalliga ah ee maamula Kurdiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, heshiisku ma caddayn sida ay SDF ula midoobi doonto ciidamada Suuriya. SDF ayaa horay u sheegtay in ciidamadeedu ay ku biiraan hal koox, halka Dimishiq ay rabeen in ay shaqsi ahaan ku biiraan.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALALKA SURIYA IYO URDUN OO KU GUULEYSTAY KA HORTAGA TAHRIIBINTA DAROOGADA.

(SAWIRKA)-ILAALADA XUDUUDKA URDUN.

(JORDAN)-Ciidamada qalabka sida ee dalka Urdun ayaa ku dhawaaqay in askartu ay dileen laba dagaalyahan ka dib markii ay fashiliyeen isku day ay ku doonayeen in ay kaga soo gudbaan xadka Suuriya Jimcihii shalay ahaa. Waxa ay sidoo kale bayaan ay soo saartay Sabtida maanta ah ku sheegeen in "Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Gobolka Bari ay u suurtagashay, waaberigii shalay, in ay fashiliyaan isku day ay koox hubaysani ku doonayeen in ay si sharci darro ah uga soo gudbaan xadka Urdun," sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka ee Petra.

RASAAS LA ISWEYDAARSADAY:

Waxay sidoo kale xustay in "shuruucdii wada-shaqeynta la fuliyay ka dib markii la arkay, taasoo keentay dhimashada laba ka mid ah Tahriibayaasha ka dib markii ay rasaas isweydaarsadeen ilaalada Xuduudka,kooxda inteeda kalena ay dib ugu qoto laabteen gudaha dalka Suuriya."Dhowr bilood ka hor, Urdun iyo Suuriya waxay ku dhawaaqeen inay sameysteen Guddi Ammaan oo wadajir ah oo ka hortagaya Tahriibinta, Sugidda Xuduudahooda, iyo la dagaallanka Hubka iyo ka Ganacsiga Daroogada. Ku dhawaaqistan ayaa dhacday intii lagu guda jiray booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Ascad AL-Sheybaani bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

KA HORTAGA ISKU DAYADA TAHRIIBKA:

Waxaa xusid mudan in bilihii iyo sannadihii lasoo dhaafay ay Urdun si isdaba joog ah ugu dhawaaqday in ay fashilisay isku dayo Hub iyo Daroogo oo badan oo ay wadeen dad gudaha u soo galay oo xiriir la leh qaar ka mid ah maleeshiyaadka Iraan ee ku sugan Suuriya ama kooxaha kale ee hubeysan. Taas bedelkeeda, Tehraan waxay beenisay inay wax lug ah ku leedahay Hubka ama Daroogada laga soo Tahriibiyo xadka Suuriya iyo Urdun.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DILAAGII QARSOONAA EE AL-ASAD OO GACANTA LAGU SOO DHIGAY.

(SAWIRKA)-EEDEYSANAHA OO KOR U HAAYO ILKA DADEED UU DILAY.

(SYRIA)-Ciidamada amaanka dalka Suuriya ee ku sugan Gobolka Laadiqiyah ayaa gacanta ku dhigay nin horay uga tirsanaan jiray Nidaamka Bashaar AL-asad oo loo yaqaanay “Sniper’s Asad”.

WAA KUMA MAXAMED DAA’UUD NAASIR?

