HAYDAHA AMNIGA LIIBIYA OO GACANTA KU DHIGAY DAACISH.
(SAWIRKA)-DAACISH.
(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Ciidamada sirdoonka Liibiya ayaa Jimcihii ku dhawaaqay iney burburiyeen saddex unug oo Argagixiso ah oo xiriir la leh kooxda Daacish. Unugyadan ayaa ka hawlgalayey meelo kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan koonfurta, waxaanay xiriir la lahaayeen Hay’adaha caalamiga ah ee Afrika iyo Yurub. Ilo-wareed sare oo dhanka ammaanka ah oo ka tirsan Hay’adda ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Libya in hawlgalkani “uu ku yimid qaab dhismeedka dadaalka dawladda Libya ee la dagaalanka Argagixisada iyo burburinta ilaha dhaqaalaha”.
FAAHFAAHINTA UNUGYADDA:
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in "Qeybta koowaad ay mas'uul ka ahayd qorista dagaalyahanno iyo in xubnaha ISIS ee Waqooyiga Afrika laga soo daabulo Soomaaliya iyo Gobolka Saaxil, iyagoo isticmaalaya baasabooro been abuur ah iyo guryo ammaan ah oo Qarsoodi ah. Qaybta labaad waxay maamulaysay shabakad lacag-dhaqid ah oo aad u badan iyada oo loo marayo shirkado u ekeysiiya hawlahooda "shaqo bini'aadannimo," iyagoo muujinaya taageerada ay u hayaan xubnaha ISIS ee ka soo cararaya xerada AL-Hawl ee Suuriya iyo inay u helaan guryo ay ku leeyihiin Liibiya." Warbaahintu waxa kale oo ay sheegtay in unugga saddexaad loo arko inuu yahay xiriirka ugu khatarta badan, maadaama uu lacagaha ugu xawilo ISIS iyada oo la adeegsanayo shabakadaha caalamiga ah ee loo yaqaan cryptocurrencies oo ay u sameeyeen maal-gashi shaki leh iyaga oo ka wakiil ah kooxda.
HUB AAD U BADAN:
Arrintan ayaa timid maalmo ka dib markii hub badan oo kala duwan laga helay bakhaaro hoos yimaada guri ku yaalla magaalada Sabha ee koonfurta dalkaasi. Hubka la rumeysan yahay inay leeyihiin kooxaha Argagixisada ah ayaa isugu jiray Madaafiic, Bambooyin, Walxaha Qarxa, Rasaasta dhexe iyo kuwa culus iyo Qoryaha lidka Diyaaradaha. Hawlgalladan oo isku mar ah ayaa muujinaya khataraha amni iyo khataraha Argagixisada ee koonfurta Liibiya. Kormeerayaashu waxa ay ka digayaan in maranaanshaha amni ee sii socda iyo qulqulka hubka ee koonfurta Liibiya ay sii hurin karaan kooxaha xagjirka ah iyo shabakadaha wax tahriibiya iyo dhiirigelinta sii socoshada falalka Argagixisada ee Xuduudaha isaga gudba.
ISHA-AA.