DALALKA SURIYA IYO URDUN OO KU GUULEYSTAY KA HORTAGA TAHRIIBINTA DAROOGADA.
(SAWIRKA)-ILAALADA XUDUUDKA URDUN.
(JORDAN)-Ciidamada qalabka sida ee dalka Urdun ayaa ku dhawaaqay in askartu ay dileen laba dagaalyahan ka dib markii ay fashiliyeen isku day ay ku doonayeen in ay kaga soo gudbaan xadka Suuriya Jimcihii shalay ahaa. Waxa ay sidoo kale bayaan ay soo saartay Sabtida maanta ah ku sheegeen in "Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Gobolka Bari ay u suurtagashay, waaberigii shalay, in ay fashiliyaan isku day ay koox hubaysani ku doonayeen in ay si sharci darro ah uga soo gudbaan xadka Urdun," sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka ee Petra.
RASAAS LA ISWEYDAARSADAY:
Waxay sidoo kale xustay in "shuruucdii wada-shaqeynta la fuliyay ka dib markii la arkay, taasoo keentay dhimashada laba ka mid ah Tahriibayaasha ka dib markii ay rasaas isweydaarsadeen ilaalada Xuduudka,kooxda inteeda kalena ay dib ugu qoto laabteen gudaha dalka Suuriya."Dhowr bilood ka hor, Urdun iyo Suuriya waxay ku dhawaaqeen inay sameysteen Guddi Ammaan oo wadajir ah oo ka hortagaya Tahriibinta, Sugidda Xuduudahooda, iyo la dagaallanka Hubka iyo ka Ganacsiga Daroogada. Ku dhawaaqistan ayaa dhacday intii lagu guda jiray booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Ascad AL-Sheybaani bishii Janaayo ee la soo dhaafay.
KA HORTAGA ISKU DAYADA TAHRIIBKA:
Waxaa xusid mudan in bilihii iyo sannadihii lasoo dhaafay ay Urdun si isdaba joog ah ugu dhawaaqday in ay fashilisay isku dayo Hub iyo Daroogo oo badan oo ay wadeen dad gudaha u soo galay oo xiriir la leh qaar ka mid ah maleeshiyaadka Iraan ee ku sugan Suuriya ama kooxaha kale ee hubeysan. Taas bedelkeeda, Tehraan waxay beenisay inay wax lug ah ku leedahay Hubka ama Daroogada laga soo Tahriibiyo xadka Suuriya iyo Urdun.
ISHA-AA.