Ilo maxalli ah ayaa sheegay in Maxamed Daa’uud Naasir, oo lagu naanayso “DILAAGII ASAD”, uu ku shaqayn jiray toogashada ciidamadii taliskii hore, wuxuuna dilay tobanaan qof oo Suuriyaan ah. Dadka u ololeeya arrimaha Suuriya ayaa sidoo kale ku andacoonaya in Daa’uud uu ka mid ahaa cududaha dulmiga ku haya xukuumadda Suuriya ee dembiyada foosha xun ka galay shacabka Suuriya, waxaana lagu daba jiray eedeymo ah in uu galay xad-gudubyo xilligii uu ahaa shiishaha. Dhanaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in Daa'uud uu ka soo shaqeeyay Gobolka Jabal AL-Turkman, ka dibna uu u wareegay tuulada AL-Zuwayqat ee Jabal AL-Akrad oo ku taal buuraha Kabina. Dambiyada uu galay waxaa ka mid ahaa in uu meydka googooyay. Waxay xustay in Daa’uud lagu tiriyo mid ka mid ah hoggaamiyayaasha iyo maskaxdii ka dambeysay “dhacdooyinka xeebaha,” oo ay ku arkeen dagaallo dhiig badan ku daatay iyo dilal diimeed oo Calawiyiin ah oo ka dhacay magaalooyin ku yaal xeebaha Suuriya. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in eedaysanaha uu ku lug lahaa falal Argagixisanimo, maadaama uu mas’uul ka ahaa beegsiga xarumaha ciidamada ammaanka iyo goobaha ciidamada 6-dii bishan Maarso, sidoo kalena uu ahaa hoggaamiyihii kooxda weerartay koontaroolka AL-Zobar ee baadiyaha Laadiqiyah, oo ku taalla wadada aada Jabal AL-Turkman.

"JEES-JEES"

Waxaa xusid mudan in isla markii lagu dhawaaqay in la xiray, ay dadka u ololeeya baraha bulshada ay ku faafiyeen sawirro Da’ud xilligii Asad, isagoo heysta qoriga shiishka. Sawirada qaar ayaa u muuqda in uu jarjarayo meydadka uu dilay. Daa'uud waxa kale oo uu ka soo muuqday mid ka mid ah sawirradii ku xigay dhafoorka dadeed,mid kalena waxa uu ka soo muuqday mayd agtiisa, isaga oo haya mid ka mid ah daanka. Suuriyaanka ayaa baraha bulshada ku faafiyay warka ku saabsan qabashada tuhmanaha iyo u gudbinta baaritaanka. Waxay ku nuuxnuuxsadeen in tallaabooyinkan oo kale ay ballan-qaadayaan mustaqbal wanaagsan, gaar ahaan maadaama ay u taagan yihiin waddada ugu habboon ee loo heli karo caddaalad ku-meel-gaar ah, taas oo ay ku riyoonayaan in la ciqaabo dhammaan haraagii taliskii hore iyo dembiilayaasha ka dib marka la baaro laguna xukumo si waafaqsan habraaca sharciga ah.

ISHA-AA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYDAHA AMNIGA LIIBIYA OO GACANTA KU DHIGAY DAACISH.

(SAWIRKA)-DAACISH.

(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Ciidamada sirdoonka Liibiya ayaa Jimcihii ku dhawaaqay iney burburiyeen saddex unug oo Argagixiso ah oo xiriir la leh kooxda Daacish. Unugyadan ayaa ka hawlgalayey meelo kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan koonfurta, waxaanay xiriir la lahaayeen Hay’adaha caalamiga ah ee Afrika iyo Yurub. Ilo-wareed sare oo dhanka ammaanka ah oo ka tirsan Hay’adda ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Libya in hawlgalkani “uu ku yimid qaab dhismeedka dadaalka dawladda Libya ee la dagaalanka Argagixisada iyo burburinta ilaha dhaqaalaha”.

FAAHFAAHINTA UNUGYADDA:

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in "Qeybta koowaad ay mas'uul ka ahayd qorista dagaalyahanno iyo in xubnaha ISIS ee Waqooyiga Afrika laga soo daabulo Soomaaliya iyo Gobolka Saaxil, iyagoo isticmaalaya baasabooro been abuur ah iyo guryo ammaan ah oo Qarsoodi ah. Qaybta labaad waxay maamulaysay shabakad lacag-dhaqid ah oo aad u badan iyada oo loo marayo shirkado u ekeysiiya hawlahooda "shaqo bini'aadannimo," iyagoo muujinaya taageerada ay u hayaan xubnaha ISIS ee ka soo cararaya xerada AL-Hawl ee Suuriya iyo inay u helaan guryo ay ku leeyihiin Liibiya." Warbaahintu waxa kale oo ay sheegtay in unugga saddexaad loo arko inuu yahay xiriirka ugu khatarta badan, maadaama uu lacagaha ugu xawilo ISIS iyada oo la adeegsanayo shabakadaha caalamiga ah ee loo yaqaan cryptocurrencies oo ay u sameeyeen maal-gashi shaki leh iyaga oo ka wakiil ah kooxda.

