DILAAGII QARSOONAA EE AL-ASAD OO GACANTA LAGU SOO DHIGAY.
(SAWIRKA)-EEDEYSANAHA OO KOR U HAAYO ILKA DADEED UU DILAY.
(SYRIA)-Ciidamada amaanka dalka Suuriya ee ku sugan Gobolka Laadiqiyah ayaa gacanta ku dhigay nin horay uga tirsanaan jiray Nidaamka Bashaar AL-asad oo loo yaqaanay “Sniper’s Asad”.
WAA KUMA MAXAMED DAA’UUD NAASIR?
Ilo maxalli ah ayaa sheegay in Maxamed Daa’uud Naasir, oo lagu naanayso “DILAAGII ASAD”, uu ku shaqayn jiray toogashada ciidamadii taliskii hore, wuxuuna dilay tobanaan qof oo Suuriyaan ah. Dadka u ololeeya arrimaha Suuriya ayaa sidoo kale ku andacoonaya in Daa’uud uu ka mid ahaa cududaha dulmiga ku haya xukuumadda Suuriya ee dembiyada foosha xun ka galay shacabka Suuriya, waxaana lagu daba jiray eedeymo ah in uu galay xad-gudubyo xilligii uu ahaa shiishaha. Dhanaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in Daa'uud uu ka soo shaqeeyay Gobolka Jabal AL-Turkman, ka dibna uu u wareegay tuulada AL-Zuwayqat ee Jabal AL-Akrad oo ku taal buuraha Kabina. Dambiyada uu galay waxaa ka mid ahaa in uu meydka googooyay. Waxay xustay in Daa’uud lagu tiriyo mid ka mid ah hoggaamiyayaasha iyo maskaxdii ka dambeysay “dhacdooyinka xeebaha,” oo ay ku arkeen dagaallo dhiig badan ku daatay iyo dilal diimeed oo Calawiyiin ah oo ka dhacay magaalooyin ku yaal xeebaha Suuriya. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in eedaysanaha uu ku lug lahaa falal Argagixisanimo, maadaama uu mas’uul ka ahaa beegsiga xarumaha ciidamada ammaanka iyo goobaha ciidamada 6-dii bishan Maarso, sidoo kalena uu ahaa hoggaamiyihii kooxda weerartay koontaroolka AL-Zobar ee baadiyaha Laadiqiyah, oo ku taalla wadada aada Jabal AL-Turkman.
"JEES-JEES"
Waxaa xusid mudan in isla markii lagu dhawaaqay in la xiray, ay dadka u ololeeya baraha bulshada ay ku faafiyeen sawirro Da’ud xilligii Asad, isagoo heysta qoriga shiishka. Sawirada qaar ayaa u muuqda in uu jarjarayo meydadka uu dilay. Daa'uud waxa kale oo uu ka soo muuqday mid ka mid ah sawirradii ku xigay dhafoorka dadeed,mid kalena waxa uu ka soo muuqday mayd agtiisa, isaga oo haya mid ka mid ah daanka. Suuriyaanka ayaa baraha bulshada ku faafiyay warka ku saabsan qabashada tuhmanaha iyo u gudbinta baaritaanka. Waxay ku nuuxnuuxsadeen in tallaabooyinkan oo kale ay ballan-qaadayaan mustaqbal wanaagsan, gaar ahaan maadaama ay u taagan yihiin waddada ugu habboon ee loo heli karo caddaalad ku-meel-gaar ah, taas oo ay ku riyoonayaan in la ciqaabo dhammaan haraagii taliskii hore iyo dembiilayaasha ka dib marka la baaro laguna xukumo si waafaqsan habraaca sharciga ah.
ISHA-AA.