SUUDAAN OO SHEEGTAY IN DALKEEDA EY JOOGAAN KOLOBIYAAN.

(SAWIRKA)-MADAXA FALAAGADA SUUDAAN XUMEYDTI.

(SUDAN)-Dowladda Sudan ayaa shaaca ka qaaday ku lug lahaanshaha baahsan ee calooshood u shaqeystayaal Ajnabi ah, gaar ahaan kuwa ka yimid dalka KOLOMBIYA, oo ka tirsan ciidamada kooxda Falaagadda dalka Suudaan ee Rapid Support Forces (RSF), iyada oo lagu jiro dagaalka sii kordhaya ee socda tan iyo Abriil 2023. War qoraal ah oo ey siiyeen Tv-ga AL Jazeera Net, ciidamada Sudan ayaa lagu xaqiijiyay in maleeshiyada RSF iney si weyn ugu tiirsan yihiin calooshood u shaqeystayaasha ka barbar dagaalaya, iyo howlgallada tooska ah ey fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida kuwa aan duuliyaha lahayn ee Ismiidaamiya. Afhayeenka ciidamada Sareeye Guuto Nabil Cabdallah ayaa sheegay in kumannaan calooshood u shaqeystayaal shisheeye ah ey ka qeyb qaadanayaan howlgallada militari, dowladda Suudaanna ey heysato dukumentiyo cadeynaya in calooshood u shaqeystayaal ka yimid dalka Kolombiya iyo boqolaal kun oo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka yimid dalalka deriska ah, kuwaasoo ey maalgaliyeen oo ey maalgelinayaan dhinacyo dibadda ah. Ergada Joogtada ah ee Suudaan u joogta Qaramada Midoobay ayaa warqaddan horgeysay Golaha Ammaanka, iyadoo ka digtay in arrintani ey khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda gobolka iyo tan caalamiga ah, isla markaana ey dagaalka u beddelayso colaad Argagixiso oo xudduudda ka gudubta. Xogta ayaa tilmaamaysa in Ciidamada Taageerada Deg degga ah ey dagaalyahanno ka qorteen Chad, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Liibiya, iyo Niger. Ku dhawaad 800 oo dagaalyahano reer Chad ah, oo da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 35, ayaa la qoray intii u dhaxaysay November 2024 iyo February 2025. Waxa la siiyay inta u dhaxaysa $1,650 iyo $3,300 muddo lix bilood ah oo ay ku shaqaynayeen, oo ey weheliso tababar ku saabsan hawlgalinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha. In ka badan 1,300 oo dagaalyahan ayaa sidoo kale laga qoray Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyadoo qorshuhu yahay in tiradan la gaarsiiyo 3,300, si loo geeyo magaalooyinka EL Geneina iyo Nyala ee Darfur.Horumarka la xiriira, in ka badan 900 calooshood u shaqeysteyaal hore oo Chad ah oo lala xiriiriyay Ciidanka Qaranka Liibiya ayaa la shaqaaleysiiyay intii u dhaxeysay Disembar 2024 iyo Febraayo 2025, iyada oo xiriirrada militariga Ruushka ay la leeyihiin howlgallada qorista ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Dowladda Sudan ayaa ka digtay heerka uu gaarsiisan yahay shirqoolka lagu bartilmaameedsanayo dalkaasi, taasi oo ka dhalan karta beegsiga lagu hayo maleeshiyaadka iyo ciidamada calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaasi oo taageero shisheeye ka hela, isla markaana ka shaqeeya qalqal gelinta Suudaan. Baaritaan ay daabaceen mareegaha wararka ayaa daaha ka qaaday in in ka badan 300 oo askari oo hore oo Kolombiyaan ah ey ka qayb qaadanayaan hawlgalka loo yaqaan "Desert Wolves", oo uu hogaaminayo kornayl Kolombiyaan ah oo hawlgab ah. Qaar ka mid ah askartan ayaa ka howlgala xeryo lagu tababaro koonfurta Nyala, oo ah caasimadda Gobolka Koonfurta Darfur. Xeryahaan waxaa ku nool inta u dhaxaysa 1,000 ilaa 3,000 oo Suudaani ah, oo ey ku jiraan caruur da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 12 jir, kuwaasoo qaadanaya tababar ciidan oo xoogan.

ISHA-ALQABS.

Previous
Previous

DALKA INGIRIISKA WIIL SACUUDIYAAN AH OO TOOREEY LAGU DILAY.

Next
Next

CIIDAMADA XUKUMADA SURIYA IYO KUWA KURDIYIINTA OO IS FARA SAARAY.