HUB AAD U BADAN:

Arrintan ayaa timid maalmo ka dib markii hub badan oo kala duwan laga helay bakhaaro hoos yimaada guri ku yaalla magaalada Sabha ee koonfurta dalkaasi. Hubka la rumeysan yahay inay leeyihiin kooxaha Argagixisada ah ayaa isugu jiray Madaafiic, Bambooyin, Walxaha Qarxa, Rasaasta dhexe iyo kuwa culus iyo Qoryaha lidka Diyaaradaha. Hawlgalladan oo isku mar ah ayaa muujinaya khataraha amni iyo khataraha Argagixisada ee koonfurta Liibiya. Kormeerayaashu waxa ay ka digayaan in maranaanshaha amni ee sii socda iyo qulqulka hubka ee koonfurta Liibiya ay sii hurin karaan kooxaha xagjirka ah iyo shabakadaha wax tahriibiya iyo dhiirigelinta sii socoshada falalka Argagixisada ee Xuduudaha isaga gudba.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LA HAYSTE ISRA’IIL AH OO EY KA MUUQATO MACLUUL DARRAN.

(SAWIRKA)-LAHAYSTE EVYATAR DAVID.

(QUDS)-Wararka laga helaayo Marinkka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in Garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ey sii daysay muuqaal daqiiqado soconaya maanta oo Jimca ah, muuqaalka ayaa waxaa ka soo muuqday nin Israa'iil ah oo lagu haysto Marinka Gaza kaaso muuqaalkiisa loo arkaayey inuu yahay mid daciif ah oo nafaqo darri hayso, kuna dhex jira gudaha god ciriiri ah oo shub ah. Fiidiyowga Guutada Cizadiin AL-Qassam waxa uu muujinayay nin xiiran oo gar leh, Wakaaladda Wararka AFP iyo warbaahinta Israa’iil ayaa ku sheegay inuu yahay Evyatar David, kaasoo la qabtay Oktoobar 7, 2023. Wakaaladda Wararka AFP si madax banaan uma ay xaqiijin karto xaqiiqada muuqaalka. David, oo 24 jirsaday isagoo maxbuus ah, ayaa la afduubay intii uu socday weerarkii Xamaas ee dhaliyay dagaalka Gaza isaga iyo saaxiibkiis Gal Gilboa-Dalal. Labaduba waxay ka qayb galayeen xafladii Muusiga ee Nova ee koonfurta Israa'iil. Waxa ay ka mid ahaayeen 44 qof oo ciidammadii ka soo qayb galay la qabtay. Maleeshiyaadka Falastiiniyiinta ayaa dilay 370. Dabayaaqadii bishii Febraayo, Xamaas waxa ay sii daysay muuqaal muujinaya David iyo Gilboa-Dalal oo gaari ku dhex jira, iyaga oo daawanaya xaflad lagu sii daynayey dhawr mitir (yards). 251 ka mid ah la haystayaashii lagu qafaashay weerarka Xamaas, 49 ka mid ah ayaa weli lagu hayaa Gaza, oo ay ku jiraan 27 ka mid ah ciidammada Israa'iil ayaa sheegay in ay dhinteen. Xayiraadaha Israa’iil ee soo gelitaanka badeecadaha iyo gargaarka ee Gaza ayaa horseeday cunto yari ba’an iyo badeecadaha kale ee muhiimka ah, taas oo dhalisay dalabaadka caalamiga ah ee xabbad-joojinta. Maalmo ka hor ayey ahayd markii kooxda Jihaad AL-Islaam oo sii deysay Viedeo ku saabsan caruurta reer Falastiin ee macluusho hayso u shideen la haystayaal Isra’iiliyiin ah.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SWEDEN OO KU XUKUNTAY XABSI DAA’IN AH NINKII GUBAY DUULIYIHII URDUN.

