LA HAYSTE ISRA’IIL AH OO EY KA MUUQATO MACLUUL DARRAN.
(SAWIRKA)-LAHAYSTE EVYATAR DAVID.
(QUDS)-Wararka laga helaayo Marinkka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in Garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ey sii daysay muuqaal daqiiqado soconaya maanta oo Jimca ah, muuqaalka ayaa waxaa ka soo muuqday nin Israa'iil ah oo lagu haysto Marinka Gaza kaaso muuqaalkiisa loo arkaayey inuu yahay mid daciif ah oo nafaqo darri hayso, kuna dhex jira gudaha god ciriiri ah oo shub ah. Fiidiyowga Guutada Cizadiin AL-Qassam waxa uu muujinayay nin xiiran oo gar leh, Wakaaladda Wararka AFP iyo warbaahinta Israa’iil ayaa ku sheegay inuu yahay Evyatar David, kaasoo la qabtay Oktoobar 7, 2023. Wakaaladda Wararka AFP si madax banaan uma ay xaqiijin karto xaqiiqada muuqaalka. David, oo 24 jirsaday isagoo maxbuus ah, ayaa la afduubay intii uu socday weerarkii Xamaas ee dhaliyay dagaalka Gaza isaga iyo saaxiibkiis Gal Gilboa-Dalal. Labaduba waxay ka qayb galayeen xafladii Muusiga ee Nova ee koonfurta Israa'iil. Waxa ay ka mid ahaayeen 44 qof oo ciidammadii ka soo qayb galay la qabtay. Maleeshiyaadka Falastiiniyiinta ayaa dilay 370. Dabayaaqadii bishii Febraayo, Xamaas waxa ay sii daysay muuqaal muujinaya David iyo Gilboa-Dalal oo gaari ku dhex jira, iyaga oo daawanaya xaflad lagu sii daynayey dhawr mitir (yards). 251 ka mid ah la haystayaashii lagu qafaashay weerarka Xamaas, 49 ka mid ah ayaa weli lagu hayaa Gaza, oo ay ku jiraan 27 ka mid ah ciidammada Israa'iil ayaa sheegay in ay dhinteen. Xayiraadaha Israa’iil ee soo gelitaanka badeecadaha iyo gargaarka ee Gaza ayaa horseeday cunto yari ba’an iyo badeecadaha kale ee muhiimka ah, taas oo dhalisay dalabaadka caalamiga ah ee xabbad-joojinta. Maalmo ka hor ayey ahayd markii kooxda Jihaad AL-Islaam oo sii deysay Viedeo ku saabsan caruurta reer Falastiin ee macluusho hayso u shideen la haystayaal Isra’iiliyiin ah.
ISHA-AN.