CIIDAMADA XUKUMADA SURIYA IYO KUWA KURDIYIINTA OO IS FARA SAARAY.
(SAWIRKA)-CIIDANKA KURDIYIINTA.
(SYRIA)-Xoogaga Dimuqraadiga Suuriya (SDF) ayaa sheegay Isniinta maanta ah iney isku dhaceen kooxo gacan saar la leh ciidamada cusub ee dawladda Suuriya ee deegaanka Deer Xafeer ee baadiyaha Xalab. Xarunta warbaahinta ee ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri, "Saacadu markeey ahayd 3:00 subaxnimo ee Isniinta, kooxo gacan saar la leh ciidamada dowladda Suuriya ayaa weerar ku qaaday afar ka mid ah fariisimaha ciidamadeenu ku leeyihiin tuulada AL-Imaam, ee deegaanka Deer Xafeer, ciidamadeenu waa ey ka jawaabeen weerarka waxayna uga jawaabeen sidii loo baahnaa si ay u difaacaan goobahooda iyo dagaalyahannadooda. Iska horimaad u dhexeeyey labada dhinaca ayaa socday muddo 20 daqiiqo ah." Warku waxa uu intaa ku daray “Waxaanu cadaynaynaa in gardaradan soo noqnoqotay ay ka dhigan tahay in si ula kac ah loo sii hurinayo xasilooni daridda gobolka, waxayna xukuumadda Dimishiq ey si buuxda uga mas’uul uga tahay falkan, waxaana aanu xaqiijinaynaa in ciidamadeenu ay maanta diyaar u yihiin in ka badan sidii hore si ay xaqooda ugu helaan inay si sharci ah uga jawaabaan xoog iyo go’aan adag. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Wasaaradda Difaaca ee Suuriya iyo Xoogaga Dimuqraadiga ee Suuriya (SDF) ay isweydaarsadeen eedaymo ku saabsan weerar ka dhacay waqooyiga magaalada Manbij Sabtidii, taasoo mugdi gelisay heshiiskii isdhexgalka ee taariikhiga ahaa ee ay labada dhinac kala saxiixdeen bishii Maaarso.Wakaaladda Wararka Suriya ee SANA waxa ay sheegtay in Wasaaradda Difaaca ay ku eedaysay Ciidamada Dimuqraadiga ee Suuriya inay weerar gantaal ah ku qaadeen fariisin ciidan oo ku yaalla baadiyaha magaalada, ayna ku dhaawacmeen afar askari iyo saddex qof oo rayid ah. Hay’addu waxay sheegtay in Wasaaraddu ay ku tilmaantay weerarkaas mid mas’uuliyad darro ah oo aan la garanayn waxa sababay. Dhinacooda, Xoogaga Dimuquraadiga Suuriya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in kooxaha aan anshax-marin ee ka dhex shaqeeya ciidamada dowladda Suuriya ay yihiin kuwa sii wada daandaansiga iyo weerarada soo noqnoqda ee ay ku hayaan goobaha xiriirka ah ee deegaanka Deer Xafeer. Kooxahani waxay sidoo kale madaafiic ku garaaceen goobo ay dadku ku badan yihiin fiidnimadii Sabtida, iyagoo soo riday in ka badan toban madfac oo aan qiil loo haysan. War-saxaafadeedka laguma xusin wax dhimasho iyo dhaawac ah. Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ayaa heshiis kula saxiixday xukuumadda Dimishiq si ay ugu biiraan hay'adaha dawladda Suuriya. Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in dib loo mideeyo dalkii burburay ee 14-kii sano ee dagaaladu socdeen, taasoo u gogol xaaraysa in ciidamada Kurdiyiinta ay hoggaamiyaan ee gacanta ku haya rubuc ka mid ah Suuriya ay la midoobaan Dimishiq, oo ay la socdaan hay'adaha maxalliga ah ee maamula Kurdiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, heshiisku ma caddayn sida ay SDF ula midoobi doonto ciidamada Suuriya. SDF ayaa horay u sheegtay in ciidamadeedu ay ku biiraan hal koox, halka Dimishiq ay rabeen in ay shaqsi ahaan ku biiraan.
ISHA-AA.