(SAWIRKA)-DUULIYIHII URDUN EE NOLOSHA LAGU GUBAY.

(LONDON)-Dalka Urdun ayaa soo dhaweyay xukun ay maanta oo Khamiis ah Maxkamada ku taalo dalka Sweden ku riday xubin ka tirsan kooxda Daacish oo lagu helay inuu ku lug lahaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay Duuliyihii ka tirsanaay Ciidamada Cirka ee DALKA Urdun G/dhexe.Mucaad AL-Kasasbeh. Osama Krayem ayaa ku lug lahaa dilka AL-Kasasbeh, oo 26 jir ah, kaasoo nolosha lagu gubay qafis ka dib markii la qabtay 2014-kii ka dib markii diyaaradii uu la socday ay ku burburtay Suuriya xilli uu socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish. Maxammad AL-Momini, afhayeenka dowladda Urdun, ayaa intaa ku daray in Urdun ay si buuxda ugu kalsoon tahay hannaanka sharciga iyo Garsoorka Sweden ee ka dhashay go’aanka. Al-Momini waxa uu sheegay in dadka reer Urdun ay waligood xasuusan doonaan dhacdadan naxdinta leh, isla markaana xukunka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagula xisaabtami doono dhammaan. Krayem oo haysta dhalashada dalka Sweden ayaa horay loogu xiray ku lug lahaanshiyaha weeraro kale oo ka dhacay Yurub, gaar ahaan weeraradii Paris iyo Brussels ee sanadihii 2015 iyo 2016. Dilka AL-Kasasbeh ayaa Argagax galiyay dadka reer Urdun ka dib markii Daacish ay soo bandhigtay muuqaal naxdin leh oo muujinaya isagoo nool oo lagu gubayo qafis. Maxkamadda Sweden ayaa sheegtay in inkastoo cadeymaha ay muujinayaan in qof kale uu shiday dabkii dilay, Krayem ayaa sidoo kale ku lug lahaa dilka.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOXDA JIHAAD ISLAAMI EE FALASTIIN OO SOO SAARTAY VIDEO…

(SAWIRKA)-ROM BRASLAVSKI.

(GAZA)-Saraya AL-Quds oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaq Islaam Jihaad, ayaa baahiyay fiidnimada Khamiista maanta ah muuqaal muujinaya askari Israa’iili ah oo Maxbuus ah lana yiraahdo Rom Barslavsky, taasoo ay ku tilmaantay "Farriintiisii ugu dambaysay" ka hor inta aan la jarin isgaarsiinta kooxda haysata. Muuqaalkan oo lagu daabacay luuqadaha Carabiga iyo Cibraaniga ayaa muujinaya Barslavsky oo ka daawanaya muuqaal telefishin ah oo muujinaya masiibada bini’aadantinimo ee ay ku sugan yihiin caruurta Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Qaza, kuwaasi oo la il daran macaluul daran oo ka dhalatay go’doominta Israa’iil. Intii ay socotay duubista ayaa waxaa hadlay askariga la Maxbuuska ah isagoo ilmeynaya, isagoo xusay in muddo labo sano ah uu xirnaa. Waxa uu sheegay inuu heli jiray cunto kooban, balse hadda aysan jirin. Waxa uu intaa ku daray inuu dareemayo daal joogto ah, xanuun daran oo ka soo gaaray xubnihiisa, iyo dawakhaad markii uu isku dayay inuu dhaqaaqo ama aado musqusha. Waxa uu sheegay in neefsashada ay ku adkaatay, islamarkaana uu qarka u saaran yahay inuu burburo. Barslavsky waxa uu la hadlay dawladda Israa’iil, isaga oo yiri, “I badbaadi, maxaad ka samaynaysaan Gaza, maxaad cunto u soo gelin weydeen Waxa uu intaa ku daray in markii uu arkay caruurta Gaza oo qalfoof noqday ay isaga ka naxday, isaga oo ku nuux-nuux saday inay arrintaasi tahay mid ka baxsan bini’aadantinimada. Wuxuu sidoo kale mas'uul ka ahaa xaaladdiisa caafimaad iyo mid nafsiyeed Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu. Askariga Maxbuuska ah ayaa sheegay inuu ku dhow yahay inuu geeriyoodo, isla markaana uu qarka u saaran yahay inuu burburo jirka iyo maskaxda, isagoo xusay in taageeradii uu horay uga heli jiray ciidamada Al-Qudus ay ka go’een raashinkii iyo dawooyinkii. Waxa uu intaa ku daray, "Wax naga harin, cunto iyo biyo midna ma haysano, afar bilood ayaan ku jiray xaalad qabri u eg." Barslavsky oo warqadiisa soo gebagebeeyey waxa uu ka codsaday masuuliyiinta Israa’iil iney joojiyaan dagaalka oo ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isaga oo yiri, “Haddii aanay caruurta ahayn, ha loo daayo Maxaabiista weli ku jirta Gaza”. Tani waxay ku soo beegantay iyadoo wada xaajoodka u dhexeeya Isra’iil iyo Xamaas uu ku sii socdo gebo-gebo, iyadoo ay sii wiiqmayaan dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin iyo heshiis isdhaafsi Maxaabiista Gaza, iyadoo ay sii adkaanayso mowqifka Isra’iil iyo hadallada sii kordhaya ee Tel Aviv . Fiidnimada Khamiista maanta ah,Channel 12 ee Israa'iil oo soo xiganaayo ilo siyaasadeed ayaa sheegay in fursadaha lagu gaari karo heshiis ay sii yaraanayaan, isagoo carabka ku adkeeyay in aan wax heshiis ah laga gaarin arrimaha taagan tan iyo markii wafdiga Osra’iil uu ka soo laabtaya magaaladda Dooxa ee dalka Qadar.

