MARAYKANKA OO KORDHIYEY LAGTA MADAXIISA LA SAARAY AL-CAWLAQI,IMISA?

(SAWIRKA)-AL-CAWLAQI.

(WASHINGTON)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay kordhisay abaal-marinada la siinayo ciddii keenta xog horseeda soo qabashada Hoggaamiyaha Al-Qaacidada Jaziiratul Carab (AQAP) oo fadhigeedu yahay dalka Yemen. Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bayaan ey soo saartay Talaadada maanta ah ku tiri: "Haddii aad hayso macluumaad ku saabsan Hogaamiyaha Argagixisada Sacad Bin Caadhif AL-Cawlaqi, Hoggaamiyaha AL-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, ee Yemen, noo soo dir, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto abaalmarin dhan $ 10 milyan iyo in aad u guurto meel ammaan ah." Warku waxa uu intaa ku daray in AL-Cawlaqi oo sidoo kale loo yaqaan Sacad Moxammed Caadhif kaaso hogaaminayey weeraro ka dhan ah Maraykanka, isla markaana uu dalka Yemen ka geystay afduubyo loo geystay dad isugu jira Maraykan iyo reer Galbeed. Barnaamijku waxa uu xusay in AL-Cawlaqi uu ku baaqay weeraro ka dhan ah Maraykanka iyo xulafadiisa isaga oo ah Amiirka Al-Qaacida oo ah Urur Argagixiso oo Maraykanku u aqoonsan yahay iyo Amiirkii hore ee kooxdaasi ee gobolka Shabwa ee Koonfur Bari Yemen. Horraantii Noofambar 2022, Maraykanku waxa uu $6 milyan oo abaal-marin ah ugu yaboohay xogaha AL-Cawlaqi. Iyadoo maanta lagu dhawaaqay, yabooh cusub oo gaaraayo ilaa $ 10 milyan. Barnaamijka ayaa lagu yiri, "Waxaan kordhinay abaal-marinaha la siin doono ciddii keenta xog ku saabsan hoggaamiyahan Argagixisada ah, nagu caawi sidii aan u heli lahayn." Horraantii bishii Juun, AL-Cawlaqi wuxuu soo saaray hanjabaad ka dhan ah Madaxweyne Donald Trump, Madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, iyo Maalqabeenka Elon Musk. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la dilo Hogaamiyayaasha Masar, Urdun iyo Khaliijka Carabta, iyadoo la eegayo dagaalka Isra’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza. Waxaa xusid mudan in AL-Cawlaqi uu la wareegay hoggaanka Al-Qaacidada Jaziiradda Carabta tan iyo bishii March ee sannadkii 2024-kii, ka dib markii uu geeriyooday hoggaamiyihii hore ee Ururkaas Khaled Baadhrafi oo muddo dheer la xanuunsanayay cudurro halis ah, sida lagu sheegay bayaan ay hay’addu soo saartay xilligaas.

ISHA-AA.

Previous
Previous

CIIDAMADA AMAANKA LIIBIYA OO SOO QABTAY HUB KALA DUWAN IYO RASAAS.

Next
Next

HOLLAND OO KU DHEGAN LABA WASIIR OO ISRA’IIL AH,SABABTA?