CIIDAMADA AMAANKA LIIBIYA OO SOO QABTAY HUB KALA DUWAN IYO RASAAS.

(SAWIRKA)-HUBKA LA QABTAY.

(LIBIYA)-Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in ciidamada Qaranka dalka Liibiya ey Talaadada maanta ah ku dhawaaqeen iney heleen hub aad u badan oo kala duwan kuwaaso lagu aasay Bakhaaro hoos yimaado guri ku yaalo koonfurta magaaladda SABHA,hubkaaso ayaa la rumeysan yahay iney leeyhiin kooxaha Argagixisada. War qoraal ah ayaa lagu sheegay in “Ciidamadda gaarka ah ee ka tirsan ciidamadda dhulka”iyagoo kaashanaayo gudiga dib u habeynta koonfurta ey fuliyeen hawlgal gaar ah oo ka dhacay magaaladda SABHA,waane hubkii ugu balaarnaa oo nuuciisa ah oo muddo sannado ah la soo helay, waxaane halkaas laga soo qabqabtay dad fara badan oo goobta ku keydsanaayey hubka culus iyo kuwa dhexe iyo rasaas kala duwan. Hubka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Mdaafiic, Bambooyin, Walxaha Qarxa,Rasaas dhexdhexaad ah iyo kuwa culus iyo qoryaha lidka diyaaradaha. Hawlgalka ayaa qeyb ka ah dadaaladda ey ciidamadda Qaranka Liibiya ku doonayaan iney dib ugu soo celiyaan Amaanka iyo kala dambeynta koonfurta, gaar ahaan marka la eego kororka dhaqaalaha tahriibka iyo kooxaha sharci darrada ah xilli ey sii kordhayaan colaadaha ka taagan dalalka Liibiya la deriska ah gaar ahaan dalka Suudaan. Tirada hubka la qabtay ayaa muujineysa khatar amni iyo khataraha Argagixisada ee koonfurta dalka Liibiya,halkaaso goobjoogayaashu ey ka digayaan in sii socodka hubka ee gobolka uu gacan ka geysan karo hurinta kooxaha xagjirka ah iyo shabakadaha wax tahriibiyo.

ISHA-AA.

Previous
Previous

(JARMALKA): QAXOOTIGA SUURIYA EE JOOGA JARMALKA OO IS GARAACAY,SABABTA?

Next
Next

MARAYKANKA OO KORDHIYEY LAGTA MADAXIISA LA SAARAY AL-CAWLAQI,IMISA?