ISHA-AJ.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

(JARMALKA): QAXOOTIGA SUURIYA EE JOOGA JARMALKA OO IS GARAACAY,SABABTA?

(SAWIRKA)-GOBOLKA SWEYDA.

(BERLIN)-Waligeed ma jirin cid Xasan weyddiin jirtay mad-habta uu ka tirsan yahay. 32-jirkan Suuriyaanka ah ayaa tan iyo sannadkii 2015-kii ku sugnaa dalka Jarmalka, isagoo ka soo cararay dagaalladii sokeeye ee dalkiisa ka dhacay oo uu kaga qayb-galayay xoogagga kasoo horjeeda dowladda. Laakiin hadda way sameeyaan. "Heerka aflagaadada iyo hadalada nacaybka ah ee lagu hayo baraha bulshada waa mid aad u daran," Xasan oo ku nool magaalada Berlin ayaa u sheegay DW. Sida qof kasta oo kale oo Suuriyaan ah oo caadi ah oo lagu wareystay sheekadan, ma uusan dooneynin inuu isticmaalo magaciisa oo dhan si uu si furan uga hadlo waxa ku saabsan mowduuca xasaasiga ah ee ka dhex jira Suuriyaanka Jarmalka, iyo dib ugu noqoshada Suuriya . "Waan isku luminaynaa arrintan." “Tani,” Xasan waxa uu ula jeedaa rabshadihii dhawaan ka dhacay Suuriya oo lagu arkay laba bulsho, Druze iyo Bedwiyin-Sunni, oo ka bilaabay dagaalka gobolka koonfureed ee Sweyda bartamihii bishii Luulyo. Rabshadaha ayaa ka billowday afduubyo AARGOOSI ah oo u dhexeeyay labada kooxood, ka dibna sii kordhay. Rabshadihii ka dhacay aagga Sweyda bishii Luulyo ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,000 qof oo halkaas ku sugnaa. Kaliya maaha rabshada beeleed ee Suuriya dhawaanahan. Bishii Maarso, waxaa jiray dagaal u dhexeeya beesha Calawiyiinta Suuriya iyo dadka kale ee Suuriya, ka dib markii la sheegay in kacdoomeen. Labada xaaladoodba, waxaa jiray dil sharci darro ah oo ay geysteen inta badan kooxaha ku lugta leh iyo sidoo kale dhac, afduub iyo rabshado. Sidoo kale, labada xaaladoodba, dawladda ku meel gaarka ah ee Suuriya way awoodi wayday inay sugto ammaanka . Colaadahaas ayaa hadda ku fiday bulshada Suuriya ee Jarmalka. “Dadkii aadka isgu dhowaa hadda waxaad mooddaa in aaney saaxiibo noqon karin sababtoo ah waxaan ahay Sunni,” ayuu Xasan hadalkiisa sii raaciyay. Saaxiibka Xasan, Majid, waa Druze wuxuuna ka soo laabtay Sweyda wax yar ka hor rabshadihii dhowaa. "Waxaan dareemayaa inay dadku aad uga sii daran yihiin arrintan Berlin," ayuu xusay. "Waxay ila tahay inay sabab u tahay dadka halkan jooga qaarkood waxay weli haystaan maskaxdii hore, waxay weli u dhaqmayaan sidii in taliska [Asad] uu xukunka hayo." "In badan oo ka mid ah bulshada Suuriya halkan waxaan dareemayay isbeddelkan," ayuu yiri Razan Rashidi, oo ah agaasimaha fulinta ee kooxda xuquuqda aadanaha, The Syria Campaign, oo xarunteedu tahay Berlin. "Sanadihii ugu horeeyay ee kacaanka, waxaa jiray dareen xoog leh oo halgan la wadaago, dadku marar dhif ah ayay isweyddiin yaa Sunni, Calawiyiin, Masiixi ah, Kurdish, waxaan ka midaysanahay inaan ka soo horjeedno kalitalisnimada iyo baaqyada xorriyadda." "Ujeedka kaliya ee aan waligey ahaa in aan arko dhamaadka nidaamka," Xasan, oo ah nin Suuriyaan ah oo ku nool magaalada Berlin, ayaa sharaxay, isaga oo tixraacaya nidaamka kali-taliska ah ee Suuriya ee Assad.

DAGAAL KA DHACAY SUURIYA OO KA DHACAY JARMALKA:

Laakiin waxaa mahad leh dhacdooyinkii dhawaa, taasi way isbedeshay. 20-kii Luulyo magaalada Dusseldorf, laba kooxood oo dhawr boqol oo mudaaharaadayaal ah ayaa ku kulmay bannaanka xarunta tareenka ee magaalada. Koox ayaa taageersan Kurdiyiinta kooxda kalena waxay taageertay dawladda ku meel gaarka ah ee Suuriya. "Ka dib daandaansi hore oo afka ah,...dagaal baa dhacay," booliska Dusseldorf ayaa sheegay. Laba qof ayaa la qabtay, mid dhaawac ah, waxaana lagu tuuray dhalooyin iyo dhagxaan. Isla dhamaadka usbuuca, mudaharaad ka dhacay Berlin, koox yar oo rag ah oo ku dhow 400 oo qof oo xoog badan ayaa la maqlay iyagoo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Druze iyo Isra’iil. Duqa magaalada Berlin Kai Wegner, oo xubin ka ah Xisbiga muxaafidka ah ee Christian Democrats, ayaa faallo ka bixiyay muuqaalka gaaban ee muuqaalka ah, isagoo sheegay in baaqyada dilka iyo Argagixisada aan la aqbalin Berlin. Boolisk maxalliga ah ayaa baaraya, Wegner wuxuu ku hanjabay inuu masaafurin doono dadka Suuriyaanka ah ee hadalkan sheegay. Suuriya iyo Israa'iil ayaa dagaal ku dhexmaraya sannado badan, duqeyntii ugu dambeysay ee Israa'iil ay ka geysatay Suuriya, oo lagu eedeeyay "difaaca" Suuriya Druze, ayaa sii xoojisay xiisadda u dhaxaysa dadka laga tirada badan yahay ee Druze iyo kuwa kale ee Suuriya. Waxaa socda wada xaajoodyo u dhaxeeya dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya iyo Kurdiyiinta Suuriya, kaasoo ku saabsan in kuwa dambe ay ka tanaasulaan maamulka qeybaha waqooyiga ee dalka oo ay ku biiraan dowladda dhexe iyo militariga. Tusaale ahaan, Axmad, oo ah 30-jir kabalyeeri ah oo ku sugan Berlin, ayaa sheegay in uu dhawaan joojiyay la hadalka saaxiibkii Druze. "Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu hanti ka iibsado Suuriya meel u dhow xudduudda Israa'iil," Ahmad ayaa sharraxay. "Ma aamini kartid dadkan," ayuu si caro leh u yiri, isaga oo tixraacaya dadka laga tirada badan yahay . "Sidee bay ganacsi ula yeelan karaan Israa'iil?" Markaas ayuu dib u garaacayaa. "Uma jeedo Druze oo dhan, kaliya qaar," ayuu markii dambe yiri isagoo raaligelinaya. Inta badan muuqaalada mudaaharaadka Berlin ayaa muujinaya dadka reer Suuriya oo qaadaya heeso kacdoon ah. TV-ga ku hadla afka Carabiga ee Suuriya ayaa wareystay toddobo ka mid ah dibadbaxayaasha. Dhammaantood waxay sheegeen waxyaabo isku mid ah oo ku saabsan dhiirigelinta ay halkaas u joogaan. “Dalkan waa innaga oo dhan, waa inaan dhammaanteen wada noolaannaa,” ayuu mid ka mid ah yiri. “Waxaan u baahanahay inaan is garab istaagno,” ayuu mid kale ku daray. "Waxaan soo qabanqaabinay banaanbaxan oo ka dhacay Berlin si aan u diidno faragelinta arrimaha gudaha ee Suuriya iyo isku dayga lagu abuurayo colaadaha qowmiyadaha iyo kuwa diimeed," ayuu yiri qof kale oo mudaaharaadayay.

ISHA-DW.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA AMAANKA LIIBIYA OO SOO QABTAY HUB KALA DUWAN IYO RASAAS.

(SAWIRKA)-HUBKA LA QABTAY.

(LIBIYA)-Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in ciidamada Qaranka dalka Liibiya ey Talaadada maanta ah ku dhawaaqeen iney heleen hub aad u badan oo kala duwan kuwaaso lagu aasay Bakhaaro hoos yimaado guri ku yaalo koonfurta magaaladda SABHA,hubkaaso ayaa la rumeysan yahay iney leeyhiin kooxaha Argagixisada. War qoraal ah ayaa lagu sheegay in “Ciidamadda gaarka ah ee ka tirsan ciidamadda dhulka”iyagoo kaashanaayo gudiga dib u habeynta koonfurta ey fuliyeen hawlgal gaar ah oo ka dhacay magaaladda SABHA,waane hubkii ugu balaarnaa oo nuuciisa ah oo muddo sannado ah la soo helay, waxaane halkaas laga soo qabqabtay dad fara badan oo goobta ku keydsanaayey hubka culus iyo kuwa dhexe iyo rasaas kala duwan. Hubka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Mdaafiic, Bambooyin, Walxaha Qarxa,Rasaas dhexdhexaad ah iyo kuwa culus iyo qoryaha lidka diyaaradaha. Hawlgalka ayaa qeyb ka ah dadaaladda ey ciidamadda Qaranka Liibiya ku doonayaan iney dib ugu soo celiyaan Amaanka iyo kala dambeynta koonfurta, gaar ahaan marka la eego kororka dhaqaalaha tahriibka iyo kooxaha sharci darrada ah xilli ey sii kordhayaan colaadaha ka taagan dalalka Liibiya la deriska ah gaar ahaan dalka Suudaan. Tirada hubka la qabtay ayaa muujineysa khatar amni iyo khataraha Argagixisada ee koonfurta dalka Liibiya,halkaaso goobjoogayaashu ey ka digayaan in sii socodka hubka ee gobolka uu gacan ka geysan karo hurinta kooxaha xagjirka ah iyo shabakadaha wax tahriibiyo.

ISHA-AA.

Read More